Home

Qamaan Bulxan (Ogaadeen)

                                                                                 Dabuub Gabay

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Gabayagii 1aad ee Qamaan Bulxan:

 

III

  • Caliyoow dabuubtaadi gabay daayinkaa wadaye
  • Dabaylaha xagaagee dafliyo daafigaa sidaye
  • Noo dooji doogiyo sidii dararta xolaaye
  • Diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daaweyne
  • Dadkana uma sinnee reer tolkay dacar ku nooleeye
  • Anna waan ku diirsaday Ilaah derajo siiyoowe
  • Daaraan garbaha qoon hulaad damaqday Dhuuxoowe
  • Dibirrooti buu dhacay raggaad daabaqadiseene
  • Waa gobol dillaacid iyo ciil dibinta ruugaaya
  • Iyo gobol runduda oo fadhiya dagada weeyaane
  • Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna waan odhane
  •  
  • Dab baad ololisaa kumano gubo daa'in abidkaaye
  • Intaad dogob shiddaa baad taqaan dirdirayn jaane
  • Daaskaad fadhido sow gubee degelkan qiiqaabi
  • Haddayse daacad xaajadu tahoon lagu denbaabaynin
  • Danbaaburada naareeed haddaan dhinacu doonaynin
  • Seeddoow maxaad noogu digan dakharku waa kiinne
  • Goormayse degmadu noo miyeen dawgalbaa jira e
  •  
  • Daldhahsiga danaasaca la mood dawr inaan ahaye
  • Is dalleemintaydaa ninkii dagani eedaaye
  • Dubihii ku dhacay Ina Barwaaq dagi ad maysaane
  • Daaduunka caydheed raggaa dibbadda meeraaya
  • Docmo iyo Hartaa lagu ogaa dalawadoodiiye
  • Cali Gerigaa daadhiib shalay naga durduurteene
  • Waa kaa darfiyey caanihii dagiyo heemaale
  • Anna waxan dibiray waa dagaag dayrar soo xulaye
  • Nimay gacantu daabulo tiqiin deri hadduu daayo
  • Uu yara dalleensado intii ducasan loo yeelo
  • Damban maayo waagay xubnuhu yara dubaaxshaane  
  • Inaad deysid beel dagan adoon dani ku seetaynin
  • Dabcigeedba yaa kugu yiqiin digasho mooyaane?
  •  
  • Hadday debecdo waw hiilisaa doqon walaalkeede
  • Diiftiyo ushay garan intaa dayada haysaane
  • Dunna hadaanad ii tarin maxaad iigu dana sheegan?
  • Duunyada fardood maalintaad deleb ku qaadaysey
  • sidii duul Amxaara ah markaad nagu dabraynaysey
  • Intaad haatan ii laba dublayn muu damqado jiidhku?
  • Daarood Ismaaciil ahaan hilibku muu diiro?
  •  
  • Daabcadda ninkii kugu dhuftee, daabku uu celiyey
  • Iyo kii duleeshaay ku yidhi wax isma doorshaane
  • Dakanadayda yaa kaa xigaad igu danayn haatan?
  •  
  • Aar soo dibjirey neef hadduu daacuftii geliyo
  • Uu kaga dig siiyuu ilkaha dhiigga kaga daadsho
  • Dugaaggaa yaryari sow ka cuna duugga hadhay maaha?
  • Aday dilaye goormaa Isaaq Doollo iga qaaday?
  • Maxaa libinta Daarood lahaa dabacayuun siiyey?
  •  
  • Hadday Dubaxul uga heesayaan dacarba waan siine
  • Miyey haatan daab iyo ul iyo kaga cabbaan dawlis?
  • Dusha daalis oo dibi dhaloon loo danbarinaynin
  • Oo kii lahaa diidey bay sidigtu  doontaaye
  • Kuwan derisnay dooxeer haddaan sebenka daduunsho
  • Waxa adiga duug kaaga noqon yayga degi waayey!
  • Gabdhaha doonnan dadabtan dhisniyo xidid dariiqaynta
  • Kuwaan dihannay diricay dhaleen waa dareeemada e
  • Muslinka hayga didin yaan ibleeys dawyo kaa ridine
  • Darka jabay dilaalkiyo dhulkuu dabadku meeraayo
  • Deeqii Illaahay halkuu xuliyey daadkiisa
  • Ii daa dugaagiyo Hartay igaga deyraanne
  •  
  • Iidoor Dir weeyee hadduu duulan soo kiciyo
  • Dunji Habar Magaadluhu hadduu dabarka soo gooyo
  • Dunbuq iyo rasaastana hadduu debecsanuhu siiyo
  • Horta yaa la da'a wayla yaab dawyadaad xuliye?
  •  
  • Ogaadeen ka daan iyo ka daan Doollo soo gudubye
  • Diinkaan akhriyey way imaan Dooy raggii jiraye
  • Dulli maalintaa waxaad qabtaan waan u daahirinne
  • Ma demmaniye deynkayga waan dabagelaayaaye
  •  
  • Idinkuba darkii Caynabaa deris ku taalliine
  • Dagaallama rag doorkii la laa duubcaddii Hagare
  • Ama na daaya waa wada qabnaa daawashiyo ceebe
  •  
  • Caliyoow da'daan ahay waqaa looma duurxuloe
  • Duq gaboobey iyo wiil yarbaa loo dedaa hadale
  • Diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saarteene
  • Ma dumaalo naaguhu ninkay nolol ku dayrshaane
  • Dayib uma yidhaahdaan jeeroo hawli daashado e
  • Nin walaalkii doorsaday ilaah derejo siin waaye
  • Dalkaad Ina-adeerkaa dhigtaad weli degeysaaye
  • Baadida ninbaa kula deydeya daalna kaa badine
  • Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye
  • Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayn
  • Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayeye
  • Dilaal iyo malaal wuxuba waa carabta deynkoode
  • Dibnihiinna uunbaan galoo way dudubiseene
  • Allay diliye Iidoor adaa iiga sii darane

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan |Sayid Maxamed |M.C. Dage |Qamaan |Beenaleey |Raage Ugaas |M.C.Kaadheeri |Guba| M.C.Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.