Cabdullaahi Dhoodaan Maxamed Cumar Dage | |
– Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)
– Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye – Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene
|
– Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar Nugaaleed e
– Demeni iyo baqdini waa miday, dir u lahaayeene – Dulligaad Dhulbahantoow qabtaan, Doyna laga sheegye
|
– Dogob iyo gidaar kugu dummiyo, daad ku jiidanaya
– Naftu waxa dardarayoo dhan bay, dhaax ka durugtaaye |
– Ka huleeshe Howdkii sarriyo, haatan Caynaba e
– Nimaan Habar Jecliyo Muusayoow, uga hagaagaynin – Inuu dhoodi hoos ugu dhacoo, haniyo weeyaane
|
– Naftu inay maqnaatiyo inay, mahad ku noolaato
– Maaweelis weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye
|
– Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye – Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiine
|
– Wallee in ayna laakiin ahayn, laydha socotaaye
– Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe |
– Doolaabta naagaha xidhiyo, duubcadiyo weerka
– Agoomaha ilamada duugagyiyo, dumarka booyaaya – Kama diilalyoodaan kuway, duray wadaageene – Allaa dilay nin aan diin lahayn, oo dariiqo ahe
|
– War duudkaaga ceeb saaran iyo, diilintiyo jaaha
– Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd dafuufanahe – Inkasta ood difaacdo oo warmaha, lagu daaduunsho – Siday kuu damqaan nabaradaa, diifta kugu reebay – Isagab dilkaagaa u dhibiyo, dakaharadaadiiye – Baqaa door ah hay odhan Cabdiyoow, waa dameernimo e
|
– Shaybiyo haddaan la layn, Ina Shiraha Jaamac – Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay, loogu shalow siinin – Aararsame shafkii ma aha iyo, shaanki reer boqore – Hanna sheegannina waxaydin dhalay, baliyo shaydaane
|
– Halgan dhaawac loogama hakado, dhimasho yeelkeede
|
– Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga waayey? |
– Faan iyo bilaash kuma lug go’o, fulayna yeelkiiye
|
– Raas weyn Ilaahow ka yeel, raacday foolxumo e |
– Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye
|
– Dhulka laguma soo koobi karo, socod dharaareede – Nin afkayga dhawrow adaa, dhibay naftaadiiye
|
– Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e
– Oo waa hiddaha noo macaan, malab siddiisiiye – Mar kastana ma moogaano ee, wuu naga dhex muuqdaaye
|
– Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane
– Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne – Maxamuud Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa – Bal inay dhagliga meeriyaan, aad u maqashiiya
|
– Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya
– Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid – Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya – Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo – Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha |
– Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico
– Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo – Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye
————————————————— – Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe – Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey
|
– Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh
– Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita – Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e
|
– Allay lehe bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka
– Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey – Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay – Bagaa Dir iyo Daroodba, qiiqu uga duulay
|
– Fadhato u shaqaysaye maxaad, adigu faa’iiday (ama)
– Hooyadii figeeyoow maxaad, adigu faa’iiday
|
– Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede
– Siddii aaran geeloo dideey, ooda jabiyeene – Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane |
– Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento
– Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe – Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye
|
– Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale
– Uubuu galaa inan-gumeed, ururta laa caaye – Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe
|
– Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay
– Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora – Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina – Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda – Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda – Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba – Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e – Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa – War ha u liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye
|
– Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye
– Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye – Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye – London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene ———————————————————–– – Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo ———————————————————– – Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey? |
– Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay
– Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane – Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye
|
– War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine
– Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan
|
– Makaahiilna jeerbaan ahaa, mini Abraahiine
– Ina Macallin baa la i yidhaa, nin u muraad loo
|
– Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye
|
– Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska
– Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari – Waxa kaaga daran eed ogtahay, eed la dirirayso
|
Xarbi Ismaaciil Samatar
– Kolkii curaddadiisii la jaray, ees cidla istaagay – Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo calaacalaye – Cabdi Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone – Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyne?
