Qamaan ayaa in muddo ah aamusay oo hadal laga waayey isagoo ka xun haweenaydiisii oo isaga oo aan dhiman furina lagu sheegay inay reerkoodii nin kale ku dareen.  Haweeneydaa waxaa la odhan jiray Barni.  Waxay marka nimankii ilma adeeradii ahaa weydiiyeen Qamaanoow maxaad u aamustay?  Wuxuu ku jawaabay tixdan oo ka mid ah gabayadii uu u tiriyey Barni. 

Lix hal maansadaan tirin lahaa, yaan isaga meershay
Mufti culimo sheekh lagu mintido, oo xaq kala miira
Oo jeer dhawayd magac lahaa, amase maamuus
Masala gaabka maagan ee qarsoon, yaan isaga meershay
Anoon mariintideedii dacniyin, meel fogna aan joogin
Naag meher qabtaa waa mubaax, macallinkii keenay
Dadka maatidaa u kala jirtay oon, muran ka oognayne
Haddiise haatan lays kaga maljaday, murug adduunkiiye
Muslinoow bal arag xaajadaa, laysku malaq siiyey
Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso
Haddaan midhaha Reer Magan Warfaa, magacu duugoobin
Rabbi boow markhaati ah inay, miir la dhici doone

Gabayga soo dhammaystir.