Qamaan Bulxan oo ay Xabashiyi Herar ku xidhay xilliggii Giri-Girida la odhan jiray ayaa fariin faray Maxamuud Ciye oo ahaa nin Reer Ciideed ah Qamaanna ay isku raas ahaayeen.  Qamaan wuxuu tolkii u sheegayaa inay isu soo ururaan cadaawad badan oo jirta awgeed.  Gabaygan isagoo wada dhan ma hayno wuxuuse yidhi inta eega naga soo gaadhay: 

  1. Maxamuud Ciyow talo adduun, miririg weeyaane
  2. Waa waxaan masuubana la’ayn, laguna maanshoone
  3. Hadba adiga oo moog unbuu, mahayin aaraaye
  4. Oo soo mudh odhan duul madow, milaygi Dayreede
  5. Ma moodaynin middanaa kuugu xigi, maalintii Sirow e
  6. Waxse aad mari halkii Eebahey, kugu manaystaaye
  7. Rag aan miidhnay madaxdoo faqday, buu mala khasaarshaaye
  8. Mudaahano masalo been ah, baa madhisay Daaroode
  9. Naftanu waxay u maxaboon, halkaan lagu manaabayne
  10. Maaneed raggii degi jiray iyo, madhay Ogaadeene
  11. Madheedhkii ku yiil Dhirindhir iyo, Xoddayo waa mowde
  12. Marta Faaf maldada Ceel Bakool, madhan ciddeediiye
  13. Waa meyti aakhiro Wardheer, maqadinkeediiye
  14. Maxaad Roobna Mandooyiyo ka samir, mududkii Caadoode
  15. Waa marag waxaa ay inagu fureen, dhalad mudkiisiiye
  16. Magacood ba’ayoow waxaad tihiin, dibbada mayd yaale
  17. Mashaqowde maatida haddaad, midigta jiidaane
  18. Soo miilo gaabsada haddaad, qaban kartaan meele
  19. Ama maala caanaha Bankay, Murug ku dhiiqdaaye

Soo dhamaystir gabayga haddii aad hayso.  Intan waxaan ka qoray cajalad uu duubay Cabdullaahi Baddal Cabdi Qamaan.