|
– Qof walaalkii gaday meel shishaa, laga ganaaxaaye
– Gacal uu xigaalkood hagraday, gocosho dayn waaye
|
Maxamuud Cali Beenaleey |
– Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac
– Danbigooda yey nagu dacweyn, garasho deelqaafe
|
– Dadba haybso mooyee ayaan, sii hundo ogaanin
– Hebaloow ma nabadbaa ayaan, horay u weydaaran
|
– Dhay baan lisaayee haddaan, dhoobo qodayaaye
– Dhalinyaradii rooraysay baan, dhaca odhan geele – Labadii is dhuun goyn lahayd, waa isugu dhiibe
|
– Luqmo dheerahaan helay hadday, laqanyo kaa hayso
– Anigguba markaan kaa lalmaday, iima loodsamine – Lubigii walaalnimo ninkii, laalay baad tahaye – Gablan lexo-jecloy waa wiixii, lumiyey Ayjeexe
|
– Ku danqaday mid kibir diidsanaa, wuu la diriraaye
|
– Nin i xooray maantaan xumaa, aniga oo xaas ah
– Ku xiltiray xanaano iyo wanaag, aniga oo xoog leh
|
– Dadkayagu kadaab uma badniyo, reer ma kaadsade e
– Cilmi korodhsadkiisiyo xikmadi, naguma koobnayne – Maskaxdu kaamil inay noo tahay, kumaan hayeen qaare
|
– Uma baran bahdey iyo inaan, bi’iyo Daaroode
– Shisheeyaha kolkaan baratanaan, badin aqaanaaye |
– Marsada uu cadaawuhu degee, lagu malaynaayo
– Ilaalada ku meermeeriya oo, ha iska miriqshaanto – Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina – Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eega – Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane – Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada – Ismaan raaca towfiiqdu waa, lagama maarmaane
|
– Laba’ caanaheed iyo anoo, labanka fuudaaya
– Wiilal baa i looyaamiyoo, ii lalabay fiide – Libinna yaana geyninee haaddaan, kaa lug baxo maanta – Walee aniga oo ladan Buslooy, kuguma soo laabto |
– Qamaan iyo siday sheegayaan, qodobadii Raage
– Qofka cune qadaadkiyo la raba, gawrac luquntiisa – Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne
|
– Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane
– Waxaa geela aanaysan jiray, ubaxa Daarood e – Kolkii horeba kuma aaddanayn, adhi-fadh Iidoore |
– Ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is amaanaaye
|
– Afloow nimuu jidhxaayiyo nimuu, ubadkii weer laayey
– Iyo nimuu aboor xaganayaa, uurkutaalo lehe |
– Damiin macalinkiisiyo isagii, ha is dacweeyeene
– Ninba dawgu leeyahay kolkii, dooda aan u dhawro – Ardaygii da’ loo yeedhiyee, diminta miim saaray – Kol hadduu tacliin doonayayoo, deel xafidi waayey – Garta haddaan la daahayn isaga, saw danbigu ma aha
|
– Nafyahay baxaysaay intaan, adiga kuu booyi
– Baasahaa dhacaayiyo haddaan, baajin karo mowdka – Teydaan bilaad laga koriyo, gelin lahaa buure |
– Daabaana qaadka ay matali, dowlada Af-weyne
– Ogaadeen damiin kama dhigtee, yow dirsaday howsha
|
– Beentiyo runtuba waa dhaw bay, kala baxaayaane
– Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro |
– Tukashada iblays kaa duwiyo, toobadkeenimadu
– Ma taqaanid mooyee ileen, kheyr ma tabantaabsho
|
Sayid Maxamed Cabdille Xasan |
– Heeryada ninkii kugu raree, hoygii kaa bixiyey
– Iyo kii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiye – War how kala habaynina dagaal, haayirkiyo tuuga
|
– Allahayoow Ferenjigii muxuu, nacas fariideeyey
– Faa’iido laawiyo muxuu nin ragga, feyl ka wada yeedhshay – Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray
|
– Duunyada ragii kaa dhacaye, dowrshay xeradaada
– Ogoow daalinkaad aamintay baa, kaaga sii darane
|
– Naakhuudayaal iyo kufraad, nabiyo moodeene
– Nacaluhu kuwuu fuulay baad, daba nashlaysaane – Nasab haddii aad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene
|
– Soomalidu ma kala daah adkayn, deyro iyo deeq
– Diif hadduu badh qabo reer ma jiro, darayo beelaaye – Inta qaar la daayacay miyaa, gobol la baardaajay
|
– Ninkaad dilli, ninkaad dagi, ninkaad dabin u qoolaysid
– Waa laysu kala daadiyaa, yuunu kaa didine |
– Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa
– Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana hidin waaye – Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye – Kaasaay Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene
|
– Mustaqiimnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe
– Nin waliba maroor iyo qasiyo, muran haduu keeno – Goortii markhaatigu dhacaa, mowdku ka adeegi |
Muxumed Yuusuf Xasan
(Gabay Howle) |
– Wax walba wow huraayaa ninkii, ii walaal noqone
|
– Wax badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu
hagaagaaye – Waynaan helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye – Hayin nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga saarsaarye – Faratoon aan haaramannee, inaga heeryeeya
|
– Danbiguu falaayaa Uweys, loogu dowgalaye
– Candho dogoble goortaan dillaa, roobku noo da’aye —————————————————-
– Rabboo ku caynshiyo anoo ku cafa mooyaane – Walee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle – Oo caadhkii weynaa gabdhihii, ku catiraynmaysid
|
Raage Ugaas Warfaa | – Cidlaa laga kaxaystaye miyaa, cudud la ii sheegtay
|
– Aboodigu ma lalo garab hadduu, iin ku leeyahaye
– Orod uma holodo ooglihii, adhaxda beelaaye |
– Sargaalka iyo Hindiga waa dilaan, uma sujuudaane
– Surkana waa ka gooyaan dadkii, saaxirka ahaaye – Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde
|
– Bus xagaa ah jiilaal baryaday, qaranka oo biifay
– Barqin doog leh nayluhu gugay, banana rooraane – Lag baruur leh bowdiyo shanshiyo, badhi hadduu waayo – Baraar habartii loog kama furtoo, gowrac kama baajo
|
– Ha lays dilo dagaal waxaan ahayn, daawo lagu waaye
————————————————— – Haddaan lays jikaarayn dunida, jeex anaa rogaye |
– Baajiri jarkeed waa bukurin, laba bikuuroode
– Binjaday lahayd saan hadday, ugu bilkaynayso – Buluskii biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo
|
– Odayaal gaboobaa marbay, gaban ahaayeene
– Guxushaaga aan kicin marbuu, gaananaan jiraye – Nimaan guuyo abid yeelan baa, geelal foofsada e
|
– Geeluba ugaasoow hadduu, ayda miranaayo
– Abeerkiisa naaxiyo hadduu, aaranku is waayo – Isaguba ma kala aamusee, waysu ololaaye – Haddaan ina adeereey ku idhi, sowma urugootid
|
– Cudud ma leh col kula weerar gala, ciidan iyo xooge
– Inkastey cid kuu soo diraan, waa cidloo kale – Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane – Maandhoow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage
|
– Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo lagaa reebay
– Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii raaco – Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku arkaynin
|
– Haddii madal la waco uunku, waa nin iyo maankiiye
– Nin waliba waxaan madarta qaban, meel is kala taagye – Mid baa ma aha odhan oo runtaa, mowdku ka adeegi!
