Home

Cali Banfis

                                                              Raamaale

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygii 1aad ee Banfis

  • Raxan raadka waxa iigu wacan, rixinka Somaale
  • Raxmaad da'ay ramaas iyo xareed, rayska iyo baadka
  • Ramadkaygi dhalay caanihii, ruuxna dayi waayey
  • Raaxo lagu nagaadiyo nimcada, lagu riyaaqaayo
  • Gobonimo lasoo roornay oo, weydinkii raqaye
  • Ee subagii raarnaa guryaha, Roma loo dirayey
  • Aadan iyo Risaaq waatay, naga rakiigeene
  • Xamar raatub oon liicin oo, aradka ruugaaya
  • Rab intan ku soo idhi waanigii, raacdo dheer galaye
  •  
  • Rashiid iyo Cigaal maalintii, mawdku kala reebay
  • Rabiibkii Talyaaniga ka hadhay, raarta sare fuulye
  • Rakada iyo salaankuu u baxay, kama ridaysaane
  •  
  • Sadddexbaa is raacaye halkii, lagu rasaaseeyay
  • Rumaankii xabaalaha ka baxay, reer qudhaa cunaye
  • Raqba waa rageedee shalay, waa ragragateene
  • Riddo dhiigle wan kula jeclaa, raysna daba yaale
  •  
  • Riyo lala kacaa booday baan, raasamaal dhigine
  • Waxaa ruubateen maalintaad, dad iska reebteene
  • Majeerteen siduu rabay hadday, run u ahaan weyday
  • Adaa raaf dilaacaye anigu, kuma ragaadsiine
  •  
  • Nin rakaday marbuu khaadunow, waran rideeyaaye
  • Ruuxooy la qaadyeey anaad, rawga ii tumiye
  • Ood igu ruxanaysaa inaan, soo rakaabsado e
  • Hadaan kaaga roggi laa, adaa igaga riiq dheere
  •  
  • Haddaad raaxo joogtiyo haddaad, raran gubyoonayso
  • Wali raxanki maad galin cagaha, nagu rogayseene
  • Ruug-cadaadigaa haysta iyo, adiga riixaaya
  • Hadba raarta kiinii gala, waysla ruga gayne
  •  
  • Raqda aarka hore kii dambuu, reenka maqashiine
  • Kuruskuu rudhaayuu hadana, wax uga reebaaye
  • Raxan baad ku cunaysaan hashaan, riiq walba u galaye
  • Daarood cadkuu kala ritaa, waysla ruga gayne

     
  • Raambaha haddii lagu turbo iyo, raani iyo baashe
  • Hadba yeekahaad noogu rogtaan, waysla ruga gayne
  •  
  • Rucla orodka geelaba haddii, rag isku soo gaadho
  • Qolo unbay riyadii laysku go'ay, libintu raacdaaye
  • Caawa rayflkaa kula baxdaan waysla ruga gayne
  •  
  • Tan kalee cidlada raamsata ee, raaski laga daayay
  • Raab-raabitaa raab-raabita, ruux ma weecatuye
  • Raganimiyo xoolaba anaa, ugu radeebnaaye
  • Rucbi baa iyana fuulay oo, laguma rayrayne
  • Kol hadaanay ood iga rogayn, waysla ruga gayne
  •  
  • Reerkii aa kala daadiseen, muu rafaad bixine
  • Rakaabada sidaa uga canteen, raysna degi waaye
  • Sidii bay raraydu u baxdaa, roobna urin waaye
  • Raaskaa yar ee maamuliyo, adiga rawraw leh
  • hadba calankii kii rahmaa, waysla ruga gayne
  •  
  • Raajiya la caabuday sidii, sanabadii raace
  • Rukumada kursiga loo hayaa, raaxo tamashleeye
  • Waraabahaa rabayseen hadduu, cunayo ruuxiina
  •  
  • Rubadiina goortuu cunuu, ruugaga ka heensho
  • Anna iiga rayn maayoo, raadkuu soo qabane
  • Ridaan gees lahayn bay riyuhu, idaha raacshaane
  • Ra'iyigaynu kala haysanaa, waysla ruga gayne
  •  
  • Mareexaankii raamaha lahaa, reer walba u taliye
  • Waqtigoogiibaa roorayoo, iguma raagaane
  • Rayd qaadan maayee anoo, raydabta Isaaq ah
  • Maantaa rarada lay saarrayaa, waysla ruga gayne
  •  
  • Riyaad bay ka gooshaan hablihii, baanka loo raraye
  • Riyaalkii Sucuudiga ayey, labba rogaayaane
  • Rajadiyo agoontii lahayd, way racfaan gudane
  • Idinkiyo bah raabaco dharyaha, waysku ridataane
  •  
  • Rati qalan Islaan idin martiyay, ricidh ma siisaane
  • Riiq dheerahaad nagu disheen, ruuxa naga gooey
  • Iidoor rag weeyoo mar uun, ways ka soo rogiye
  • Abtiyaal maxaa naga rabtaan, ways rogrogataane

 

Gabayga 2aad

Jawaabtii Yuusuf Colaad ee 1aad

Jawaabtii Yuusuf Colaad ee 2aad

Jawaabtii Makayte

 

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.