Home

Cabdi-Galayax

                                                                             Ammaanta Geela 

16-Hal
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

1.      Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo

2.   Barrimada caleentana leh haddaan, bariba meel geeyo

3.   Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo

4.   Bartuu fadhan ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido

5.   Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado

6.   Goortii ay bogsootana haddii aan, badhika fuudsiiyo

7.   Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane

 

8.   Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho

9.   Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo

10.  Haddaan baytimaal kuma gashee, Buro xannaaneeyo

11.  Inay bulanto mooyee haddii, bixinta loo diido

12.  Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin

13.  Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado

14.  Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo

15.  Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo

 

16.  Waa baxarka gelee haddaan, bidho ku haaneedo

17.  Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda

18.  Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo

19.  Bun haddaan u dubo oo wadaad, baro ku yaasiimo

20.  Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo

 

21.  Oon baagamuuddiyo u huro, inaan ka baashaalo

22.  Bandarada magaaliyo haddaan, balad u moogaado

23.  Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo

24.  Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabadhka baabuurta

25.  Haddii anan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro

26.  Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado

27.  Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo

 

28.  Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo

29.  Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo

30.  Goortay cabbaar biliqsatay, meel isbabacdaaye

31.  Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento

32.  Bisinkiyo haddii aan u maro, baabaddii nabiga

33.  Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido

34.  Bishaaraan idhaahdaa intaan, bururo reynreyne

35.  Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo

36.  Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo

37.  Saw badashadiisu waa waxyare, boqol ma dhaafaayo      

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.