Waa mar kale iyo taxenihii ahaa “Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.” Waxaan maanta soo qaadanaynaa Raage Ugaas iyo geeraar uu ka tiriyey geela gaar ahaan hasha iyo caanaheeda iyo ritiga iyo waxtarkiisa.
Geela oo ah lafdhabarta ummadda Soomaaliyeed, ayey in badan abwaanadu gabay ama geeraar ku muujiyeen qiimaha uu leeyahay iyo sida uu lama huraan ugu yahay noloshooda. Quruxda, qaanbax-mageedda, quwadda iyo qaadka aan wax culaysiyaa jirin, iyo qatinka uusan bil ku dhawaad biyo u baahan, intuba waxay kamid yihiin qiimaha gaarka ah ee uu geelu kaga mudhbaxay xoolaha kale, kuna mutaystay hadal haynta faraha badan. Geeraarkan hoose ee Raage ayaa inoo ifinaya qaar ka mid ah sababaha uu geelu uga mudnaaday giiryarta iyo geesoolaydaba.
Waxaa darsiga usbuuca inoo soo diyaariyey Xadiis Axmed Caabi.
Wuxuu yidhi Raage:
Gugucdeeda arooryiyo
Isku gaagixinteeda
Away gooha wanaajaay
Gurxankii habilaad?!
Haddii giirku dareero
Barqin loo ganbaraasho
Adhina bowdka ku gaabto
Guduudkeeda arooryo
Indhaha waa gashinkoodee
Away reera gobeeyaay
Xeryihii ginginnaa?!
Cirka oo geddawaamay
Dayaxoo galka diidey
Dhulka oo gasariiray
Dhirta oo gabalkeed iyo
Garaskiiba hadh waayay
Caanahii gaasir noqdeen
Iyadaa la gumriyoon
Qareenkeeda gabayne
Away geedaha laacaay
Xunbadii gedfaneyd?!
Gabxo daalalliyaad oo
Gaasaar looga hayaamay
Kolka waagu guduuto
Koronkeeda la gaato
Haddaan soo garbadduboo
Ganka loo kabadeeyo
Anbaalkii gudbanaa iyo
Gantaalow udubkii
Xadhko loogu guntaayoo
In gaadanliyo dhiil iyo
Garaddii waxartii iyo
Gurboodkii yaryaraa iyo
Gardhaalay nirigtii iyo
Midka gaadha tolaayiyo
Kan gamuunka duleeshiyo
Gaallefay mindidii iyo
Intaasaan guradiisa
Gaarba gaar u dhigaa;
Dhigihii godgodnaa iyo
Lammadii gedfanayd,
Haddii aan geb ku siiyoo,
Xadhkihiisa u giijo
Asaan heegga ka gooyo
Galow buu u kacaayo
Haddii wiilku gadh qaado
Gurguurtow lama gaadhee,
Away gaatamahii?!