|
– Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye
– Qaabiilba Haabiil intuu, qoonsaduu dilaye – Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine – Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene – Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!
|
– Ma cirkaa la gayn oo dhulkaa, laga gawdiidsan
– Geydhooy maraakiib miyaa, gurada loo saari |
– Aakhiro raggii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
– Ina adhi jireed iyo nimaan, habartii awr goynin – Sow waxaan iloobaba nin xumi, ima ogeysiiyo |
– Ninka yidhi wax baan gani anoo, Gol iyo Cayn jooga
– Ee yidhi badii Garacad baan, gudub u weydaarin – Godka lagu cadaabyow muxuu, go’uhu been sheegay
|
Qamaan Bulxan Yuusuf
– Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu – Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane
|
– Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin
– Ama aan aniga lay odhan karayn, tanu ahaan mayso – Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta
|
– Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye
– Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan – Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde – Jeenay gabsiisoo markaa, qodatay garaaye – Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye
|
Kumaa yidhi intanna?– Lacagtaan maqdarad geynayee, magac ku doonaayo
– Alla magane maan hooyaday, maro u soo siiyo
|
– Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene
– Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo maraye
|
Maxamuud Axmed Cali (Bidhiidh) |
– Baadida ninbaa kula daydaya, daalna kaa badane
– Oon doonihayn inaad heshana, daa’in abidkaaye – Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne – Dala malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye
|
– Haddaan dhimano geeridu kolbay, nolosha dhaantaaye
– Dhaqashiyo marbay kaa yihiin, dharagtu xaaraane – Rag dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye – Dhashaadeey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abide |
– Fara waa Daraawiish waxay, falina waa khayre
– Kun fuusha oo dab lihi waa qabiil, laga fogaadaaye – Sayidkoon fasixin geel ninkii, foofiyaa dagane |
– Tar qabaale duulkii qaldamay, kugu qasaarowye
– Wixii jeer ku qaabilay gadaal, kuu qadarin waaye |
– Muslinow bal maqal xaajadaas, layku malaq siiyay
————————————————————- – Sune kama ansaxo nimuu, tagay faralkii saaraaye |
– Isku qayrna ma ahayn dadkuyu, gaal qasaa yimide
– Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa, gobi qamuunyoone – Quwaddiyo markii uu dhisnaa, xoogga qarankaygu – Qormo nalama soo yeelin jirin, duul qayuucsanuye – Qaskaan hilibka kaa siin jiriyo, qalanbi xaabxaabe
|
– Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto
– Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye – Iyagaa intay hilib qashaan, heesi dabataale – Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene – Ma Hartaynu nahay soorta, maad hadal la’aan dhiibtid?
|
– Qeylyahow haddana qeylku dhalay, ee qurjiga dheer leh
– Addunbaa noo qeyshadaye, waan ku quudhsadaye – Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa xidhiye – Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho waa duufe – Sidii maganta jeerkii Qardhood, yaad qanbiyi dhaaxe – Awalbaad qaraabana gabtiyo, Reer Qandhicileeye – Qunyar kaadso oo dhawr sidaan, kuu qabiran doona
|
– Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabna kuu celiyey
– Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane
|
– Qudhaanjaa u yaroo meel hadday, kugu qaniinayso
– Qaarkeed ayaantaa hurdada, kaaba qadiyaaye – Kolkolbaa qaniinyada duqsiga, lala qayuucaaye
|
– Sad u dhigo Isaaqow nabsigu, kaama soomana e
– Soofkana badh celi waan arkaa, saad u gaal laliye |
Maxamed Macallin
– Nin indhala’ mid kale oo indhala’, oon waxba arkaynin – Ileen oodda kama leexiyoo, hilin ma aadsiiyo ______________________________________________ – Haddii timaha Daarood wax uun, igu tabiineeyo – Amay tuugooda uun iga dhacshaan, toobinka i saaray – Wallee tuuryo kaagama hadheen, daba tuxaalow e – Tollaahaan ku dhaartaye inaad, tagi lahayd Xeebe
|
– Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga
– Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere – Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma aha
|
Maax Dhagoole
– Ummul daahatoo meel daycan, daba fadhiistooyin – Jeerey mandheeraha dubtaan, kama dareerooyiin
|
– Nimay qaaxo feedhaha gashoo, malaxi gaashaysay
– Gux hadii u dhaho maydhaqaan, gocosho daynaynaye – Wad gudoonsay saadkana ninkaa, guraya weeyaane – Aniguna gaddii baan ahee, gogosha hay gaynin |
Ducaale Dheere
– Siddeeddii cishaba waa intii, sahanku laalnaaye – Waa soo sidnaa xeedhyihii, saabka loo tolaye – Iidoor sal fududaa wuxuu, sugayo muu dhawro
