Home

Makayte

                                                              Dul-Qafaar

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan uu Makayte u bixiyey Dul-qafaar waa gabaygiisii labaad ee ka midka ahaa gabayadii uu ugu jawaabayey nimankii Isaaq ee ay isu halcelin jireen horraantii illaa badhtamihii 1980aadkii.  Waxaa ka horreeyey gabaygan oo uu Makayte mariyey Olal Reema oo waa ka gabaygan ku leh: Olalreema dayr bay ahayd aan idiin digaye, Dul-Qafaar haddaan idinla dhici daabcad iyo seefe.  Akhris wacan.

Wuxuu yidhi:

 

  • Indhawaydba deelkiisa gabay kuma dadaalayne

  • Ma danaynin mansooyinkii dahabku saaraaye

  • Dood shir weyn kama akhriyin laba diraacoode

  • Deyrtiyo Xagaagiyo gugay duul i kiciyeene

  • Hadba aniga oo daayey baa laygu dirayaaye

  • In kastoon dadaalkii badnaa badi u sii daayey

  • Ma dacniyini daartaan ku xidhay damacii geeraarka

  • Cawaan daboolkiyo ka rogi dadabtii saarayde

  • Caawaan sidii roobka da’ay dooxyo soo rogiye

  • Caawaan daruurihii mudmudi ii dadnaan jiraye

  • Caawaan daroorimo fasaxan idin dabaalsiine

  • Caawaan durbaankiyo u tumi daramalkaygiiye

  • Caawaan dafkiyo muusigii soo diyaarsadaye

  • Duruustaan idiin soo wadiyo dood-cilmiyadayda

  • Caawaan darasaqiintiin ku qali daalinka ahaaye

  • Caawaan dareemada ku hurin dab iyo baasiine

  • Caawaan dogobyo saarsaarayaa duur intaan shido e

  • Caawaan sidii aar wax dilay diihanayn kariye

  • Dibnahaygu caaway karaan doob dhaw iyo reene

  • Oon doonayaba siinayaa deelka maansada e

  • Dul-ka-hoor inay tahay naxwaha taan u door biday ah

  • Caawaan dareensiinayaa dunida guudkeede

  • Caawaan danabyo soo tuurayaa dakharo waa weyne

  • Maxaa yeelay Dooxaadhkii baa diiday nabadiiye

  • Damac iyo Isaaq dacar hunguri doobkahaw culaye

  • Dib-u-socodkii soo caytamiyo dulankii soo heesay

  • Waa dawdar waashay iyo waxaan dhaamin duulkuba e

  • Iidoor ergadii loo diraba samaha diidaaya

  • Waa dawgal iyo bixiso iyo diga-jabkoodiiye

  • Ha la daayadii bay si kale wax u dareemeene

  • Kol haddii dadaalkii badnaa dacati loo qaatay

  • Dubahaygii caawaan la dhici diiranaan jiraye

  • Cawaan daakhiliyo guud ku kicin dawlad kaamile ehe

  • Dukumdaakum caawaan ka dhigi Reer Dubaaqsane

 

  • Afartaa wax layskuma daree deel ma higaadshay

  • Durbaaniyo dafiyo muusikiyo daramal maw qaatay

  • Ma ka daayey deel qaafku waa kaa dilaa gabaye

  • Doc ka fuulka kaadsiinyahaa looga door bidaye

  • Intaan darafta raadkiisu jiray anigu doonaayey

  • Een daahay la i mood inaan daayey gabaygiiye

  • Kol haddaan dawaarkii rogoon diiradii u qaatay

  • Dulucdiyo u jeedada naxwaha dood cilmiyadayda

  • Danta aan ka leeyahay xikmadan daayin igu beeray

  • Dabcan inay abwaanadu gartaan saan u daadagaye

  • Ku darsoo mid kale hoo haddaad daristay taan sheegay

 

  • Daarood iyo intaan Dabacayuun doodu ila gaadhin

  • Dadba wuxuu ahaan jiray bal aan dib uga faaloodo

  • Sooyaaladii durugsanaa maan dadka u sheego

  • Ma duugowdo taariikhdu way kala dambaysaaye

  • Waa sida dorraad iyo shaliyo maanta duhurkiiye

  • Ilaa duudkii Nabi Aadan iyo dihashadii Xaawo

  • Maalintuu Iblaysku isku dirayees dareen galiyey

  • Iyo doorkan oo lagu dhex jiro Shiigii dabayaaqo

  • Dadkii soo farcamay ee tarmay ee duurka kala aaday

  • Ee badh diinta caasiyey intuu diiday Nabigeena (csw)

  • Badhna uu dafiray Eebaheen daayinimadiisa

  • Badhna laba dibleeyee noqdeen diinba waxaan haysan

  • Badhna ay dariiqii mareen la iska doonaayey

  • Intaasoo run wada dooc ahbaa duulba meel maraye

  • Dibse haddaan u falanqaynoo faalo lagu daaho

  • Daarood iyo u maynaan sinayn Doxorka Iidoore

  • Dadkii baydhay jeerbaad tihiin ee la duufsadaye

  • Abidkiin dariiq waxaad furtaan ceeb ku daabacane

  • Sidaa iyo darteed baad khalqiga uga dayowdeene

  • Deyraad ahaydeen hadda unbaad durduriseene

  • Darisnimada awgeed unbaad noogu dayateene

  • Ilaa duudkii Nabi Aadan waad naga dambayseene

 

