Home

Dabacayuun

                                                 Maxamed Macallin Muxumed (Dheere)                                

 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Dagaalkii Jiidha dabadii ayuu Maxamed Dheere wuxuu wuxuu sifeeyey siddii rag isu helay, sahankii la diray, iyo wixii rag kale dheefay.  Wuxuu taxayaa rag door ah oo Abraahiin ah oo dagaalkii wacdaro muujiyey.  Wuxuu yidhi:

 

  • Xasan Qalac qumanow Yuusuf Qani, qaalanoow Maxamed

  • Qalbinuuriyow ina Guhaad, qaate ducadiiye

  • Xuseen mallow sibraarkii u qabay, qaabkii loo toloye

  • Qolkii xero jifeey gaas qebiran, qab is yidhaahdeene

  • Qamaamihii horeetaba labay, kaga qolfeeyeene

  • Ka qebta iyo qeyliya labada qolo, laysu qoob oriye

  • Qabo tolon qaar daadsan iyo fandhaal, qaate wixii yiilay

  • Qurbac loogama tagin reerihii, qeyrada ahaaye

  • Markaan Quustar Dheeriyo lixlaha, qoorta kala raacay

  • Ku qabawyey dabacayuun, qab ku daboolaaye

 

Dagaalkii Jiidha markii Habar Yoonis ku jabtay ayuu Maxamed wuxuu si gooni ah gabay ugu weeraray nin ka mid ah raggii colka soo dumay oo la odhan jiray Koosaar.  Koosaar markii raggiisii jabay ayuu u cararay dhinaca Caado.  Dadkii safraha iyo reer guuraaga isugu jiray ee Koosaar arkay markii uu baqaha ahaa horana u yaqaanay ayaa la yaabay diifta haysata odayga weyn iyo sidduu ahaan jiray ama isula weynaa.  Dagaal waa nin ka shalaaya iyo nin sheegsheega ee Maxamed Dheere wuxuu damcay inuu mar kale uunka maqashiiyo dhibaatada gaadhay nimankii Habar Yoonis ee Koosaar hor kacayey.  Wuxuu tiriyey tix ay naga soo gaadhay:

 

  • Siddii geel cashiyey oo galbeed, geed xun kaga caalay

  • Ama cawl lo’aad oo carriyo, keyn cosob ah jooga

  • Ama adhi cararay oo dhurwaa, ceynta ku idleeyey

  • Markaan caarad yuub labada dhinac, kagaga cayntaarshay

  • Cantabkii ka daadaataan wadada, Caado loo marine

  • Ceebowyey koosaar miyuu, calaladii tuuray

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub 

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.