Home

Maxamed Cabdullaahi Gandaal

                                                                                  Kadeed

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 

1.      Ummadaan iyadu keensaneen kibirku aafaynin

2.      Illaahay kadeed iyo ma bado keenan oo kale

3.      Cudurkii kalaa loo cunaa dawo kaniinkeede

4.      Kaankaraha qabiilkaa na sudhay keene xadhig wayne

5.      Kolkaasay karaamadii luntiyo kaalin dawliya'e

6.      Intii aan sidaa loo kambalin sharaftii kaar booday

7.      Laakiinse koolkoolintii kala jab soo muuqday

8.      Abwaanadu kasmiyo waano badan way kardhanayeene

9.      Ka daayaay wax badan baanu nidhi waagii kibirkeeye

 

11.  Hayeeshee kir bay nagu dhaheen diidmo kari waaye

12.  Kolkaasay karkaaradii jabeen kaalin nabadeede

13.  Culimadii kitaabtii nacdoo ride kalaashkoof'e

14.  Ninba meeluu kayn qiil u rabay ula kac diintiiye

15.  Oo waliba kalaamkii Fircoon yaa u kaatibahe

16.  Markaasay kardhaaladii shubeen dhiig kankoonsamaye

17.  Ilaahii kitaabkii Furqaan keenayoow mahadle

 

19.  Kufaarkii Fircoon ee Alliyo kaamilnimo sheegytay

20.  Biyo aad ku amartuu ku goay oos kabaday naare

21.  Ogaanayoo faluu keensadaa baday kadeedkaase

 

23.  Kama duwana Soomaalidani tay ku kacayaane

24.  Ruux waliba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay

25.  Kala soocda adigoo na marin qofiyo kiiskiisa

26.  Malaa’igo katiinado watoo kood nawada taaga

27.  Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo amartid

 

29.  Ku kastaba ka kale waa ka daran kiilka aafadae

30.  Kursi doonad koox uu watiyo kaligii noolaade

31.  Kuwii xabsiga iyo kooladoo sidii komaandoos ah

32.  Kuman jirriya kuman aan la garan kuman ashaamuuda

33.  Kuman jidhaca kuman dool ah oo wada karaahiyaa

34.  Kuman dumara oo qaatilada soo horkacayaala

35.  Kumanyaalo keebkaa hayoo kaga kadhsiiyaala a

36.  Kumanyaal kashiid iyo la baxay kaalax iyo moori

37.  Kumanyaal kabada dhiiga kulul waa ka aadmiga e

38.  Kumayaalo aan kala jeclayn kowsar iyo naarta

39.  Kudkude iyo kutaaniyo dawaco aafo kala kaan ah

40.  Kuman sixira kumanyaal asma ah faalka kuman sheega

41.  Kun walibana usii jeelan yahay reeruu kadab gooyo

42.  Intaasoo kun baa nagu tartami kaa anaa diliye

43.  Hadba kii nahaystaa ratibi koox dad laysyo ahe

44.  Kawaanada dadkaa maydku yahay sida karoorkaase

45.  Soomaaliya kadeedkaa qabsaday kala jabkaa gaadhay

46.  Carabkayga kuma koobi karo kaarka aafadae

47.  Illaahii kitaabkii Furqaan keenayoow mahadle

 

49.  Kufaarkii Hitler ee dunidan weerar ugu kooray

50.  Ka samayso Eeboowna yidhi keer anaa rogane

51.  Xoogguu ku faanees dunidan ugu kardhoobaayey

52.  Baraf aad kor saartuu ku lumay saacad kaligeede

53.  Ogaanayoo faluu keensadaa baday kadeedkaase

54.  Kama duwana Soomaalidani tay ku kacayaane

55.  Ruux kastaba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay

56.  Kala soocda adigoon na marin qofiyo kiiskiisa

57.  Malaa’igo katiinado watoo kood na wada taaga

58.  Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo amartid

 

60.  Been la korin runtiiyoo kambadhan ama la kaayaayo

61.  Karadha kakada boodka kawkabtaa badatay

62.  Kansho beelka kaadsiinyo lumay miyirkan kayr kayray

63.  Kadlo orodka kaynaan rucla ah kaalmo ladi waaga

64.  Kufsashada saqiiradan karsamay waalid kala jeexa

65.  Kala cararka kaymaha la gali kala qabiil sheega

66.  Kuman la dilay kumanyaal la dhacay kumanyo naafoobay

67.  Kuman waashay kumano uu mas cunay kuman ugaadhoobay

68.  Kuman firxaday oon lahayn kab iyo raad toona

69.  Kumanyaal qaxootiga ka galay Kenya iyo Xayle

70.  Kumanyaal godoomoo aysan jirin kaalin lagu sheego

71.  Soomaaliya kadeedkaa qabsaday kala jabkaa gaadhay

72.  Carabkayga kuma koobi karo kaarka aafadae

73.  Ilaahii kitaabkii furqaan keenayoow mahadle

 

