The largest
online collection of Somali poetry

Ceeri Bogasho
Gabaygan uu tiriyey abwaan Xuseen Hudle wuxuu ka
mid yahay gabayadii tirada badnaa ee Ogaadeenku ku raadgoobayey raggii Xaaji
Cumar Cameey dilay iyagoo Dhulbahante mar walba u tilmaamaya aaro waxaan ahayn
inaysan ku xaajo qaadanin. Wuxuu abwaanku si dhildhilan u taxayaa jabkii
Isaaq gaadhay ee Ogaadeen u gaystay iyo haydaartadey muteen rag badan oo magac
iyo maamuusba lahaa, isagoo waliba ragga magacyadoodii tirinaya.
Xuseen wuxuu carabka ku dhufanayaa oo uu si guud
mar ah u sheegayaa awooda Ogaadeen lee yahay isagoo dhowr jilib oo degaankaa
Xuseen joogay ka ag dhawaa tusaale ahaan usoo qaadanaya. Wuxuu kaloo
hadalka marinayaa awooda Daarood lee yahay marka Dhulbahante laga reebo.
Wuxuu carabaabayaa Mareexaan iyo Hartiga intiisa kale. Wuxuu ku soo
af-jarayaa in ceebtu saaran tahay Dhulbahante, haddii ayna aarahoodii helina ay
magac xumo usoo jiidi doonaan Daroodka kale.
Shaki kuma jirro in gabaygani uu kamid yahay
gabayadii Guba oo uu collaadii xilligaa jirtay ka hadlayo taariikho culusna
xambaarsan yahay. Wuxuu yidhi:
- Ragga Cayn u kacayoow war runa Cali ha loogeeyo
- Calaankii la guubaabin jiray ceeridiis bogay
dheh
- Cidda Araba iyo Ciidagale, cuurka Habar Yoonis
- Awalkaa cidhiidhiga ku jira ceelka Madar Weyne
- Cabdi Badhiga, Guuleed Suldaan cuudkii laga qaad
dheh
- Cadale oo dhan Ciid iyo intaa Ceelo uga taalla
- Isaxaaqa kabed ciirayoo Cali iyo Haruun leh (Reer
Isaaq, Ogaadeen)
- Cabdilliyo Makaahiil, Bah-Gari, calaf Mareexaan
ah
- Hartigaa cadceed idil dagee curadka Daarood ah
- Cishihii Bah-Deyraa u tagi sidigta Coomaad dheh
- Afartaa cadceedoodba waa laga cataabaaye
- Haddii caadilnimo loo warami ciirshe dunidiiye
- Waatay Cibraan iyo noqdeen ciidan xoog darane
- Waatay caruurtii habluhu la ciddi jiideene
- Waa tay caddaystii gobtii calaf ka yeesheene
- Waa tii biyaha ceelka iyo cowska loo miyaye
- Nimaan magan cidhbaha loo fadhayn caydhis baa
dilaye
- Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii kama cadhooteene
(Xaaji Cumar Cameey)
- Ciyaar sow shalay looma dilin curaddadiinii dheh
|