|
– Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay
– Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha? |
Ismaaciil Xayd Xirsi
– Eeboow geyiga Aakhariyo, dunida guudkeeda – Mid unbay galladi noo ahayd, inaad na geysaaye – Goodaaddo dhexe waa halkaan, galabta joogaaye |
Cali Odey | Kuluc Cali Wacays |
– Gadhka xiira gaashaandhig bay, gobi u aydaaye
– Geerida ha diidina ninkii, go’ana yeelkiisa – Girigirada naaguhuna yey, idin galiilyeynin – War guntada Ilaahbow garnaqa, gaal iyo Islaane – Warmihiina ganna goor dhaw bay, gooshii soo celine
|
– Nin kuu xigga naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye
– Mar haddaanan naaskii walaal, idinla nuugaynin – Nuugaalna aan u kacee Reer Xirsow, nacay agtiiniiy
|
– Lix meeshaad ku joogtaan dagaal, laabta ka ogaada
– Haddii luqunta kore laydin jaro, lugaha meermeersha – Luxdanaanta kama soo hadhee, laliya duulaanka – Lalabaha sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya
|
– Kismaayo iyo Luuq waxay jiraan, laba kabaal qaade
– Kalyo nimaan lahaynbaan u kicin, kalligii meel dheere – Allahayow kacaamaye lugaha, hayga kala reebin
|
Khaliif Aw-Axmed
– Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, wabiga daanshoodo – Hadduu dirir xigaalkii og yahay, igama daaheene – Damta iyo dinnaaqada horruu, kaa dul dhacayaaye – Haddii dalandal kaa fiigo, waa dooxanahayaaye
|
Faarax Muxumed Xirsi
– Haddaan marada dacalkeeda iyo, deysto gacantayda – Oo anan la degin Reer Ugaas, kama duwnaadeene – Dabadaalis laygama dhigteen, waan u daadsadaye -Waryaadhaay billaa laguma degin, dabinkan saynsaaban – Oo yaa aniga dabadey ku dhicin, webi duraabaaye – Dadba yaa u noolaan Xaashi oo, la isuku soo daayey |
Cabdullaahi Badel Cabdi |
Xuseen Hudle |
– Shanta qaaradood waxaa ka riday, qayladiyo buuqa
– Waxaa qamarka guudiyo hawada, qaraxa loo saaray – Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye – Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo, waa qoqoba riixe
|
– Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama cadhooteene
– Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinii dheh |
– Laba Axad wax kala gaadhay, bow kala ufootaane
– Kamana uur gubyootaan wixii, geesi iil galaye – Aqligiyo Soomaaliyeey, waaya-arageenu – Aqoontiyo garaadkeenu, sow eber ma soo dhaafo
|
Cali Dhuux Aadan– Gunbaan ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode
– Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye – Aniga iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye – Jeer oon ganboolka iska rido, guudka iga saaran – Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye
|
Murriya Cali Ibraahim– Waa karaahi Cali Aadan oo, waayay laba koobe
– Kalwin maayo haasaawahoo, ways kanbalayaaye – Kurka intuusan seef igaga jarin, aan u kululeeyo ————————————————————-Maxamuud Tanaade – Waligey gadhoodh adhi ma dhamin, umana gaajoone – Caanaha Gobbaad baan aqaan, inaan gobsheystaaye – Kac u geeya wixii gaaden jirey, wayga garanuuge ————————————————————- Maxamuud Cabdullahi Ciise (Singub) – Madaxdii Afrikaay, Mabda’a gumeysigu |
– Aniguba gankaasaan ahoo, way gablamiyeene
– Gadhcaddiyo Casayrow maxaa, reer la guban waayey – Giddigood Ogaadeen maxaa loo, gondoli waayey – Gaar ahaan Abraahiin maxaa, loo ganbiyi waayey ———————————————————— – Anigaba cidlaa looga tagay, curadadaydiiye – Ragga cudduda weyn liyo, haddaan Caliyo soo waayey – Cabdi Gaabku iigama dareen, Cumar Abraahiine ———————————————————— – Cad hadduu carada kaaga dhaco, amase ciidoobo – Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno, calafka qaarkiise – Anigana caruuraha yaryari, waa iga caynkaase – Maxaan Aadan Carab kala hadlaa, caaqil baan ahaye |
Ismaaciil Mire
– Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado
|
Aw-Yuusuf Barre– Isu gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane |
– Anagu Gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye
– Gankaa naga xanuunsada wixii, gaadha Reer Hagare – Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode’e – Uma gabayno maantii Islaam, gaalku weeraro’e
|
– Nin cirro leh cadaabkiiba waa, lagala ceesaaye
– Rag caddaaday baa nagu jiree, geela noo celiya |
Saahid Qamaan | Xuseen Dhiqle– Af qashuushle goortuu dhintuu sii qataabsadaye
– Qambaruursi iyo oohinbuu, qoon dunuunucaye |
– Masalaha ninkaan ii dhigayn, midig masaaraayo
– Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho – Muska Ina Afeey galo arlada, kama miciin moodo |
– Labadii qofee igaga hadhay, qaafadii dumarka
– Tii qurux badnaydiba haday, Cali la qooqayso – Tana qaado Naadaba ragbay, qaac u shidataaye |
– Nin mud-muday dharkayn hoosna maray, mudhuxyay
shaaleeye – Mugii weel ma dhaafee Allow, mooska yaan jabinin |
