In kasta oo uu dadka qaarkii ka eedsheegto xukunkii Daraawiishta, ayna ku tilmaamaan inuu ahaa xukun adag oo nacab ahaa, haddana waxaa xaqiiqo ah inaan Daraawiishtu ku xadgudbin cid aan iyada marka hore ku xadgudbin ama aan gardaraysanin. Xarunta Daraawiishtu waxay lahayd nidaam iyo maamul hab dawli ah u dhisan. Qaybaha maamulkaa waxaa ka mid ahaa hay’ad u qaabilsanayd sharciga, caddaaladda iyo kala-dambeynta guud. Hay’adaasi waxay lahayd garsoorayaal diinta aqoon fiican u leh waxayna garsoorayaalkaasi sharciga la tiigsan jireen qofkii eedayn loo soo jeediyo.
Qofkii denbiga lagu soo oogay lagu helo ayaa la qisaasi jiray, halkaa ayeyna dadka qaarkii ka cawdaan iyagoo ku doodaya in Daraawiishi gacan bir ah ku qabatay qabaa’ilkii ka hor yimid. Soomaalidu waxay tidhaahdaa madax meel ka koraysa oo la salaaxo ma jirto, sidaa awgeed Sayidku isagoo Daraawiish difaacaya waa kii reebay odhaahda caanka ah ee odhanaysa “car yaa Soomaali xukuma oo aan laynin.”
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yidhi, Darwiishkii caanka ahaa, gabayaagana ahaa ee la odhan Buraale Cali Seexde ayaa maalin maalmaha ka mid ah dareemay in la xujeeyey. Dareenkaasi haddii uu galay Buraale wuxuu isku dayey inuu is xujofuro oo uu caddeeyo inaanu wax denbi ah gelin. Gabayaa af maal ah ayuu ahaa sidaa daraadeed wuxuu tiriyey gabay uu 10 qodob oo uu isku difaacayo kusoo bandhigay. Wuxuu gabayga dhexdiisa ku sheegayaa raganimadiisa dhammaystiran ee haddii la dilo ama uu Daraawiish ka baxsado la tebi doono, wuxuuna ku kalsoon yahay inaan Daraawiishi ka maarmin sidaa awgeed ay tahay inaan la xujaynin.
Wuxuu Daraawiish oo dhan dareensiiyey in odaytinimadiisa, wanaagiisa, deeqsinimadiisa iyo aftahanimadiisa la tebi doono. Haddii dhiilo timaado oo beesha col ku dhexdhaco wacdarihii xagga dagaalka ahaa ee uu muujin jiray ina la tebi doono ayuu ku xijiyey. Wuu sii waday oo wuxuu ku baanay in loo darsan doono gacan-furnaantiisii iyo waxbixintiisii.
Haddii tolkii iyo tol kale ay dagaalamaan in tabtii dagaalka, ciidho-dirirkii iyo rogaal-celintii uu caanka ku ahaa la tebi doono ayuu isku xujofuray. Meerisyadan iyo kuwo kaleba waxaa ku cad in gabayaagu uu Bahgeri iyo Daraawiish mid u arko sidaa la adligeedna ma uusan kala soocin. Daraawiish qofkii kusoo duula Bahgeri ayuu kusoo duulay, kii Bahgeri kusoo duulana Daraawiish ayuu kusoo duulay weeye ujeedkiisu.
Kolkii ay barwaaqo iyo nabad tahay in quruxdii, tamashlihii iyo habsamidii uu dadka kaga tilmaanaa loo darsan doono ayuu raaciyey. Tixgelinta guud ee ay Ogaadeen iyo Daarood oo dhammi u hayaan isaga shaqsi ahaan iyo magaca uu Soomaali dhexdeed ku leeyahay inaanay Bahgeri ama Daraawiishi ka maarmin, cid kale oo badashana aan la helaynin ayuu ku daray.
Taladu markii ay gawriirsato, nin doorka mooye marka ragga kale oo dhan ka maagto, marka cid arinta u cirbixisa la waayo, xaajadu kolkii ay dhanaanaato in geesinimadii, garashadii iyo geed-adaygnimadiisii la waayi doono haddii uu Daraawiish ka baxsado ayuu ku faanay.
Haddii uu Daraawiish iyo dhulka ay ka taliso ka tago kaligii tagimaayo oo wuxuu la dhaqaaqi doona tolkii oo dhan. Haddii uu sidaa yeelo kolkaa uu dagaal dhexmaro Daraawiish ama Bahgeri iyo qabaa’ilka kale ee ay dariska yihiin wuxuu u arkaa in booskiisii bannaan yahay oo aan cid buuxisa la helayn.
Arimahaa uu taxay haddii lagu tixgelin waayo, haddii dareen gelinta iyo cagajuglaynta ay Daraawiishi ka dayn waydo inuu habeen madow dhaqaaqi doono, il dambena aan la saarayn ayuu ku afjaray. Wuxuu yidhi:
Gabaygaa ka dib Buraale xaruntii Daraawiishta wuu ka baxsaday oo webiga Shabeele ayuu ka gudbay. Colaad iyo dal-tabyo badan ayuu kala kulmay dhulkii uu tagay, muddo ka dibna degaankiisii iyo Daraawiish ayuu kusoo noqday oo waaka tirinaya gabaygii ay ku jirtay:
Inkaartii Sayidku inay ku dhacday ayuu u arkaa.
Buraale waxay saaxiib ahaayeen isuna hal celin jireen Qamaan Bulxan. Qamaan oo Sayid Maxamed col la ahaa, jecelna inuu Buraale iyo Sayidka iska hor keeno ayaa gabay diredire ah tiriyey. Isagoo ku halqabsanaya laba nin oo sida la wariyey Reer Xamar laga dilay ayuu Qamaan wuxuu yidhi:
Sheekooyin khatar ah oo dhinacyo badan ayuu Buraale Cali Seexde leeyahay. Soo raadi sheekooyinkaa iyo gabayada la xidhiidhaba oo na soo gaadhsii: mail@doollo.com.
|
Authorization