Home

Beyr

                                                 Maxamed Macallin Muxumed (Dheere)                                

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Dagaalkii Jiidha ee dhexmaray Makaahiil iyo Habar Yoonis ayuu Maxamed Dheere ka mariyey tixdan hoose.  Sidda taariikhdu sugtay, dagaalka waxaa soo abaabulay Habar Yoonis oo duulaan gaado ah kusoo kicisay degaanka Doollo.  Makaahiilka dhinaca Habar Yoonis soo weerartay ka dhawaa ayaa difaac iyo weerar isku jira galay guushiina ay ku dambaysay.  Maxamed Dheere oo dagaalka ka qeyb qaatay abwaan muctarif ahna ahaa ayaa dabadeed gabayo dhawr ah ka mariyey. Gabayadaa waxaa ka mid ahaa Beyr.  Wuxuu yidhi:

 

  • Xalaybaa habeenkoo badhtamay, buun la ii tumaye

  • Barkintaan ku jiifiyo darmaha, baw kasoo idhiye

  • Intaan soo baraarugay hurdada, baalahaan dagaye

 

  • Buntukhii iyo lasoo baxay rasaas, badan oo ii tiilay

  • Bogga waxaan kusoo xidhay ableey, baarax loo tumaye

  • Bisinkiyo waxaan soo cuskaday, badane yaasiine

 

  • Siddii baydaraan dhigay dharkii, biifka ka caddaaye

  • Boqorkiyo waxaa ila ballamay, sheekhii loo bogoye

 

  • Buulada Rafliyo xaafadeey, billa ka qaadeene

  • Beeraha afkoodaan ka helay, budulkii hoobaane

  • Markay baarcaseey nirigta yari, birinbirqaynaysay

  • Ee baarqabkeedii siddii, baabuluhu yeedhay

 

  • Ee geesiyaashii badhkood, hanatay baaruudu

  • Fulaygii balbalyow haddaan, wada baxaayowno

  • Oon beerka loo dhigin rasaas, bade ma maaleene

 

  • Biixiyuhu raggii ay jabeen, laguma baanteene

  • Budulkii adoogii la dilay, kuma barbaareene

  • Aqal baaxad weyn iyo aroos, kama bulshayneene

 

  • Baddu nagama maydheen waxay, nagu batookhaane

  • Ma badnine buruudbaa Ilaah, nooga dhigay buure

  • Barbarkaan ka joognaa Isaaq, beyr ka leeyhaye

 

  • Markii aan labada barbar, boobto uga laynay

  • Reer Sugule xagarkii banee, bidix u yaaciiye

  • Basarkii adoogood yiqiin, iyo badiye seedowe

  • Ma badnine buruudbaa Ilaah, nooga dhigay buure

  • Barbarkaan ka joognaa Isaaq, beyr ka leeyhaye

 

  • Beyl laguma maydho iyo batrool, ololku baalyaalo

  • Bahal lama xumbaartiyo abees, beydadii qaba e

  • Baban lama barkado gaajada, ay ka bixiyeene

 

  • Baalootadu aar ba’an marbay, kala budaysaaye

  • Biindhaduna baabuur dhanbay, kor ula boodaaye

  • Ma badnine buruudbaa Ilaah, nooga dhigay buure

  • Barbarkaan ka joognaa Isaaq, beyr ka leeyhaye

 

Gabayga in badan baa maqan ee soo raadi. 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub 

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.