Waxaa la yidhi Ugaas Xaashi oo ahaa ugaas Qorraxeey ka talin jiray ayaa Qamaan ku yidhi: ‘Qamaan, Reer Xandulle sadada kasoo uruuri.’  Reer Xandulle waa jilibka hoose ee Qamaan ka dhashay, sadaduna waa xoolo canshuurta oo kale ah oo ugaaska iyo boqortooyadiisa lagu dhaqaaleeyo.  Qamaan wuxuu ku jawaabay ‘Ugaas qaybtaydii waa tan, Reer Xandullena adaa ugaas u ah ee ciidan sadada kasoo uruuriya u dir.’ Ugaas Xaashi wuxuu u qaatay in hadalkaa cudur ku jiro, in Qamaan la xidho ayuuna ka shaqeeyey.  Qamaan isagoo arintaa qaadan la’a ayuu gabaygan soo socda mariyey.  Waa gabay colaadeed aadse u murti badan.  Colaadda faraha ka qaad oo murtida gabayga ku xasil.  Wuxuu yidhi:  

            Gartay weeye inaan Maxamedow, galangalceeyaaye
             Garanmaayo gegidaan hurdee, gogol la’aaneede
             Goor iyo ayaan waxaan jiraa, gooxa dibadeede
             Gankii Caamir baan ahay asaan, go’inin waagiiye
             Waxaa ila gudboon ciil inaan, gag u idhaahdaaye

               Sidii goodir guul ooman iyo, gebogebow jooga
             Ama giiryar oo labo qaddoo, gamashi kaynaana
             Ama guuto soo bixitintoo cido, ku guuraysa
             Ama roob gudgude oo saqdhexe, galo biyeynaaya
             Ama goray gabnihii laga qabtoo, ganid ka yaabaaya
             Ama naag ninkeedii go’oo, gocosha ooyeysa
             Ama aar intuu reer gondolay, miciyo weyn geystay
             Ama faras mirtuu goosan jiray, xadhiga loo gaabshay
            Ama gaadhkii laga hayn jiriyo, gaardigii Maxamed[2]

            Ama ceel galloobey oo qodada, lagu garaacaayo
             Arrin igu gardaadaan jifida, gawda ku hayaaye
             Birtay iga gasheen bay minjuhu, ila gariiraane
             Mase gaasa-bixin oo ninkaa, gaambin baan ahaye
            Galaal xoorka way ila qabaan, gebi Bah Gaalaade[3]

               Kuwii boqorka gaafa u lahaa ima, gol dhaamaane
             Geed iyo guddooniyo gambare, waw gudboonahaye
             Anoo madiya libintaan gasbado, way garaad li’iye 

            Haddayse gacani waa jeer dambee, godob walaal raadin
          Barkhadleba gubney wada dhasheen, guul ku odhan waaye
             Arbow Caafi galabbaan ciyaar, guduri hiigeene
             Gaashaanna waad wada qabtaan, gaaska Reer Cumare
             Cabdi Kaahin gaar kama noqdeen, guudka xaajada e
             Gar ma marinin guuyana ma siin, mana garaabayne
             Goodaado dhexe bay baryeen, gaankii Reer Dalale
             Kuwaasaana iila giir adkaa, garashadaydiiye
             Bal maxay la gabangaabsadeen waa, hal gudo weyne? 

            Haddoon laba galloobiyo anoo, gabana oo wiila
             Intaasaan xaqood gudi lahaa, gooshigii da’a e
             Eeggana gadhkiyo xaaddu way, galayaxoobeene
             Farow gaabta wixii bataa, geel bariis noqoye???

               Reer Magan ha kala geed hadhsado, layla garan waaye
             Ha gadooto oo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin
             Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane
             Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe