Gabaygaa hore ka dib Xuseen iyo Cirjiidh danahoodii ayey kala raacdeen oo ninba gees ayey duruufuhu u hoggaamisay. Saddex sano ku dhawaad kolkay kasoo wareegtay ayey ku kulmeen Denmark. Kulankaana Xuseen gabay dheer oo xogwaran iyo warbixin ah ayuu gabayaagu ka tiriyey. Wuxuu yidhi:
- Deyr hore Cirjiidhow warkaan Dubai ku falleeyey
- Dan baa tidhiye adigoon duda dhaaxo kale dawrey
- Jacaylkaaga igu duugan iyo darajadeyntaada
- Dareenkeyga faraxii dardaray xiisa danankeyga
- Kulankii diiwanada galeen dunida gaadhsiiyey
- Dagaalladiyo aafadi adoo deeqla kaa bixiyey
- Sidaan oogu diirsaday darteed gabaygii aan duubay
- Duud markiisa gabaygaad ogeyd dulucda weedhiisa
- Ma danaynin dooddii murtida waagi dabadeed
- Caawey dabayshiyo mar kale dirirku saadsheene
- Dalkaan imid dad badanoon jeclaa wada dalxiiskooda
- Dabeyl caafimaad iyo sidii laydh indhah diirsha
- Maandhow xiskii daallanayaa dararyey aashiise
- Dirkuu dhaliyo Awgaab indhuhu waw dubboodeene
- Isagoo daliil quruxsanoo dad iyo maal buuxa
- Oo gaari lagu diirsadaa doojin ubadkiisa (gaari dumar)
- Mar inaan duljoogsado wax badan waygu duubneyde
- Duubcaduu Ugaaskii dhaliyo diricyadii Xaawo
- Inaan daahno oo aan mar kale dood ku wada guulo
- Oo duni wixii waa ka dhacay ii dul maro Naadir
- Iga didiye daal iyo wixii diidshay madaxiiye
- Dabcigiisa wacan Kaahin baan lagaba daaleyn
- Diiwaankiyo dadkii Ceelberdees qorayey duugtooda
- Intaasoon wax badan doonayoo mar isku soo duubmey
- Saw farax`daraadii inaan doobta rido maaha
- Damacaaga dhoof dibad ah iyo Yurub waxaad doontay
- Duruufuhu waxay ku xujureen danaha kaa hiilshay
- Duca waalid baa ku ladhnayd daa’in abidkaaye
- Dadaalkii waxaad `doon lahayd gaadhay dalabkiiye
- Denmark degmada Nordikiyo degenka aad joogto
- Waa dhulkaad u doogsada lahayd diiftu way bi’iye
- Inaad malab durduurani carrada dahab hadduu yaallo
- Durba inaad daliilkeeda heli waw danniyaaye
- Inta aad diyaar ooga noqon dooda dhinaceeda
- Aan inoo dabree sheekadaa dihin aan daayo
- Waxa igu dirqiyey maansadaan daday albaabkeeda
- Isha shiishka loo dabay halkay daarantahay toogto
- Nin kaloy ka duuftaba adayn duni ku dhaafayn
- Warkaan dado adaa dooxan kara ereyga diimoone
- Dulmarkeeda garo xaajadaan soo dallaci doono
- Nin doolaala dheer baan ahoo deyrba meel tage
- Kama dego diyaaraad kacdiyo haada danantaaye
- Qaarad durugsan meel uunku dego oy degmadu gaadho
- Dal ma jiro aduunyadan dulyaal oonan waa degine
- Waxaasoon dawaafa iyo katlaba daaf walbaba gaadhey
- Daadsan iyo wixii gaadhi dadan la igu duuflaashay
- Carra loo dalxiisiyo dabaal bado waxaan dooxey
- Hoteel lagu danbaabiyo sar aad dahab ku miisaasho
- Sariir diiran oo dabasan iyo moolo kula diista
- Waxaan daar qurxoon degey wixii dabaqyo lay qeeday
- Madcam lagu dekeeyiyo cuntada nooc walbaba daadsan
- Darab iyo sarreen duban wixii dadab la ii saaray
- Maxaa daran maxaad dayi wixii dalabyo lay keenay
- Darmaan carraba iyo naag cadood qurux la diideysa
- Waxay damacday inaan daahiyaa doqonsanaanteeda
- Waxaasoo adduun lagu degmoo aniga lay daadshay
- Uma deexan dookh igama galin laygu degi waaye
- Darrintii Nimciyo waxaan ahayn diiqo ay karisey
- Amaan doobi caano ahayn soobir dararteeda
- Ima deeqo duul kale waxay igu durraanteene
- Dal tabyadu waa cudur haddana la iska daaweyne
- Xudunteydii lagu duugay iyo hooyo dararteede
- Digrigiyo wadaadkii xirisiga iigu dhigey deelka
- Malaha waa darteedii waxaa ii durbaan tumiye
- Wax kaloo i deeqaa la waa duniyo maalkeeda
- Waa laygu daw galay cishqiga dooni agankiiye
- Dibirkii Bakool iyo dul iyo ceelberde dooxi
- Dusha Labashir duudihi Kawaan dooga quruxdiisa
- Gu’ga da’ay abeeraha da’ dhalay daalin sidigteeda
- Geelii nirgaha daabiyee xoorta laga daadshay
- Xunbadii la duurduuran dihanayaa mooye
- Adhi daad masaalkiye wixii daadsanaa hudihii
- Wanka geesku duubmiyo ahmigi xaydh dirgani waayey
- Duco loo qalyaa iyo dan kale loo daldaliyaaba
- Dibaaxdiyo wadaada darmaday darabta iidaaman
- Digrigiyo daryaankii xadrada `dihanyaa mooyi
- Lo’da oo dixaha loogu xidhay dalandalankii weysha
- Oo xamashka doogiyo cagaar dihin la daaqsiiyey
- Oo dararta waalaani candhada doojin kari waayey
- Xaycadkii la darandoorin jirey dihanyaa mooyi