Home

Maxamuud Axmed Cali [Bidhiidh]

                                                                             Ogaadeen

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygii 9aad ee Silsiladdii Rayad ahna gabaygii 1aad ee Maxamuud-bidhiidh

 

Maxamuud Axmed Cali [Bidhiidh] ayaa Silsiladdii Rayad soo galay.  Wuxuu Bidhiidh u jawaabayaa Cali-dhuux isagoo waliba taariikho badan tilmaamaya, shaqsiyadda Calina weerar cad ku qaadaya.  Wuxuu ku billaabay isagoo isu ekaysiiyey awr qadhle ah oo aan loo dhawaan karin, Cali-dhuuxna la simay dawac quduf ah.  Wuxuu leeyahay waanba ku quudhsanay oo hadal kuguma khasaarin jirin haddase maadaamood qadaf dhaafi wayday waa inaan ku jarabaraa. 

 

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday sida gaalka cadi adduun u qasay oo dad aan isku heerba ahayn maanta u wada hadlayaan.  Wuxuu leeyahay caqli kaa ah naguma aadan maagin ee Isaaq ayaa kusoo diray, garasho aad isku celisana ma lihid.  In hubkii Ingiriis bixiyey uu sababay in tolkii maanta la hawaysto ayuu carabka ku dhuftay. 

 

Wuxuu gabayaagu ku dooday in tolkii ku hawlanyahay la dagaalan gumaysi, wakhti iyo xiisana aanay u haynin dagaal sokeeye.  Dhibaatada Ingiriis iyo gumaysigu geystay darteed inayba tahay sababta Cali-dhuux u faanfaaniyey, horse Ogaadeenku ahaa kuwii xirsiga u qaadi jiray Cali-dhuux iyo qoyskiisaba iyagoo caydh fara madhan ahna ka nixi jiray. 

 

Intaa ka dib, wuxuu xusay dhawr qiso isagoo taariikh ahaan usoo qaatay.  Waxaa ka mid ah: 

 

1) Qisadii Gar Adag ee ku saabsanayd ninkii ugu horeeyey taariikhda Soomaaliyeed ee nin kale damaaciya.  Dhacdadaa ayuu wuxuu Bidhiidh u arkaa inay tahay ceeb Cali-dhuux tolkii leeyahay oo ku qufulan, meella aanay uga bixi karin.

 

2) Qisadii Cali-dhuux usoo rartay Ciid iyo Doollo ka dib markii uu tolkii kasoo cararay iyadoo niman uu godob ka galay ay dil la maaganaayeen.  Gabadh ayey la xidhiidhay sheekadani sida beydadkaba ku cad.  Isagoo sidaa u ceebaysan in nimanka Ciid gabadha ugu dhisayi khaldan yihiin ayuu ku dooday, wuxuuse ku laabriixday in cid walba oo horay usoo dhawaysay ay hadda baratay wax xurmo ah oo loo hayana aanay jirin. Iyo kuwo kale. 

 

Inay isaga, Bidhiidh ahaan, iyo intii la hayb ahiba si sharaf leh u dhimanayaan, Cali-dhuuxse uu xabaasha geli doono isagoo la mid ah qaandhuus ama dameer bakhtiyey ayuu ku nuuxnuuxsaday.    Wuxuu ku guulguulay haddii aad Daarood tahay oo ay xumaanta Daarood ku dhibayso, maad ka gilgilatid waxa tolkaa lagu falay, bal cid kale oo aad hiil u gasho ha joogtee.      

 

Waxaa kale oo uu xusay in geelii Hagoogane ee Ingiriis iyo kuwii dabasocdayba ay kasoo qaadeen Daraawiish iyo jilbo Ogaadeen ka mid ah aan Cali-dhuux waxba laga siinin, inkastoo uu ku jiray raggii arintaa u hawlgalay.  Qurbac fiigay ayuu Rayad raadso ku yidhi, qurbiciina waadba ka cabsatay inaad raadqaado.  Sidaa awgeed fara-madhnaan ayaa lagu diray, ayuu Bidhiidh Cali-dhuux xusuusiyey. 

 

Sifayn toos ah oo Cali-dhuux iyo shaqsiyadiisa ku aadan ayuu ku dheeraaday wuxuuna sheegay inuu nin ceebaysan oo aan isdhawrin yahay.  Haddiiba ay tolkay ka hoostay, Dhulbahante xataa bakhtigayga uma dhawaan karo cabsi iyo xusuus wixii aan horey ugu gaystay darteed ayuu ugu goodiyey. 

