Home

Digasho (Jawaabtii Dheeg iyo Cali Banfis)

                                                                                  Gandaal

Kadeed
Waran Xaq
Dan Qaran
Kas iyo Maag
Denbi Ururay
Dareen Absame
La Yaab
Sargooyo
Xilli
More coming...
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Abwaanku wuxuu gabaygan tiriyey 1988.  Wuxuu u jawaabayey Maxamuud Dheeg oo SNMtii ahaa.  Gabayga Dheeg waxaa ka mid ahaa beydadkan.  Wuxuu yidhi: 

  • Siddii ayax diyaaridi suntii, dooga ugu saydhay

  • Hays dulyaalo meydkoodu waa, doqon abaalkeede 

Dadkii ganacsatada ahaa ee ka shaqaysanayey Galbeedka iyo Waqooyiga degaanka Soomaaliyeed ee ay SNMtu u dhuljiifayn jirtay ayuu ku dhaadanayaa oo leeyahay ha la laayo.  Gandaal markuu dhagaystay gabaygaa ayuu ka jawaabay.  Wuxuu ii sheegay Gandaal inay ka gaabsadeen Dheeg iyo Banfisba inay ka jawaabaan gabaygan ah Digasho.  Wuxuu yidhi Banfis haddii SomaliLand la aqoonsado ayunbaan jawaabi doonaa haddii kalese afdhabaandhaw iyo aamus ayaan laasimi doonaa.  Gandaal wuxuu ku bilaabay:

