Qamaan ayaa geeraarkan hoose mariyey isagoo tolkii guubaabinaya kuna tirtirsiinaya inay weerar qabac ka siiyaan, gacantana ay soo qabsadaan afadii laga dhacay. Wuxuu yidhi:
- Nin tolkii qiiro beelay
- Oo afadii laga qaaday
- Qunyar loola dhaqaaqay
- Barqo wiil qolqol gaystay
- Qaawiyoo la ciyaaray
- Ma ceeb noo qalantaa?
- Haddii layna qarmaystoo,
- Qoysba meel lala aaday
- Ma indhahaan qabsanaa?
- Qoryahaan iyo xoogu
- Ma kuwaan shay qabanbaa?
- Raggaan qoodhaha waynlee
- Xaasaskii laga qaaday
- Bari sow la qashee
- Asaagood ka qaxee
- Quwaddiinna qarsoon iyo,
- Maad rag qiiro tustaan?
- Qalabka maad gurataanoo,
- Barni soo qabataan!!
- …
Isha gabayga: Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980. Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan. Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey Xadiis Axmed Caabbi.