Boqor Cismaankii Majeerteen ayaa Daraawiish ciidan kusoo bixiyey si ay usoo laayaan wixii ay maal gacanta kusoo dhigi karaana usoo qaadaan.  Ciidankaa waxaa hogaaminayey nin la odhan jiray Bile Samatar Cismaan oo gacanta midig ee boqor Cismaan ahaa.  Sayid Maxamed wuxuu ahaa geesi aan tabcada iyo tirtirsiga dagaalka lagaga horayne, ilaalo uu banaanka u diray ayaa kasoo digtay ciidanka duulaanka ah ee Majeerteen ka yimid.  Ka dib, Daraawiishi way u diyaargarowday.  Ciidankii Majeerteen oo weerar ah iyo Daraawiish oo difaac ah ayaa is helay. Dagaalkii haddii uu wax yar socday, ciidankii Boqor Cismaan way carareen, Daraawiishina arxan uma ay galin.  

Hogaamiyihii ciidanka Majeerteen, Bile Samatar Cismaan, ayey Daraawiishi qabatay waxayna geeyeen xaruntii Daraawiishta. Waxaa la yidhi Sayidku in Bile la xidho ayuu amar ku bixiyey.  Haddaba halkaa wuxuu Sayidku kamariyey gabay ay naga soo gaadhay: 

  1. Inaan Bile tagoogada ka xidhay, tebiya oo geeya
  2. Inuu xaarka taallada ka dhigay, tebiya oo geeya
  3. Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya
  4. Labamaare inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya
  5. Shanle-dheere inuusan wax tarin, tebiya oo geeya
  6. Cabdiraxiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya
  7. Daraawiishi inaysan tureyn, tebiya oo geeya
  8. In Ustaadku tiir-dhaadan yahay, tebiya oo geeya

Soo dhammaystir gabayga.