Gabaygan wuxuu Qamaan sii faray nin Cismaan la odhan jiray oo Habar-Yoonis ahaa, ninkaas oo u kicitimayey carro Isaaq. Tixdu waxay ka waramahaysaa sida xaalka Ciid iyo dhulka la jaaha ahi uu yahay, isagoo waliba carab-baabayay sida umuuri haatan isu badashay oo reer tolkii muwaafaqo iyo midnimo u yeeshay kol hadday taasi dhacdana aan la loodin karin, nin horay dakano uga qabayna aysan ugu sii maqnaan doonin.  Gabaygani wuxuu ku aadan yahay abbaaraha xilliyadii gabayadii Rayad ay socdeen. Wuxuu yidhi:

  1. Cismaanow gaddoontaye, haddaad galab carraabayso
  2. Gaadiyo libaax kuguma helo, guraha Miiroode
  3. Guuraha Illaah kuguma dhibo, gaanlihii socode
  4. Goobtaydun tiileen markaad, gaadho Habar-Yoonis
  5. Isaxaaq guudkiisa koriyo, guban kuwii yiiley
  6. Gaydh-gaydha reer Sugulliyo, gurarka Reer Jaamac
  7. Seedow adaan kuu gartaye, geli akhbaartayda
     
  8. Galka ceelka daartii inaan, guri ka meegaaray
  9. Guddi Reer Warfaa oo tolnnimo, goob u wada yaalla
  10. Oo geed intuu soo dhexmaray, nin u guddoon dhiibtay
  11. Oo ay guddidu soo fadhido, gebigan hoostiisa
  12. Ooy gadanka Baar-Jeex ka fuli, goodirtaan dhaqanay
  13. Godobtayda lama qaadi karo, Gaaliyo Islaane
  14. Geyiga nooga taga waxaad qabtaan, xaqoo gaada lehe?