Home

Maxamuud Axmed Cali Bidhiidh

                                                    Haddaan Dhimano

Mushaawaro
Qadhle (Guba)
 

 Laba deyrood ka dib deyrta caanka ah ee loo yaqaano Xays Ballaayo ayuu gabaygan abwaanku tiriyey.  Wuxuu la dagaalamayey gumaystihii dalka yimid ee cagaha ku jiidanayey qabaa'ilo Soomaaliyeed oo uu ku gabraaran jiray.  Ciidamada uu ka qortay Soomaalida waxaa ka mid ahaa kuwii la odhan jiray Kulladley, Fulladley, Gambo Cad iyo Rayad.  Rayadna waa kuwa aad maqasheen ee Ingiriis jabkii Daraawiish ka dib uu ku soo kiciyey degaanka Ogaadeen ugu dambaynse ballaayadu ka raacday. 

Dagaal ka dhacay Daratoole - Daratoole iyo Faafanbaa, daakhilkii yahaye - ee Fashiishtaha iyo wixii ag taagnaaba uu kula jahaadayey markii uu colka u diyaarinayey ayuu wuxuu gabay ku yidhi:

  • Haddaan dhimano geeridu kolbay, nolosha dhaantaaye

  • Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dharagtu xaaraane

  • Rag dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye

  • Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide

  • Dabka nimanka loo dhiibtayee, ina dhex luudaaya

  • Iyo xaajaduu nagu dhudhumin, gaal dhafoor caddiba

  • Aan ka dhimano mooyee waxaan, dhawranaan jirine

  • Ninkii ciil ka dhaansami kareen, dhiiggu kici doonin

  • Iyo fulay dhaddigi Xaashiyoow, ha iska dhuuntaane

  • Dhabarkaygu maba qaadi karo, dhaxalka ceebeede

  • Warankayga dhaabtaye dagaal, yaa u dhalandhooli

  • Ninkii geeri waa loo dhashaye, dhirif hayow soo kac

  • Oo kaan dhiidhiyeynow isdhiib, naarta dhacadiide

Dagaaladaa uu kula jiray gumaysi iyo gumaysi kalkaal ururay ayuu ku shihiiday. Allow kuu naxariiso.

 

   

 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.