Oomaar Faarax Carab
– Qaraf baa horeysay iyo wixii, jeer la ii qoraye – Anunbaa qudhayda u dhintee, qaybsan xooluhuye |
Cabdi Saahid– Afar sano iyo dheeraad ardadii, looxa dhiganaysay
– Abjad dhaafi weydaye maxaa, ubadka loo laayey? |
Dhoonyacab– Aqal labadii daah baan nahoo, kala danbayn mayno
– Anigana i dila idina way, daba galaysaane – Dan ha looga baxo reer Cilmaa, doonay aakharo e
|
– Sirta iyo siyaasadda haddaan, saa u garanayno
– Wallee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin (ama) – Wallee Ina-Siyaadoow anagu, kuuma sacabayno
|
Maxaamuud Ararsame– Waxaadan lahayn wiilkayoow, laguma waynaado
– Waxaad waaayo maashabaa nin laa, weel isugu gaystay |
– Waa meheradiinii haddaad, quule mirataane
– Raggii maali jiray baa qabsaday, sidigtii may ley’e – Tubaakadiina muudsada waxaad, moodaysaan dhimaye
|
Yuusuf Maxamed Sugaal (Yuusuf Dheere)– Ninna gabay ayey kama dhaxlee, odoyo mow sheegtay |
– Ogaadeenku waa mowd hadday, niman is maagaane
|
– Ragna Aadan maantuu dhashiyo, aminkiyo haatan
– Ka umuliya mooyee ma jiro, waxaa asaabayne
|
– Guuguulihii iyo intaan, galow la haasaaway
– Garanuugta yaacdiyo waxaan, goodirka u raacay – Ileen maba gu’weyniye cirradan, madaxa gaashaysay – Waa nasiibkan iga gaagixiyo, gocosho owgeed e
|
Cali Muxumed Gaas– Nin saboola iyo awrba way, sahal dhaqaaqaane
– Labadaba haddaan seeto celin, socod ma daayaane |
– Muslinkoo israaca iyo haddii, codowga la is maago
– Murtadka iyo ninkii macatab leh, bay midigta siiyaane – Maslaxada Islaamka iyo sharciga, ma ogolaadaane ————————————————————-
– Inagana dadkeenii dhintaa, dhaama saan nahaye – I dhegeysta caawana halkii, dhaan wadaan ridane
|
Yuusuf Colaad
– Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday ————————————————————- – Idinkaa dabaasha oon afxumo, deynin waligiine – Dibnahayga uma quudhi karo, cay dadweynaha e – Dul badnaanta waa lagu yaqaan, qolada Daaroode – Duud iyo cag dheerow intaad, igu duqaynayso – Haddaan Dabacayuun odhan lahaa, anigu kaa daayey
|
Maxamed Cali Good | – Haa kaale maantaba haddii, haraga loo tuuray |
– Salaaad iyo maxaa iiga dan ah, subax is qoyn-qoynta
– Sako iyo maxaa iiga dan ah, geel nin kale siinta – Soon iyo maxaa iiga dan ah, caana subax diidka |
– Gobonimada waad neceb tahay, oo waad ka gubataaye
– Geestaad ka joogtaa kufrigu, guul ka dhaliyaaye – Kol haddaan gumaysiga aqaan, gacan inaad siiso – Wallee gaal-la-joog yahoow anaan, garab ku waydiisan
|
– Ninkii sahalo guur moodiyow, waa sun naaguhuye
– Sac bal waayey weeyiyo libaax, saabka ka higoone
|
– Ninkan Xayle soo daba socdoow, dan iyo aashaada |
Af-Dur Dur– Wax la xiisoo maalaba markay, xaganto laabteedu
– Ee gabadha xaluskii ka baxay, xaydhu ka idlaato – Iyadaa xadhaadhaan sidii, xabag dhunkaaleede |
Maxamuud Dalab– Qaruumaha waxaad uga hadheen, qooshka daafida e
– Qudhunkiina nacallaa ku yaal, qurux ma haysaane
|
– War ninowna duq iyo reeruu dhalay, haysu kala daadin | Maxamuud Cabdi Kaadheeri– Anna waranka aan liiliyaa, in uusan soo laaban
– Looxa dunida taariikhda waa, layga helayaaye
|
– Dib baa xaajo loo dhagaxguraa, tay u dhaadhiciye
– Dhiiqay miskaha kuugu ridi, dheregta qaarkeede – Ragow hays dhabaan dhabin, adoon xeradu kuu dhoobmin |
– Gabdho iyo rag way siman yihiin, guul aan siday weeye
– Gacan saydhka culimadii la timid, iyo gumaadkeeda – Godad loo qarqooriyo markuu, iilka wada geeyey – Cuqubada galshada buuxisee, gayiga saamaysay – Guulaamadii soo kacdiyo, galowgii eedaamay – Mar uunbay gadoodkeedu, iman guluf colaadeede
|
Aadan Faarax Bari (Aadan Waal)– Mar haddaan Axmed Dhoof iyo, Dhawr caruura ka reebay
– Haween waa dhirta Faafoo, Habeen loo dhixi maayee
– Aniga Dhool ha i dhaafto |
– Layliga ma qayrsado aan baran, laaxinkii galaye
– Lufad kii lalaba caytamee, laashinna ismooda – Waxaan kala lalaa toban lag oon, liimbiyaa halise – Luquntiyo afwayntaan jabshaa, sidda libaaxiiye
|
Aw Magan
– Aduunyadan sidii luqunta diin, laabatiyo hooya – Goortii an laacaba haddii, layga lalinaayo – Oo ayan lugi lug ii raacahayn, ma aniggaa laylyi
|
– Haddaad idinku wada dhuuqsateen, naago dhex xidhkoodii
– Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e – Dhaddiggiinu dhinacay u kici, waabad dhaxasheene?
|
Cali Cilmi Afyare
– Car-i-kari Casiisow maxaa, Cadan ka soo dhoofshay – Kolay Cali Jibraa’iil ku tahay, uunku wada caye
|
– Guuldarooyinkaa rimani marbay, geli shinkoodiiye
– Girgirahan istaamayi marbuu, gaadhi qarixiiye – Geedada balaadhani marbay, golongol dhuubnaane – Guryo dabaq ah kii lihi marbuu, geed dugaashaniye – Ninkii godob lahaan jiray marbay, goosan aanaduye |
Faarax Nadiif– Dad abaal ma gudo waxaadse tahay, Dagayow Iidoore
– Waxaad dooni een daar ahayn, duga e yaa sheega?