  • Daarood waxyaabaha badhkood uma dulqaataane

  •  Kufaarada intay dabagalaan lama dakeeyaane

  • Daroogiyo khamrida lama cabaan mana daryeelaane

  • Darin iyo furaash uma dhigaan dumar ma siiyaane

  • Gabadh daawashiyo qurux lehoo dahab la moodaayo

  • Ingiriis kagama doorsadaan doollar lacageede

  • Dusha calankan Alla noo sudhee doogdoogad aah

  • Dabaqlayda Xabashaad heshiis kagama doonaane

  • Dalkana intay ka dhoofaan dudmiyo damac ma keenaane

  • Diintana ma caayaan intay darajo moodaane

  • Haddaan beenta sidii deyr dhal geel loo danbarinaynin

  • Oon sida dayuuskii xumaa lagu danbaabaynin

  • Dunta boqorku waa reer tolkay laysku daba daalye

 

  • Daarood sidaasuu xalaal daahiraw yahaye

  • Darajada Illaahay baxshiyo deeqda nala siiyey

  • Ninkii dumi yidhaahdowba waad dabar go’aysaaye

  • Dawlad caasiga iyo ha is qabeen Reer Dubaaqsane

  • Duubuhu intaanu ku dhicin dunidan guudkeeda

  • Dalkan iyo anunbaa xukumi kaa la dooniba e

  • Ma cirkaydun degi weydun rari doorka manta ahe

 

  • Afartaa wax layskuma daree deel ma higaadshay

  • Durbaaniyo dafiyo muusikiyo daramal maw qaatay

  • Ma ka daayey deel qaafku waa kaa dilaa gabaye

  • Doc ka fuulka kaadsiinyahaa looga door bidaye

  • Intaan darafta raadkiisu jiray anigu doonaayey

  • Een daahay la i mood inaan daayey gabaygiiye

  • Kol haddaan dawaarkii rogoon diiradii u qaatay

  • Dulucdiyo u jeedada naxwaha dood cilmiyadayda

  • Danta aan ka leeyahay xikmadan daayin igu beeray

  • Dabcan inay abwaanadu gartaan saan u daadagaye

  • Ku darsoo mid kale hoo haddaad daristay taan sheegay

 

  • Duliyahow damiinyahow waxyahow dawgii ka habaabay

  • Dulanyahow gumaysiga ku diray dalowyo kaa tuurye

  • Ducfiyahow dameeryahow ka ciyey labada daamoodba

  • Diciifyahow daanyeeryahow xunee dibad kasoo qeylshay

  • Hadba wixii idiin daran unbaad dalaq tidhaahdaane

  • Ceebtiinii aan dadi jiray baad dacal faruurteene

  • Khaniisnimo adaa dir u lahaa daa’in abidkaaye

  • Adiyo duud xamaalkii ku dhalayoon dalkaba joogin

  • Yaa diirka soo beecsan jiray dubka oogada

  • Dayuus baad tihiin aan kollaba daahir noqonayne

  • Dudumada ka maydh baad tihiin durufka ciideede

  • Daba-dhilifkii Xaylow Dhergigu waydin duufsadaye

  • Dulkaa laga gub oo aabahaa shiil la daba qaadye

  • Dadka qaranka noo maamulee dawladda hogaansha

  • Ha dacaayadayn madaxda ways duray naqaanaaye

 

  • Darxumada Kacaankii tirtirayee dadka habeeyey

  • Isku duubnideeniyo bulshada saan u daadihino

  • Dareen garasho xaajooyinkii, dowga laga naadshay

  • Ma degdega Siyaad hadaladuu dunida gaadhsiiyey

  • Way deeqi karayaan qofkii dhaga duleelaaye

  • Damiinkiyo midkii liita iyo doxorna yeelkiiye

 

  • Gafuur cadho ninkiisuu dilaa duul horaa yidhiye

  • Sidaa kama duwana ruux ka diday dagaladiisiiye

  • Waydinka duuf inaan sasabo idin duraantaaye

  • Ma cirkaydun dagi waydun rari doorka maanta ahe

 

  • War duriyadiyo Iririyo Dir baad nagula doodaane

  • Abtirsiimada kuma duxdaan dariska mooyaane

  • Soomaali oo duubanoo ul iyo diirkeed ah

  • Dilaaliyo malaalnimo unbaad kula dul meertaane

  • Idin doonimaayaan kuwaad dadabsanaysaane

  • Difeetiyo sidiinaba haddii daamur idin fuulay

  • Oo dabaaqad sida xoolihii laydin kala daalay

  • Asaydaan dadayn wayla yaab waxaad ku doodaane!

 

  • Olol Reema deyr bay ahayd aan idiin digay

  • Dul-qafaar haddaan idin la dhici daabcad iyo seefe

  • Haddaad dabinkii iisoo gasheen waan dalacayaaye

  • Dabxidh iyo haddaan idinku ridi damug rasaaseede

  • Gantaal kaan idiin doorbidee idin duqaynaayey

  • Haddaa suufkii laga diirayaa sun iyo deemaaqe

  • Dushaydaadba eeday iyo intaan daaya leeyahaye

  • Haddaan dibinta kuu marinayaa dacar khadhaadhiiye

  • Diindiin sidiisii haddaydaan digigixoonayne

  • Haddaydaan dudubinaynin been deeqa iyo yuuse

  • Haddaydaan dalkaba joogi karin dar Alla mooyaane

  • Kadaabkii dakanaduu ka galay gabayga waa deyne

  • Suugaantuu magaceeda dilay xaal anow diriye

  • Mar cirkaydun degi waydun rari doorka maanta ahe

  • ….

 

Cajalka aan gabaygan ka qorray halkaa ayuu ku dhammaaday.  Waxaa cad in gabayga qaar maqan yahay.  Soo raadi fadlan.

 

 

Banfis I

Banfis II

Yuusuf Colaad I

Yuusuf Colaad II

MakayteI

Makayte III

Fakad I

Fakad II

Fakad III

        

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com.The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.