75.  Kufaarkii Namruudee kas xumo kibir la maan beelay

76.  Waadigii kaneecada u diray kalow sankiisiiye

77.  Isaguna kurkiisii jaree kaw markaa yidhiye

78.  Ogaanayoo faluu keensadaa baday kadeedkaase

79.  Kama duwana Soomalidani tay ku kacayaane

80.  Ruux kastaba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay

81.  Kala soocda adigoo namarin qofiyo kiiskiisa

82.  Malaa’igo katiinadoo watoo kood nawada taiga

83.  Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo kicisid

 

85.  Kanaa dhadig kanaa dhalahayiyo kani irmaan weeye

86.  Xoolo aan lakala soocinoo biri ka ciil beeshay

87.  Warshadahan la kala daadiyee karinba ruux qaatay

88.  Kansi iyo dadkii beerayoo kud iyo kaar leefay

89.  Sal kakaca nabaad guur kulayl rarankan kaaraaya

90.  Kambadhuudhka gaajada dadkaa caydha kadalooba

91.  Red-karoos waxay keentayee kaalmo aadamiya

92.  Ku wax cunay iyo kuu guray oo kob wada geeystay

93.  Ka xadiyo ka qaad iyo dhurwaa kicisay ciiryaamo

94.  Intaasaa u wada kaalmatoo kiilo ma helaane

95.  Illaahii kitaabkii furqaan keenayoow mahadle

 

97.  Kuwii Qawmaluud ee fisqiga kow la marag   qaaday

98.  Waxay kula kacaayeen martida kaafirnimadooda

99.  Waadigii ku rogay fiidanee galiyey foolkaane

100. Kama duwana Soomalidani tay ku kacayaane

101. Ruux kastaba xumaantuu kasbaday oo kafado saartay

102. Kala soocda adigoon na marin qofiyo kiiskiisa

103. Malaa’igo katiinado watoo kood nawada taaga

104. Illaahii kurbada faydayoow maad ku soo kicisid

 

106. Balaayadii la koolkooliyee loo durbaan kiciyey

107. Ninba kiishkuu hoorsadiyo qaaday kalaxiiye

108. Kii qabiil la kabaraadi jiray maanta kaligiis dheh

109. Wiilal koox ah kii haysan jiray maanta kaligiis dheh

110. Kitaab iyo ninkii diin lahaa maanta kaligiis dheh

111. Karaamiyo ninkii wali ahaa maanta kaligiis dheh

112. Midkii lacagta kaashayn ogaa maanta kaligiis dheh

113. Kiro qaate kii guri lahaa maanta kaligiis dheh

114. Ku raaxayste baabuur kontana maanta kaligiis dheh

115. Awal hore kaldhaamay ahayd laba ka koobnaaye

116. Afartii kabaal baa hadeer kaamil loo xidhaye

117. Sidii roob kalkiisii galoo kiciyey uugaamo

118. Maantaba Kismaayey sidii karar u hoortaaye

119. Kama duwana Baydhabo haday sii kadaalido e

120. Hiiraana koortii sudhnayd waatan kololo’ayne

121. Koongareeska Mudugee sharqami kulantay  Ceelbuure

122. Raaskaambooni iyo kaybkii Casayr kaarkii Xamar Weyne

123. Balaayadii kol wada taabataa ololin Kaaraane

124. Markaan nabada koomaalooy kaamil noqotaaba

125. Kanaakhuudayaal fidmada kooliyaa yeedhin kabankiiye

126. Kolkaasay baladu kaakacdaa kowna noqotaaye

127. Annaguna kax baan taaganahay kama danbaystiiye

128. Ilaahii kitaabkii Furqaan keenayoow mahadle

129. Adaa kara adaa kaamilooynan kugu adkaanayne

130. Koonkiyo makhluuqaba adaa uumay kaligaaye

131. Ka shalaaytadoodee jabiyo wixii kadeed gaadhay

132. Bal inay kol kale duul noqdaan kasmo garaad yeesha

133. Ama ay kol kale duul noqdaan kabaya dhuuxooda

134. Ama ay kol kale duul noqdaan diinta kor u qaada

135. Kalgacaylkii Soomaaliyeed ood meel isugu keento

136. Yaan Illaahii kurbada faydayoow kaa codsay maanta

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.