 

Wuxuu wax ku tusaaleeyey in sacu ama neefka lo’da ahi aanu ku dhicin una dhawaan karin libaaxa bakhtigiisa cabsi awgeed.  Wuxuu kusoo xidhay goodi uu leeyahay Ingiriis markaan meel iska mariyo, Caloow, xaggeed galaysaa qoorta ayaan kaa xidhiye sidii aan horeba kuugu gali jiray.    Bidhiidh xaraf cusub ayuu isna ka qaaday gabayga “Q.” Wuxuu yidhi:

 

  • Qadhle miciyo qoolaaban sidda, qodax sarmaan jiif ah

  • Koromada usoo qulub-dhistiyo, qeyrabka u todhiya

  • Kolkuu laba il-qooraansi dayo, ka is qurqurinaaya

  • Ama yara qandhuufaba damcaa ee, kol isa soo qoodo

  • Qallaciyo fajaasada markii uu, qam kaga siiyo

  • Kolkaasay dhir wada qoofaliyo, qodadka jiidhaane

  • Wax la qaab ah qudufooyinka, qaaxada is wadhaye

 

  • Qamaaciirka nagu fooraraad, qurux ku dhawrtaane

  • Qeyrooyinkii baanse nahay, kuu qalcayn jiraye

  • Inta qaylinaysaan qunbicin, una qadhaadhayne

  • Qaswal baanu ugu deeqi saa, kii quftaa dhamiye

 

  • Qaanjeer waqaa kugu qallidan, yaa quturan meele

  • Qammadkuu fadeexada ku simay, qaafil oo dhamiye

  • Ceeb laga qashaafaa hadday, magac dad qaamayso

  •  

  • Qunburtii Gar Adag baan sidii, loo qumaatiyiye[3]

  • Calow qumayo geedkeed la helay, malaha qoomaale

 

  • Ilma Qaaje gabadhoodii aad, qonoftay ee laacday

  • Kama quusan Cumar Qoobgaraar, qaashna kuu tumaye

  • Qabri Dahare tagidaadu waa, qaanta gabadhiiye

  • Qoraxeyna yaa xilo qurdho ah, kaaga dhigay qoyska

  • Tar-qabaale duulkii qaldamay, kugu qasaarowye

  • Wixii jeer ku qaabilay gadaal, kuu qadarin waaye[4]

 

  • Idinkoo qadduuc hadashayaa, qawlalka is furaye

  • Dad quwaaxyo ruug iyo ahaa, dacar qadhaabyeysan

  • Qalab nalagu layn iyo Kufrigu, daba qalaal siiyey

  • Iyo wada qaraamaad dhankuu,[5] Quustarka[6] u buuxshay

  • Qushigiina xaajada qalaad eed, ku qulushaane

 

  • Quruun cadow ah gaalada ahayd, maba qarsoonayne

  • Xawal daar qudhmuune ah  kolkii, aad u qabbaanayso

  • Qiijimo bax kuuguma fillee, kaad u qabaluusto[7]

  • Qadhmaysiga[8] waxaa ku baday, qaaracnimadiiye[9]

 

  • Geeri qaaliyaan dhiman[10] haddaad, noqotay qaandhuuse[11]

  • Isku qeyrna ma ahayn dadkuye, gaal qasaa yimide

  • Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa, gobi qamuunyoone

 

  • Quwaddiyo markii uu dhisnaa, xoogga qarankaygu

  • Qormo nalama soo yeelan jirin, duul qayuucsanuye

  • Qaskaan hilibka kaa siin jiriyo, qalambi xaabxaabe

 

  • Faranjiga na qoor goynhaya ee, qoriga kuu dhiibtay

  • Ogaadeena wada qawracaad, qooqba ku hawoone

  • Qiro iyo lixaad kuguma ogi, waadse qarawdaane

 

  • Wixii qoorjar kuu fiiqay ee, qurudka kaa gooyey

  • Eed qadafkan nagu taarateen, waa ququmo gaale

  • Nin qarkiyo qaryaanadii tolkay, waa qudh jarayeene

 

  • Gabdho wada qureeshana nijaar, aad u qallayseene

  • Buuryada qanjaha kuusanee, loo qafaalaayo

  • Qurmaajowgu Cali Aadanow, waaba kula qeyre

  • Qof  Daarood haddaad tahay gabdhihii, maad qoqobe saartid

  • Qasab bay ku haystaan iyagoon, qaali cidu gayne

 

  • Sheekadii qarkaa laga baxshiyo, qudhicii Daahyaale

  • Geelii Orobo naga qaadhatiyo, qoolasta irmaana

  • Ilma Raabi kii laga qunsaday ee, qurbucu fiigay

  • Caliyow wax kama qaadanine, way ku qadiyeene

 

  • Qurbicii habeenkii lumay ee, doonid laga quustay

  • Rayad[12] wuxuu qorshaba kaaga dhigay, raadso oo qabo e

  • Kase qanacday qaanka u baxsaday, qaali iyo gawdhe

 

  • Qarqarada qandiga ceebta iyo, dhawr qunbood sudhatay

  • Dhabligaad[13] qamlaynayso ee, laga qalaalyoodo

  • Kol haddadan sidii ruux qalbi leh, uga qashaafaynin

  • Ma qummana qolyaha kuu dhawee, kula qoslaayaaye

  • Maxaa yeelay qawsaar xilliyo, qoobis baa tahaye

 