Kumaa yidhi intanna? – Nafta waxad u yaabtaa markaad, naago mudataaye!
|
– Gardarada cadaanka ah haddii, guudka loo fidhayo
– Geesigii itaal daran haddaan, garab la siinaynin – Isaguna hubkiisii gurtoo, gummuca soofaysto – Oo kii xaqiisii ganbiyey, gawrac ugu jiido – Ooy nabadii geed sare kortooy, gaabatooy orodo – Gorgorkii habaynimo kacee, guuray saw maaha
|
Kala-Rogan– Abidkaa tog iyo webi unbaad, kala dhextaagnayde
– Ma tufbaad qabtaa maad maryaha, teydh iskaga maydhid |
– Dhaddig iyo labbood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye |
Mursal Kaahin– Ragguna geedka ways tirinhayaa, goor iyo ayaane
– Galmada uun la dhaca reer tolkay, gaabiskow darane |
Cabdullahi Suldaan Tima-Cade– Nin qalbi la’ qur’aanka u akhriye, qaaf dheh ku haraadye |
Shariif Laate– Halkii aar libaax uu fadhiyey, dawac ka uugaanye
– Atoor waliba geesaha u fidhay, amar ku taagleyne |
– Garbaduub haddii loo xidhood, gaadhna ka ahaato
– Gacantii nin lihi goynayaa, waa gumudantaaye – Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waaye
|
– Nin shisheeya raacoo dhan baa, qaba rafaadkaase
– Waxaa ani la ii reebayaa, reer kalaad tahaye |
– Siddii wuxuu dirays wada sitoo, danabka eegaayo
– Markuu duudka simo geelu waa, duunyo gooni ahe
|
Ina Xassan Dari– Badda jeexayaa iyo bariga, jaanta mariyaaba
– Walee geel jacaylkaan u qabo, waw jirabi ruuxa |
Xuseen Qoys
– Waxaan ahay nin gob ah ooy nin guna, gacal wadaagaane – Geed geed ku maran baan ahoon, ciddina goynayne
|
Cabdullahi Sagal Magan– Cirka meel dushaada ah ileen, dooxid lama gaadhid
– Ileen laguma doogdhabo hadhuudh, roobaan kugu daadan – Ileen meel aan dani kaa wadayn, kama dalxiisootid |
Axmed Dirir Nuur Adaan (Ina Talaabo-Nijaasle)
– Nin ambaday halkuu aaday waa, ula ekoonayde – Amarkii Ilaah iyo wakhtigu, waa wax kaa adage – Anigoo arkaayaan wadada, eyrigoo xulayee
|
Cumar Cigaal
– Sagalkii guduutaba miyaan, sarar hayaa buuran – Soomaali rubuceed miyaan, siin karaa hilib wan
|
Aadan Faarax Jaamac (Daba-ka-eri)
– Danaakiraba waa laga helaa, naag la daawado e – Allahayoow dad lama caasiyee, dumar xumaa Ciise
|
Lama yaqaan ninkii yidhi
– Rag haddaad colaad leedihiin, ciidanse u weydo – Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduuna
|
Xirsi Diihaal Xalane
– Saddex neef kollay ku tahay, wuxuun sacabka ii saara – Mise waa samaraa waa adduun, suu ahaan jiraye
|
Salaan Carabeey– Hanas iyo abaar kulul adoo, habaqle soo guurey
– Caynaba hadhuub kama dartaan, hoga kaliileede – Ka hulleele Hagar Aadankii, hoobalayn jiraye – Adunbaa hayaayda u guntane, heeryo lagu saarye
|
Lama yaqaano ninkii yidhi
– Sidda harag wan weyn laga baxshoo, waafi noqon waayey – Waayeelka xaajadu mar bay, weyd ka noqotaa |
– Shansho adhiba shirixaa dambaa, shuuqa abidkiise
– Shahwo oday ka qaaliban abtiga, shaashadii xumiye
|
Maxamed Ismaaciil
– Haddii adhi qamaamoo qatimay, helo qabaal buuxa – Qaraabiyo wuxuu ehel lahaa, waa ka qabar dare – Qoortoo la jiidiyo dhagtoo, la qabto mooyaane – Nina qeylo kuma yaacin karo, doon qabowsadaye |
– Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo daadsho
– Huunbaaqsigu uma ekeyn, Habar Majeerteene – Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay, haarihii Muduge
|
Faarax Gabay
– Naftu waa maqnoow amase waa, mahad ku noolow e – Waa maanta saan ahay haddii, mid u dhexeeyaaye (Sayidka tiisii ayuu garab dhigay) |
– Inkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo daadsho
– Huunbaaqsigu uma ekeyn, Habar Majeerteene – Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay, haarihii Muduge
|
Weerar Cali
– Timir iyo raggiisii miyaa, Toomo lagu laayey – Ma intaan qaxwaha tuugayaa, Teeyo la xaabaray – Tobankii Abraahiin miyaa, naga tol roonaaday
|
– Kol unbuu hilawluhu u tumay, heello iyo jiibe
– Dadka kale tashiga waa hojaa, kay hadhaw noqone – Waxaanu hubsan reer Cali Geraa, haa dhawaan jiraye
|
Jaamac Dayuurad
