Home

Maxamuud Axmed Cali Bidhiidh

                                                    Haddaan Dhimano

Qaylyahow (Guba)
 

 Bidhiidh wuxuu Sayid Maxamed u faray: 

  • Badda mootan meydkii Fircoon, baa la moosiyeye

  • Sir mitaniyo meeqaanba ways, kala masoobaane

  • Kolkii ay majaro leexatee xaajo, marin dhaafto

  • Murti qodob ku miisaamanbaa, muranka noo dhaanta

 

  • Madi cararta maqasheeda koris, minow san baa dhaanta

  • Murwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta

  • Magoog been ah talo muuqatoo, marag leh baa dhaanta

  • Hal miirshawle maya oo tidhaa, milow horaa dhaanta

 

  • Mayey aafo miidhan ah abaar, mudhuxsan baa dhaanta

  • Haddaan xididku maamuus lahayn, ma lihi baa dhaanta

  • Mirta weerar dirir maalinoo, rag is madhshaa dhaantaa

  • Mataan midiq ah laas miir ahbaa, kuu mitabbis dhaama

 

  • Boqorkii malay dabi midgaan, xadhig martaa dhaama

  • Masjidkii cibaadada ka madhan, lama mudaa dhaanta

  • Mufti nacab ah Aw kula musoo, macallinaa dhaama

  • Walaalkaan mushaawaro lahayn, maqanahaa dhaama

 

  • Malab sun ah mariid laga kacaa, muudsashada dhaama

  • Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, muminimo khaas ah

  • Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama

   

 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.