  • Daahiyow naxwaha dooran iyo, dararta maankayga

  • Inaan tiriyo deelley haddaad, iga durraamayso

  • Anigoo dariiqeeda marin, da’ iyo wawgeeda

  • Delqaafna gabay waa dilaa, daa’imaan garane

  • Dalba juuco anigoon ku darin, iyo danbaab toona

  • Waa inaan halkay daaran tahay, daw u mariyaaye

  • Ka durduurta waa taad mudaba, iga dalbayseene

  • Murtiduna duddeey leedahiyo, degalo reeroode

  • Oo taariikh da’ weyn baa jirtoo, laga dab qaataaye

  • Suugaantana ragbaa daabacoo, galiyey diiwaane

  • Iyagaa danbaab lama hadlee, helay dunteediiye

  • Janadooy dabaashaan ayaan, ugu duceeyaaye

  • Waa inaan dariiqay maraan, deleb u oodaaye

  • Ruuxii maanso iga doonayoow, doobke soo cule dheh

  • Halkuu Raage soo dumi jiriyo, diricii Wiil Waal dheh

  • Danabkii Qamaan iyo siddii, deeqdii Cali Dhuux dheh

  • Isagaa dafiray oo ku qiray, durriyad gaalaade

  • Sayidkii Isaaq duri jiriyo, Camanje deexdii dheh

  • Ina Dage dabuubtuu hadliyo, Galayax doodii dheh

  • Dubbad Hiirad Ina Beenaleey, dahabkii Qoorleex dheh

  • Dabkuu Keenadiid shidi jiriyo, dirir Sharmarkaad dheh

  • Raggii soo dalxayn jiray anoon, daraf ka gaadhaynin

  • Shamso duhurkii joogtaan marnaba, dacal la saarayne

  • Anigiyo da’dayoo hor kici, magaca Daarooda ah

  • Dawacooyinkaa waashay iyo, dabargo Iidoor dheh

  • Kalmadaa dambaysaan khalqow, daah ka rogayaaye

  • Abwaankii dardaarmayi maruu, hadal ku deeqaayey

  • Wuxuu yidhi dambaab iyo marabo, doqon wareerkeede

  • Hadduu doobke buuxsamo inuu, daato waw halise

  • Caqligaa dabool laga gashaa, duul hadduu lumiye

  • Dulucduu tilmaamiyo halkuu, eraygu daadaayo

  • Inuu hadal da’weyn yahay, waxaa daliilkiiya

  • Iidoor dabacayuunkaa naftii, dalow ka laalaadshay

  • Waa waxaa daroogada cabbee, dawlad weerara e

  • Sayidkoo dabeecooyinkii, dib uga faalooday

  • Wuu ku daray dadnimo gaaladoo, duray wadaagtaane

  • Ingiriisna waw dadab gashaan, dumar siddiisiiye

  • Diintana waxaa uga macaan, doolar iyo jade

  • Deeqlihii na uumaad afxumo, damug ku siisaane

  • Kolkuu gaal dibbiro weyn lahoo, diircad faranjaad ah

  • Ama duuban oo diiran oo, daranta kuu sheego

  • Dumar iyo raggiiniiba waad, daba nashlaysaane

  • Dabaxoodh dallada aad qabtana, waa dab iyo naare

  • Afartaa da’diyo wawga iyo, dig iyo hiinraag dheh

  • Kalmad baanse doondoonayaa saad, u daristeene

  • Doqonyohow iblaysyahow waxyahow, daacufyahow heedhe

  • Adigoon dalqada gaadhin oon, labada daan buuxin

  • Dabargoynta Daarood markaad, dooda marinaysay

  • Ma daandaan sarqaan baad ahayd, daaca qudhunkaaga

  • Duniduba waxay soo dhisnayd, tan iyo duudkiiye

  • Soomaaliyina degaan bay ahayd, deris aqooneede

  • Haddii aan denbaab iyo la rabin, hadal dantaa mood ah

  • Daarood Ismaaciilku waa kii, ku daabaxaye

  • Dabar iyo hoggaaniyo intuu, dawlis kugu jiiday

  • Markii aad dibiro fuurtayeey, dee abtiyow yeedhay

  • Ee aad degelka laalaadisay, kaa debcinayeene

  • Kolkaasaad darmaan noqon jirteen, lagu dekeeyaaye

  • Hadal doqon riyoodaa jiroo, dawyo kaa rido e

  • Intaas oo danqaabo ah markii, lagu dabaalsiiyey

  • Dabargoynta maanta ah maxaa, shalayba kuu diiday?