  • Wixii Ido qaruufey ku taal, qolof uraysaaye

  • Si aad noo qardooftay Isaaq, kugu qoddeeyaane

  • Caqli fiiro qeybshiyo xusuus, kaa qabtaan jirine

 

  • Qundo iyo qawaar naac iska leh, ama qadduuc waalan

  • Quruun sheexi weydiyo hadday, qeyro saa noqoto

  • Qorrax soo bixii xero qolqola, awr qandici raamsi

  • Riti baabad hilib uu qashiyo, quud ka barideene[14]

 

  • Inta qaran-jab nagu foorartiyo, Orobo qoolkeeda

  • Quracadda xanuunka leh kolkaan, cadho la qiiroono

  • Qashinkiina[15] hoosaa dhawaaq, qaaq yidhaa faraxe

 

  • In kastoo aad been qiiq yaryara, soo qulqulinayso

  • Qadhle ama Qayaashaw libaax, qoodh ahaan jirayba

  • Naftoo laga qibloodiyo hadduu, qalaf yidhaa geeri

  • Sac qamaamay kama leefi karo, meel qadaadka ahe

 

  • Qerbe saama doofaar ahiyo, qoonkii dhaansanayey

  • Adoo qurub nijaasiyo la cuna, daribta qaansiirka

  • Qisadeedu waa kow sidaad, nagu qardooftaane

 

  • Calow qaansalaydiyo adigaa, soo qalaadinaya

  • Qabow tii aad moodeen, way kugu qarxaysaaye

 

  • Qiimahiinu wuu simanyihiyo, qoysaskiinuba e

  • Kolkaan maansadayda oo qalbacan, kuu qayaxo maanta

  • Qadhiidhaan idhaahdaba dibbaan, kuu qawadayaaye

 

  • Qudhaanjaa u yaroo meel hadday, kugu qaniinayso

  • Qaarkeed ayaantaa hurdada, kaaba qadiyaaye

  • Kolkolbaa qaniinyada duqsiga, lala qayuucaaye

 

  • Qulatayn la’aan iyo haddii, weyso lagu qaato

  • Qasligaba biyaha waa jiraa, qaar aan maydhinuye  

 

  • Ragse gob ihi wuu qoomamayn, qawl xunoo yidhiye

  • Ama wayska kay qabanayaa, iima quudhaba e

  • Qanjaafulo gummeedkaan af-xumo, naga qaraacaynin

  • Qeylyahow haddana qeylku dhalay, ee qurjiga dheeru

  • Adunbaaba noo qayshadaye, waan ku quudhsadaye

 

  • Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa xidhiye

  • Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho waa duufe

  • Sida maganta jeerkii Qardhood,[16] yaad qanbiyi dhaaxe

  • Awalbaad qaraabana gabtiyo, Reer Qandhicileeye[17]

  • Qunyar kaadso oo dhawr, sidaan kuu qabiran doono


 


[3] Saddexda qiso ee aan kor ku xusnay midda 1aad

[4] Saddexda qiso ee aan kor ku xusnay midda 2aad

[5] Qaraamaad-dhan: qaaraan ama dawarsi ku nool.  Cali-dhuux iyo tolkii ayuu ku sheegayaa inay ku noolaan jireen xirsiga ama dawarsiga ay ka helaan Ogaadeen dhexdii

[6] Qori Uustar la odhan jiray (Uustar-Dheere iyo Uustar-Gaab.)  Erayga abwaanku wuu jabiyey oo wuxuu qorigii ugu yeedhay Quustar si uu qaafiyadda gabayga u waafajiyo 

[7] Qabaluus:

[8] Qadhmaysi: Dawarsi ama baryo meelaha lala wareego

[9] Qaarac: Qof hunguri weyn

[10] Magac iyo sharaf ayaan ku dhiman ayuu leeyahay

[11] Qaandhuus: eray Soomaalidu u taqaan bakhtiga dameeraka

[12] Beyd kale oo ku tusaya magaca saxda ah ee silsiladdan

[13] Dhabli waa ceeb ama fadeexo aad u xun; ku xusuuso meeriska Maxamed Cumar Dage ee ah bal inay dhabliga meeriyaan, aad u maqashiiya ee gadaal ka iman doona

[14] Saddexda qiso ee aan hodhaca gabayga ku xusay midda ugu dambaysa ama 3aad

[15] Harti ayuu u jeedaa

[16] Qardho: degmo degmooyinka Gobolka Bari ee Soomaaliyeed ka mid ah

[17] Reer Qandhicilley:  Bah Qandhicilley waxaa la isku yidhaahdaa shan jilib oo Hari ah oo Dhulbahante ka mid yahay.  Afarta kale waxay kala yihiin: Kaskiiqabe, Liibaan Geshe, Geesaguule, iyo Quud.  Gabayaagu halkan wuxuu ujeedaa awalbaad Hartiga kalena collowdeen oo ayna wax arxan ah kuu ahayn

 

  
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas |Kaadheeri |Guba |Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.