Home

Qawdhan iyo Faarax

                                                   Gabayo isu jawaab ah

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Ciidagale iyo Arab baa dagaal dhexmaray markaa ayaa waxaa gabayo loolankaa ku olog leh is dhaafsaday Qawdhan Ducaale oo Ciidagale ah iyo Faarax Nuur oo Arab ah.  Labada abwaanba degaanka hardanku ka socday way ka fogaayeen waxayse gabayadooda ku saleeyeen hadba siddii warka loogu sheegay.  Qawdhan oo gabayga ku horeeyey wuxuu ku faanayaa oo uu sheeganayaa in Ciidagale guushu u meertay, Faarax Nuur oo markaa oo Nairobi ku sugnaana  wuxuu isna ku dhaadanayaa guul usoo hoyatay Arab. 

 

Qawdhan oo gabayga ku horeerey ayaa yidhi:  (Faarax Nuur gayagiisiina wuu dabasocdaa)  

 

  • Waa taan ka jaamidey beryahan, gabay jarayntiiye

  • Jiilaalladii baan ka dhigay, jir an irmaanayne

  • Xaluunbaa jaleelado la ridey, jali cusbeeyeene

  •  

  • Janna-hele Cismaanoow tixdaan, xalay ku soo jeeday

  • Sidii Johorad noo timi warki,i jaahayaga nuuray

  • Jufnadaan ka baalidey xalay, jiibti kama seexan

  •  

  • Jawaab waxan u naqay uumiyaha, nagu jalaadaaya

  • Jawaab kalana waa maansadaan, jilay xisaabteeda

  •  

  • Jawaab waxan u naqay uumiyaha nagu jalaadaaya

  • Jarka Boodhley Reer Sugullihii, joogey lagu laaye

  • Jaarkii Burciyo laysla waa, jinawgi Beereede

  •  

  • Raggii Faraska juuna u lahaa, kama jareeyaane

  • Jeeraaradii baa Nugaal, juudigii go'aye

  • Jaanqii ka madhay Keenadiid, jaraygay baaneene

  •  

  • Jurmadoobahaa reer Qayaad, Jabad ma buuxshaane

  • Jibsin reer Barkadi Cali Geri bay, jibo ku laayeene

  • Reer Samatar Jidhidii Afmeer, kama jilbaystaane

  •  

  • Reer Nuux ma kala joogsannine, waa jidiid dhabahe

  • Waatay ku kala jeel baxeen, juuba lays daraye

  • Jamaliyana qaar baa is dilay, jillibadeediye

  •  

  • Wax Jabouti roobku dhex maray, dhulu la jiitaaye

  • Ma jeclayn kuwii Adari weyn, joogey galabtiiye

  • Dadkaba niman Waraabuu jug siin, jiinka laga waaye

  • Jir ba maaha geerida Isaaq, nagu jidhaystaaye

  •  

  • Jawaabtaa waxan u naqay uumiyihii, nagu jalaadaayey

  • Jawaab kalena waa maansadaan, jilay xisaabteeda

  • Ma jameecadaa laga guntaday, waa jihaad dhabahe

  • Senge jookh leh heensaha miyaa, jiidhka lagu taagey

  • Ma raggaan jareexaynayey baa, jiifka ledi waayey

  • Ma jibboodey Reer Ciisihii, Jemelku caayaayey

  •  

  • Juqda Dhadi miyaa loogu tegey, jaahillada guurey

  • Maarrihii u la jiifsaday miyaa, jaaha lagu diiray

  • Durba jooflihii Arab miyaa, faras la jiidhsiiyey

  •  

  • Jab ma moodey awrtii daruur Bari, ka soo jeedda

  • Jaraad laguma faanee Ayaxa, jeex ma le'ekaannay

  • Meeshiyo Jaleeliyo Horo, yaa jaanta loo simaye

  •  

  • Waxba yaan dagaalkii ku jirin, jiidhay nimankiiye

  • Waxba yaanan Rooblena ku jerin, jiifad erigiiye

  • kol hadday Jigjiga haybsadeen, jimicyo ii qoorray

  •  

  • Maantaba Jirdii loo dhisay iyo, juuci loo celiye

  • Suldaankii la jaakirey haddii, laga Jawaab qaatay

  • Jaraha dhiga jirkuba waa ridaa, jalaw kaliileede

 

Jawaabtii Faarax Nuur:

 

  • Nairoobi inan joogsaday oo, jiitay la i moodye

  • Ragga gabayga arar jiidayaa, haw jimimiceene

  • Anba waw jawaab celin ninkay, jibo ka yeeshaane

  •  

  • Wallaahaan jaliilado la dhici, jibin ka waaweyne

  • Hadba juhulo ii soo baxdoo, jar iska xooraaya

  • Jalfadaan ilkaha kala dhacaa, oo Jiidhi geliyaaye

  •  

  • Dadka hadalku waa kala jiraa, juunahaan nahaye

  • Aniyo jaallahay baa naqaan, jagada waaweyne

  • Hadba johorad iga soo baxdaa, lagu jalbeebtaaye

  •  

  • Jidhaab aamu kii juuqyidhoow, jootan baan ahaye

  • Adiyo aabbahaa lagu jejebi, jamici Naareede

  • Jannadii Raxmaan iyo ka qada, jaahi Nebigiiye (scw)

  •  

  • Aakhiro halkii Juuc ah iyo, Jeelka lagu geeye

  • Jahannama tagaay faanka sow, lagama jeel beelo

  • Jufka Bari haddaad noogu timid, jiir ma kugu taagnay

  • Meeshiyo Jaleeliyo Horo yaad, jimicsan weydeene

  • Idinkoo jirraban xoolihii, ma idin jiidhsiinnay

  • Sideed jiib isaga soo hesheed, xalay u soo jeeddey

  •  

  • Bal jeeskiinna eeg mee raggaad, Jalanqo moodeysey

  • Goortay qardhaasaha jareen, jagacdi yeedheysey

  • Jabayeeyda naagaha qalbiga, maydin kala jeexnay

  • Jab la moodye Awrkii maxaa, jarana kuu laabay

  •  

  • Suldaankii la jaakimay hadmaa, laga jawaab qaatay

  • Goortaan jilbaha kuu dhigay, een jaraha kuu raacay

  • Waxa joof leh gool  iyo ninkii, joomihii cunaye

  • Jiidhka igu yaal waa raggaan, jarayey waagiiye

 

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Email Us|Dhoodaan|Sayid Maxamed|M.C. Dage|Qamaan|M.C. Beenaleey| Raage Ugaas|Kaadheeri|Guba|Singub|Contact Us
Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.