– Heeryada isaarani tolkay, hagartii weeyaane – Ninba howshu kali bay ku noqon, haatan dabadeede – Nin walaalkii ii hiili yidhi, hoog Allaa badaye – Intii lay hogaan bari lahaa, waan harjadayaaye
|
– Waxba yaanu xeerkay i marin, xoolona i siine
– Xaashee nin libin kaa xistiyey, xumihi waa yaabe —————————————————- – Dumarkuba xublada foosha way, xanaf wareeraane – Balse inay xusuus daran yihiin, xaylka kale mooge
|
Guuleed Dhoola-yare
– Waqti bay hayee tadamiyoow, kuma wareersheene – Walaal kuma idhaahdeen intaan, wiiqa soo dhigo e – Walaayo iyo baadi is radi ah, ciirsan kari waaye – Nin wanaag ku waaraba marbuu, waayir xidhayaaye
|
– Afku wuxu la xoog yahay magliga, xawda kaa jara’e
————————————————————- – Lammaanan xadhig loo tidcay, lugi ka doogtaaye – Lufanbaa ka hadha dawliskii, liilsamaan jiraye
|
Jawaabtii Tadami
– Hadduu qiray ninkii geela qabay, inuu ku qaamoobay – Asuu qoray ismiidaan qoday, waa qar soo dumaye – Halkeen hiilka kaga soo qabtaa, waa qisiyo yaabe
|
– Lafta dhabar laxaadka i debciyo, laafyihii gacanta
– Lubbigeygu leyl xalay ma ledin, laadadyiyo taahe – Waa taas lanleemada indhaha, aragu liitaaye – Liiqliiqad baan ahay sidii, lulo dabayleede – Haddaan luqunta beri taagi jirey, liicday adhaxdiiye |
Yuusuf Caalim Nuur
– Rodoloow nin rabid maalay, waa raaxada adduune – Raganimiyo geelii haddii, la isu kay raacshay – Sow haatan waxaan raadiyaa, raanta boqor ma aha
|
– Dahabooy waxaad iigu dudi, waan ku duungaranne
– Dabro oday ma laasimo hadduu, dooxanaa rido’e – Dedaalkiisu waa kol iyo laba, inuu kuu dukhuulaaye |
Maxamuud Cabdi Shoorshoor
– Ilaahyadu hadday dhowr yihiin, lama dhaqnaadeene – Dhiif iyo collaad iyo kolkay, dhiilo kala gaadho – Dhawaaqooda kaliyey nafluhu, dhiman lahaayeene |
– Gabadh waliba waa hooyadeed, tay u gurataaye
– Goonbaartu waxay caasidaa, midaanay gaadhayne – Ma gudboona gaarida sariyo, gibirta naaxdaaye
|
– Qarbadkuba haddii la aslo wuu, qurux badnaadaaye
– Alla qiimo daranaa fartuu, qori yaqaanaaye
|
– Sacba waxa gunnada loogu dhigay, yuu gardiiddamine
– Haddii aan gandaal lagu sabayn, gocay ma buuxsheene – Nin gargaari jirey naagahaa, gaba abiidkoode —————————————————-
– Gaardiga sarkaalkuba ma ledo, gaadh habeennimo’e – Nin Isaaqa godobtii bartaan, gaadhka ka hayaaye – Gujiskii baddaan uga dhignahay, gebiga Daaroode |
Faarax Nuur
– Qadhabo iyo lucaaf iyo xeelad, laysku qabanaayo – Quruf oodan shabaq laysu qubay, qoolad iyo xeelad – Qosol been ah qoor wada qayaxan, qiiq aan garanaayo – Qoodaan afkii laga qabilay, qarafna hooseeyo – Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane – Ma anaa mindiyo lay qarshaa, laygu qali doono
|
– Caddad maleh rijaal ladan intay, calal ku duubeene
– Oo ay meel cabbaar loo qodqoday, kaga carraabeene – Oon camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne |
Ina Xasan Dari
– Hadday dunidu tiir leedahoo, lagu tanaadaayo – Oo niman ku taajirahayaan, taaladan aan joogno – Toolmoonihii Maxamed baan, laga taxaabeene – Maxaan tobon riyo ah uga welweli, tay u weel li’iye
|
Abokor Cawad
– Geel iyo ninkii adhi dhaqday, gaajo qabataaye – Jiilaalku wuxuu gaadayaa, gaban haagaasleeye – Geediga ha looyaamiyeen, sidda gabraartiiye – Girir kuma qadeeyeene, haddan guriga noo oole – Nirig horteed daarcad bay, gogoshu ii taale – Gadhka waxaan u feedhaa siddii, goodharka Cadmeede
|
Faarax Daad
– Adduun gaban ah ubad wada habla ah, oori kululaatay – Waa waxaan sidaa ula engagay, urugadoodiiye – Ilma-adeeradaaa geela way, igu ag maalaane – Ayaantii kastaba boostadaanm ku ag wareegaaye – Haddaan aradka gaalada fadhiyo, kuma ilaaweene – Haddaan aabahaa ahay maxaad, ii anfici weday
|
Cilmi Boodheri
– Sidda ay go’aygii tihiyo, macawis aan goostay – Ama ay godkii aakhiriyo, geeri iga baajin – Gardariyaa maxaa Hodan Cabdaay, kaaga go’i waayey |
– Xamdi mahad Allaa igu xawilay, walad xalaaleede
– Xami mahad anoon xoogsan baan, xayn ka buuxsadaye – Xamdi mahad xigaalo iyo tol iyo, xidid haddaan yeeshay |
Cali Xamaali
