Home

Aniga iyo Qabiil

                                                                               Cumar Cabdi-Nuur Nuux

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Gabaygaan waxaa tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux (Nabaddoon) taariikhdu markay ahayd 19/10/2003. Gabaygu waa dood dhexmartay Nabaddoon iyo Qabiilka(Qabyaaladda). Wuxuu dacwad ku soo oogayaa qabyaaladda, isagoo caddeynaya dhibka ay u geysatay qarankii Soomaaliyeed iyo jiritaankii ummadnimo. Dhanna wuxuu tusaaleynayaa sidii hagar la’aanta ahayd ee qabiilka loogu hagar baxay iyo sidaan wax looga dheefin. Waxaadse mooddaa in dooddu ay laba geesood tahay oo la ismari la’yahay. Gabyaagu 'aniga' wuxuu ula jeedaa qofkasta oo Soomaali ah oo qabyaaladda u hagar baxay waxse aan ka dheefin.  Wuxuu ku bilaabay:

 

  1. Anigiyo qabiil baa dacwiyey, oo isqoonsadaye

  2. Qaran li’i, jabbaad geysatiyo, qax iyo aafaade

  3. Qaruumaha halkaan uga jirnaa, qaawan sababtaaye

  4. Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?

 

  1. Qalin iyo tacliin baa ummadi, qaran ku taagtaaye

  2. Qoraal iyo xisaab waa horaa, qiimahood tagaye

  3. Qori baa baddalay oo ma helin, qalin caruurtiiye

  4. Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?

 

  1. Dhaqaalahii markaad wiiqdayoo, qiimihiis jabisay

  2. Qol markaad ku ooddee dadkii, qaarba dhinac aaday

  3. Qaran hawshii uu qaban lahaa, adigu aad qaadday

  4. Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?

 

  1. Magaalooyinkii qurux badnaa, dhowr qarniyo saa’id

  2. Qaar adigu aad dumisay iyo, qaar darxuma liita

  3. Qalbigeygu wuxuu diidayaan, qeex u tabiyaaye

  4. Qabri iyo shaneemays dhexyaal, baa lasoo qoraye

 

  1. Qaanuun magaaliyo ma jiro, qabasho hawleede

  2. Qashinkiyo muddaan laga sifayn, qurunka awsaakhe

  3. Qaaxiyo tifoow baa ku dhacay, qumman xariirtiiye

  4. Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?

 

  1. Qaraabiyo xigaalaa is nacay, Qabiiloow owgaaye

  2. Qoys nabad ku seexdaa dartaa, loo qarxinayaaye

  3. Qolo aan cidnaba eed ka galin, baa laqalayaaye

  4. Qiyaamaha miyaan kugu aflixin, waaban kaa qadaye

 

  1. Qabiil yiri qabiiljecel anaa, qaatay hadalkiiye

  2. Qadaf uma muraadee runtaan, kuu qabbirayaaye

  3. Qardajeex adaa lalahayoo, qodaya hoobaale

  4. Qarankii intaad dumisay baad, igu qarweysaaye

  5. Qaladkaaga aan kuu sharxee, qaado taladeyda.

 

  1. Qabiilkaaga waxaan ahayn, adaa qoonsadoo nacaye

  2. Qoriga iyo banbaanada adaa, qaadayoo sidaye

  3. Qabqablaha adaa dabasocdoo, qaatay taladiise

  4. Qabiilkaba inaad adigu tahay, saw ma qiraneysid?

 

  1. Qur lagooyo qurbaa loo jaraa, waana qowl dhabahe

  2. Qur’aankay ku taallaa oo ma aha, hadal qabiileede

  3. Qaanuunkii Ilaah adaa diidayoo, qaab kalow maraye

  4. Qisaas bay aheyd inaan kuu baxshoon, qoorta kaa jaro’e

 

  1. Qurbaha iyo adaa aadayiyo, qurun shisheeyaahe

  2. Qabqablaha adaa taabayoo, quud usoo diro’e

  3. Qaaraankana adaa soo wadoo, qasaya deebaaqe

  4. Qabiilkaba inaad adigu tahay, saw ma qiraneysid?

 

  1. Qarankaan hoggaan adag lahayn, qolana eexeysan

  2. Qawaaniin hagtana loo astayn, waa qadhoodhabo’e

  3. Mar haddaad ku qanacdeen middaas, qaabdariyo ciilka

  4. Maxaan kuu qabtaa saw adigu, xumo ma qoondeysan?

 

  1. Qabiiljecel haddaan ahay dadow, iga qiyaas qaado

  2. Qabiilkayga waataan u shubay, dhiig qabow badane

  3. Qorfo aan cid joogin iyo u maray, kaymo qoofalane

  4. Qofkastoon quwaax iyo aheyn, qolada aan sheegto

  5. Qarqarsiga ku jabi baan lahaa, qoon xun weeyaane

 

  1. Hadii maalka qaran leeyahoo, talo la ii qeybsho

  2. Qobka iyo dushaan uga ekaa, qaa’im araggiise

  3. Qofkii anigu aan wadiyo qofkii, igu qabiil sheegta

  4. Qurqurada uddaa baan lahaa, yaan lagaa qabane

 

  1. Haddii labo qoloon deris aheyn, qow isaga saarto

  2. Halkii aan masloxo qaaliyiyo, qaban lahaa kheyrka

  3. Qori qiiq leh baan dhinaca kale, uga qabtaa cowse

  4. Intii ay qitaal ba’an wadaan, waan qoslahayaaye

 

  1. Intaasoo qariyo buur xuniyo, qac iyo baaruuda

  2. Qabiilkayga awgiis haddaan, qaran u naafeeyey

  3. Tub kastoo qalloocana umaray, qolada aan sheegto

  4. Qaxar iyo dhib baa iga qabsaday, waana qirayaaye.

 

  1. Qamuunyoodayeey yaa mar qura, qarankii ii ceynsha

  2. Qarqaryada i haysana mar qura, iga qayoodsiiya

  3. Qabiil waa dhibaatee yaa bulshada, uga quraan saara

  4. Qaladkiiyo xumihii aan galnana, qariya oon sheegin

 

  1. Qoladaan difaacnoo in badan, qaran u miineeynay

  2. Qarni iyo bar qoladaan darteed, dibugu saan qaadnay

  3. Wax kastoo qurxoon iyo wixii, ummadi qiimeyso

  4. Qabiikaan daraaddiis xumaha, samanno qoosheynay

 

  1. Qofkii iga dambeeyow murtidan, qaado waa dhaxale

  2. Qaran iyo qabiil kala duwoo, haysku hoos qarina

  3. Qalad iyo xumaan kala saxoo, hays qaddoodilina

  4. Qorraxdiyo mugdiga yaan midkeen, qiil isugu keenin

 

  1. Qawlkii Ilaah raaca oo, nabadda qiimeeya

  2. Abuu qaasim xeerkuu dhigiyo, qaata taladiisa

  3. Qufraan Eebbe weydiista oo, jooja qalalaaska

  4. Qiyaamaha xisaab baa jirtiyo, qamaci naareede

  5. Qof walboow naftaadaa qabriga, kali laguu qaadin

  6. Qosol iyo baroor baa mid uun, qowlalada jeexin

  

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C. Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.