Home

Beyr

                                                 Maxamed Macallin Muxumed (Dheere)                                

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dagaal Soomaalida Doollo iyo Hawd degtaayi u taqaano Dagaalkii Jiidha ayaa dhexmaray Abraahiin iyo Habar Yoonis.   Maxamed Dheere ayaa dagaalkaa ka tiriyey tixdan hoose.   Sida gabayga laga fahmi karo, dagaalka waxaa soo abaabulay Habar Yoonis oo duulaan gaado ah kusoo kicisay deegaanka Doollo.  Geel ayey qaadeen ragna way laayeen.  Abraahiinkii dhinaca Habar Yoonis ka dhawaa ayaa is abaabulay geeliina ka daba tegay. Waxay gaadheen isagoo meel dhexe ay nimankii qaaday sii wadaan.  Jilibkaa laysu dhigay, guushuse waxay raacday Abraahiin oo geeliina soo dhiciyey raggii qaadayna wax yar mooyee laayey.  Maxamed Dheere oo dagaalka ka qaybqaatay abwaan muctarifana ahaa ayaa dabadeed gabayo dhawr ah ka mariyey. Gabayadaa waxaa ka mid ahaa Beyr

 

Wuxuu inoo tilmaamay sidii uu u diyaargaroobay iyo sidii uu qorigiisii, rasaastiisii iyo waliba saddex-gees qaroofan dhexda ugu soo giijiyey.  Wuxuu inoo caddeeyey inuu dharkiisii xarago meel dhigtay oo uu hugii dagaalka kusoo jufay.  Wuxuu inoo tilmaamay halkii Habar Yoonis geela ka qaaday oo duleedka Wardheer ah iyo sidii looga daba duulay, haddii aan rag ku dagaalaminna inaan geelaa la dhiciyeen dagaalkaana Habar Yoonis lagu jabiyeen.  Wuxuu dabadeed xusay dabaaldeggii ka dhacay Doollo dagaalkaa ka dib.  Haddii aanaan nimankaa sidaa u kala libaysan lahayn ceeb ayaa naga raaci lahayd, afxumada ay na taartaana sina ugama aanaan baxneen, ayuu ku dooday.  Wuxuu si gaar ah u xusay Reer Sugule oo ah qoys Habar Yoonis ka mid ah oo uu sheegay in dadku waa baqan jiree ay toodu tahay geedo kama baydh.  Sidii lagu yaqaanay ayey seedow igu beer jileecsadeen ayuu raaciyey.   

 

Wuxuu kusoo xidhay dhawr meeris oo uu ku qeexayo in Habar Yoonis khatar u badheedhay kolkii ay qoyskiisa soo raadsatay, hase yeeshee inkasta oo Abraahiin ka yar yahay Habaryoonis, abtir ahaan iyo tiro ahaanba, ay  haddana dacar u loogeen.  Wuxuu yidhi:

 

  • Xalaybaa habeenkoo badhtamay, buun la ii tumaye[1]

  • Barkintaan ku jiifiyo darmada, baw kasoo idhiye

  • baalaha intaan deyey hurdada soo baraarugaye

 

  • Buntukh iyo lasoo baxay rasaas, badanoo ii tiile

  • Beerkaan kusoo xidhay ableey,[2] baarax loo tumaye

  • Bisinkiyo waxaan soo cuskaday, baraha yaasiine

  • Sidii baydaraan[3] dhigay dharkii, biifka ka caddaaye

  • Boqorkiyo waxaa nala ballamay, sheekhii loo bogoye (Sheekh Daahir Xaaji Maxamuud)

 

  • Buulada Rafliyo xaafadeey, Billa ka qaadeene[4]

  • Barqin weerarkiibay Baqsiyo Baladka dhaafeene

  • Beeraha afkoodaan ka helay, budulkii hoobaane

  • Birmadkeeda waataan ahaan, buukiskii hore e

  • Gebobebada boodh ka leh markay baarax ololaysay

  • Markay baarcaseey[5] nirigta yari, birinbirqaynaysay

  • Ee baarqabkeedii sidii, bahal u guuxaayey

 

  • Ee geesiyaashii badhkood, hanatay baaruudu

  • Fulaygii banuunow haddaan, wada baxaayowno

  • Oon beerka loo dhigin rasaas, Bogga[6] ma maaleene

 

  • Biixiyuhu raggay kala jabeen, laguma baanteene

  • Bululkii adoogiis la dilay, kuma barbaareene

  • Aqal baaxad weyn iyo aroos, kuma bulshayneene

 

  • Baddu nagama maydheen waxay, nagu batookhaane[7]

 

  • Baalaha markaan labada dhinac, boobto uga laynay

  • Boqolow kobtii lala hadhiyo, baqalkii reer Ciise (Nin Maxamuud Ibraahim la odhan jiray oo dagaalka lagu dilay ayuu ujeedaa)

  • Reer Sugule xagarkii banee, bidix u yaaciiye

  • Basarkii adoogood yiqiin, badiye seedowe

 

  • Sidii bay lo'aad oo hundaha, bixis kasoo daaqay

  • Oo booji soo cunay maryaha, xaar ka buuxsade e

  • Biindhaduba baabuur dhanbay, kor ula boodaaye

  • Baalooto aar ba’an marbay, kala baduugtaaye

  • Beyl laguma maydhiyo batrool, ololku baalyaalo

  • Bahal lama xambaartiyo abees, beydidiis qaba e

  • Bunbo lama barkado gaanjadii, ay ka bixiyeene

  • Bur dhunkaal ah baad laguma cuno, baahi loo qabo e

  • Ma badnine buruudbaa Illaah, nooga dhigay buure

  • Barbarkaanu joognaa Isaaq, beyr ka leeyahaye

 

Gabaygu ma dhanna.  Soo raadi inta maqan.


 


[1] Aabi Duulaa Maxamed ayaan ka qoray.  Nayroobi, Kenya. Febraayo 2005

[2] Ableey: toori, mid waliba halis ah oo kuwa ugu weyn tooriyaha ku jirta

[3] Baydare:  ugaadhsade ama nin ugaadhsiga uun ku nool oo aan bar adduunyo oo kale lahayn.  Caydh.   Wuxuu ujeedaa dharkii xarago ee laygu yiqiin waan furay, dagaalna u qaashaartay, hugii dagaalkana waan kusoo labistay.  Wuxuu kaloo ujeedi karaa, ugaadhu waa xayawaan dareen fudud oo ildheer, ugaadhsaduhuna wuxuu iska ilaaliyaa shay kasta oo uga digi kara ama u sahli kara in ugaadhu kala il horrayso.  Haddaba wuxuu ina dareensiinayaa inuu sidii nin ugaadhsi doon ah iska dhigay dharkii bilicda lahaa ee ugaadhu meel fog ka arki kartay oo dhan.  Labada siyoodba waa uun nin dagaal usoo tafaxaytay

[4] Buulada Rafle:  xaafad ka mid ahayd xaafadaha Wardheer ayaa Buulo Rafle la odhan jiray.  Suldaan Rafle Guuleed Hagoog oo degaankaa mudo ka talin jiray ayaa loogu magac daray.  Wuxuu gabayaagu ina tusayaa halkii Habar Yoonis duulaankeedu soo gaadhay

[5] Baarcas: nirig kobocday oo yara weynaatay walsie aan qaalin gaadhin

[6] Bada: waa hal magaceed, geelloo dhan ayuuse gabayaagu ujeedaa

[7] Batookh: cay ama aflagaadayn

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub 

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.