– Goodiga ban cowl buu fakhrigu, geed ku leeyahaye – Wax dhan baan ka gabangaabsadee, waa i galiyeene – Gaajada hugeedii miyaa, galabta la i saaray |
Fooleey Aadan Cali Hareeri
– Cirku waa daruuraynayaa, gooruu di’i yaa og – Waa la ii dardaar warinayaa, darajaday yaa og – Anigiyo daraawiish midkii, dhiig ka di’i yaa og |
Cabdulle Raage
– Camuuduba halkii laga guro, waa ka godataaye – Rabbiyoo gargaariyo naftoo, gudubta mooyaane – Gacan taagan lama buuxin karo, goor iyo ayaane |
Faarax Xuseen
– Daliil gabay ah diin iyo xikmad, daacad iyo waano – Dorraad iyo midaan shalay lahaa, duug hadday noqotay – Inaan dhagaba hadal deeqahayn, baan isaga daayey
|
Cabdi Khaliif Indhoole (Hurre Aadana badhbaa ku sheega)
– Micno maleh walaalkaa miyi iyo, naag magaalaba e – Labaduba markay kaa madhshaan, moodka iyo noolka – Lama moodo in aad maalin qudha, meel ku kulanteene |
– Shinbir duulis badan oo dhulkii, dagi aqoon waayey
– Kol unbuu libaax labadii daan, dalaq yidhaahdaaye – Inay edebtu shay door ah tahay, baan isaga daayey
|
Yuusuf Maradoon
– Wax yaqaan haddaad tahay asaan, ciddi ku waydiinin – Nacas ,,,,,,,,lagu waabay waa, kaa wardheer yahaye – Kaa wacan wadaadii la yidhi, ii wad Cowra le’e |
Cabdi Gahaydh ama Qowdhan Ducaalana
– Haddii culimo maalkeed la dhaco, magan Ilaaheey ah – Miinshaar wax goysiyo hadday, malaha xoog weydo – Sow inay maqraha soo akhrido, lagu malayn mayo
|
Kumaa yidhi intanna?
– Inkastuu dhabcaal go’an yahuu, kuu dhadhamo diido – Isagoo dharaar maqan koluu, dumar wax kuu dhiibo – Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa, waad dhadhamisaaye – Waa dhaawac kugu yaal bahdaa, dhaqasho weydaaye |
– Marka horeba guur waa milkiyo, maaro kala waaye
– Haddaan lala mashaawirin tolkaa, adiga oo maal leh – Oo lagama maarmee tashiga, odayo loo miirin – Ninkii keligii maalootiyaa, meel xun waw halise
|
Axmed Busur
– Wax kuwaabiyaan lagu ogayn, wadarta Ceelgaabe – Wax ma dhaaftid wiil iyo ciyaal, amase waayeele – Waqtibay anfaco leedahaye, waadan garanayne – Waji yeelo weeryohow midgaan, waalan baad tahaye |
Lama yaqaan kii yidhi
– Cagtii joogsan weydaa marbay, ceeb la kulan taaye – Carabkaan la waabinini xumuu, caasha geliyaaye
|
Nin xaraaro dishay baa yidhi, kee ahaa?
– Awal buu qaldamay shaah ninkii, koobabkow qoraye – In qiyaamo loo sii ceshaa, ma ahan qaynuune – Qalbiguu wax yeelaa markuu, qaar madow yahaye – Qarka jooji maandhey hunguri, qaadan bay wada e |
Lama yaqaan ninkii yidhi
– Ilaahoow waxaad nagu ganbiday, gali Ogaadeenka – Oo waa ii godob haddaad, gabadh ka reebtaa
|
Cismaan Keenadiid
– Laan dheere gob ahaan jiroo, gocoshadii hayso – Iyo kii ka gaabnaan jiroo, haatan garab taagan – Geda kaasi yahay yaa kan kale, gaadh is leeyahaye – Labaddaa garaad oo gudboon, yow garnaqi doona? |
Ugaas Nuur Ugaas Rooble– Allhayoow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay
– Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey – Jidhku nimaan doonayn maxaan, hadalka deeeqsiiye – Ma degdego xaajada maxaan, rag u dulqaad yeeshay – Markuu dabinka ii galana maxaan, kaga daryaansiiyey
|
Xassan Kharaab wuxuu ku jawaabay
– Anba deeble geel iyo marabo, lo’ iyo deeq weyne – Dantay waa waxaan labada daan, dalaq ku siiyaaye – Duli buu ku dhacay nimay midgaan, soor ku diriraane – Anse daayey deeqdii yaroo, qaylo daba joogto |
Tarabi Xasan
– Safar iyo socdaal iyo Subeyr, saan isku helnaaba – Walee Samatarow waxaanu nahay, laba adduun saaran
|
Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle)
– Duulaan aroornimo la baray, Doollo iyo Hawde
|
Xuseen Yogol Furre (Camanje)– Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto
– Hungurina ka geyn waa kalyana, kuma hagaajaane – Huuhdooda unbaad maqliye, lay hor iman maayo
|
– Adduunkii nagaa idinka iyo, naagahaa rogaye
– Nasabkiinu meel buu ahaa, nuridu waa iine – Nacallaa Majeerteen ku yaal, nolol ma haystaane
|
|
Kor u noqo | |
Iyo qaar kale oo badan oo iman doona | |