  • Caqligaa dabbaashiyo ku jira, damug madoobaadka

  • Dawdarnimadu waataad ahayd, dabacayuunow e

  • Bal inaad daroogaysan tahay, daadufnimadaada

  • Adigoon dalkaygii biyaha, kugu durduursiiyey

  • Dawo nabad adigoon dorraad, derimo kuu yaacshay

  • Iidoor samo ma deeqee adaa, doonay aakharo e

  • Absamana dagaal wuu yaqaan, waana duul gob ahe

  • Dereftii sokeed weerarteen, dacar ma kuu loogay

  • Geela deyrta noo dhalay adaan, kaa dareersadaye

  • Wax dhanbaad na daayaay ergada, dumar ku keenteene

  • Annaguna dad iimaan lehoo, diin leh idin moodnay

  • Waxse aan lasoo doorin karin, waa dabeecadda e

  • Durdur iyo dabaaliyo hadduu gelo, tog daadaaya

  • Doofaarbaa ma daahiro la yidhi, daa’in abidkiise

  • Adna dabacayuun waad ahayd, duri nijaasaade

  • Dalqo weerar duul ku gala iyo, dil mooyaane

  • Dib inaanan kuu aaminayn, geli dubaaqaaga

  • Afartaa da’diyo wawga iyo, dig iyo hiinraag dheh

  • Todobaatan deyr guuradii, dabacayuunleyn dheh

  • Lafaruug dabkaan gelin jiriyo, doon Magaal Buro dheh

  • Docda Geri derbigan aan la marin, Leylkaseha duuban

  • Awrtablaha diyaarka kuu ah ee, diiradlaha haysta

  • Gelimays durduradii horeba, dalawo kaa yeela

  • Mareexaan dabaabado watoo, dubaya jiidhkaaga

  • Harti deex badeed iyo Nugaal, Doh iyo Ciid yaala

  • Absamuhu dariiqaad martaba waa, wad kuu dumane

  • Duda xidhantay waa reer tolkay, danabka yeedhaaya

  • Doqonyohow iblaysyahow waxyahow, daacufyahow heedhe

  • Daasadyahay duleeshee caqliga, daxalku naafeeyey

  • Duqan Ina Siyaad eed intaa, buuq ladaba joogto

  • Isagaaba daayada hayood, dabac ku maashaaye

  • Danbaskaaban kaa dhigi lahaa, duhur dharaareede

  • Dal Soomaali Kirishtaan degana, waa habeen dumaye

  • Ingiriiskii duug hore ku furay, daacinimadaada

  • Mar labaad hadduu dahab ku siin, xillana kaa dooni

  • Saddexdii dalaaq ee kufriga, doono waad heliye

  • Siilaanyana waatuu daas u galay, doora weynaha e

  • Idinkuna ka dabaguura oo, Ferenjigii doonta

  • Doqonyohow iblaysyahow waxyahow, daacufyahow heedhe

  • Adigaa dalkaagii guboo, dawdar waalane ehe

  • Iidoor darmaday waa siddii, ficil dameeraade

  • Labaduba hadday doog cunaan, way durduriyaane

  • Adigoon dabayshiyo akhriyin, saynis dibadeedka

  • Malab kuu daboolaa adaa, daadshay caanihiye

  • Kuwii diinta soo caayi jiray, diiradlaa cunaye

  • Darandoori aarmiga markaan, kugu daryaansiiyey

  • Tusbax ay duntiisii go’doo daatay, lagu moodye

  • Degeladda Burcaad iyo Cadaad, dul iyo Sheekheeda

  • Daallo iyo dixdii dooxa iyo, labada daamoodba

  • Doqon lagama waayiyo Bunbuluq, Daani agaheeda

  • Waxa meyd dibiray ee bal eeg, Dabacayuun yaalla

  • Dad qaxootiyoo kaa mudnaa, duunyo wada qeybsi

  • Nasab baa illeen daa gartee, daalinimadaada

  • Dibindaabyo beeniyo intaad, waran ku daabaantay

  • Imisaad u doolaabiseen cay, dadano weyn leh

  • Nabsigaad daduubtaye aduu, daaska kuu galaye

  • Ma dagaag qaxootaad Jigjiga, gaadhay darafteeda??

  • Ma daaduuntay adigoo dango ah, duuf ma kugu raagtay

  • Ma dudadii Absame Kuumadaad, dawarsi xeel mooday

  • Ma galley dukhaanluu Amxaar, dabaqa kuu saaray

  • Ma daacuun caloolaad daf tidhi, duugtii baa badatay

  • Allaylehe dulliga aad qabtaan, dane abaalkiina

  • Didmo fagaxda daaraanbajiga, mari dadkaagi idheh

  • Budhcadnimada qaadhicu-dariiq, dibisu faalaynta

  • Dalanbaabka beendaajintiyo, dowlad baan dhalinta

  • Qarow ay dabayluhu wataan, qaar u dana moodka

  • Dibnihii iblayskee afxumo, eed dusha u fuulka

  • Duuroow gubo dareemooy hulaaq, oo dalkaan gubida

  • Madareeme dabinkuu ku dhici, sibiq u daalaynta

  • Iska duminta daartuu lahaa, dan iyo maal waaga

  • Darib iyo baruur daadintiyo, sogob dawaalaynta

  • Digomadhadka yaa ii diriyo, dib u shalaytoodka

  • Ku dambaysay daal kugu batiyo, baahi daba dheerta

  • Daqsi guradka dooryaan cunkiyo, duunyo gororaynta

  • Oon la dariska baraagtii darkiyo, dumiye haradii dheh

  • Dac la jiifka indhahoo dam yidhi, meyd dunbuluq yaalka

  • Kugu digadka Daarood iyo Hawiye, doqonoow yeelkaaga

  • Dir ku nacay Shariiftaa warmaha, kugu daruuraynta

  • Soomaaloo difaacdoo xornimo, sharaf ku daanshoonta

  • Dawacooyinkaa waashay iyo, dabar go' Iidoor dheh

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.