Home

16-Hal  

                                                                             Cabdi Galayax 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Gabaygan abwaanku wuxuu tiriyay waqti uu in muddo ah ka go'ay tirinta maansada dabdeedna lagu daraaway.  Wuxuuna yidhi:

 

  1. Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayahane
  2. In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene
  3. Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene
  4. Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye

 

  1. Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore’e

  2. Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin
  3. Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago’e
  4. Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila
  5. Iyo Oday guxuushaaya baa, guusha loo simaye
  6. Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye

 

  1. Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene

  2. Haddii aan garwaaqsaday intaan gu’ iyo Waa Joogay
  3. Nin gaboobayoo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye
  4. Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale’e
  5. Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye

 

  1. Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye

  2. Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba
  3. Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye
  4. Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka
  5. Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede
  6. Gelin dhexe habaynkii wardaan, guri’a Laylkiiye
  7. Nin ilaah u go’ay baan ahoo wa uga gaabsadaye

 

  1. Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo

  2. Inkastoo barkood go’ay naflaha, geeri bow imane
  3. Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole
  4. Galka Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda
  5. Gooddiga Hargaysiyo intii, Guban ka hoosaysa
  6. Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda
  7. Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya
  8. Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay
  9. Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye
  10. Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada’e
  11. Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye

 

  1. Nin gurbooda lama qayr san karo, guun haddaad tahaye

  2. Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya
  3. Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda
  4. Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo
  5. Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye

 

  1. Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye

  2. Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide
  3. Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go’ye
  4. Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye
  5. Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane
  6. Anna goor dhow baan filahayaa, goof la’ii qodo’e
  7. Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye

 

  1. Markaan gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay

  2. Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay
  3. Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey
  4. Haddii  anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo
  5. Inaan faa’ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye

 

  1. Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin

  2. Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin
  3. Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin
  4. Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise
  5. Inaan galala’diisu I anfacayn wawga gaabsadaye

 

  1. Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye

  2. Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya
  3. Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe
  4. Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye

 

  1. Adduunyadaba gaasiran ninkii, gaan ahaan jiraye

  2. Ninkii gacanta lala yaaci jiray, waa gabbanayaaye
  3. Ha yeeshee gadaal niman dhashiyo, gaacufyaa kacaye
  4. Anba gabay ragbaa igu qabsaday, iina gooddiyaye
  5. In adduunku gaafaysi yahay wawga, gaabsadaye

 

  1. Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey

  2. Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya
  3. Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday
  4. Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye
  5. Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine
  6. Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare
  7. Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye

 

  1. Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe

  2. Goshay xiran jireen …maryaha loo garraarsado’e
  3. Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene
  4. Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe
  5. Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere
  6. Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane
  7. Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye
  8. Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene
  9. Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye

 

  1. Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa

  2. Sayidkiiba geel iyo lo’ iyo, godol wuxuu haystay
  3. Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey
  4. Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey
  5. Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay
  6. Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray
  7. Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay
  8. Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay
  9. Gegi buu ka taaganaa cid la’ah, maalintuu go’aye
  10. Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede
  11. Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye

 

  1. Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage

  2. Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo
  3. Gantaalaha Malagii haystay iyo gamaska mawdkayga
  4. Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye
  5. Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye

 

  1. Inkastoon gu’yaal badan cimriga, gelimo sii joogo

  2. Maraan go’aba Mawdkii rabbaa, ii gadaal imane
  3. Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone
  4. Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo’e
  5. Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye

 

Waxaa noo soo diray Daahir Caaqil.  Mahadsanid.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.