Home

 

Bah Dir Rooble

                                                                        Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 

Majeerteen iyo Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo difaacayey Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan laf-dhuungashay ku noqday:

      1. Majeerteen majnuun inuu yahaan, marag u haystaaye     

2. Waa niman masakhan oon ahayn, midhaha Daaroode

3. Waa niman siddii Moolaadhabe, miciya dheerdheere

 

4. Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe

5. Waa niman lafaha mudhuxsadoon, muruqna reebayne

6. Waa niman haddad min u furtoo, malab durduursiiso

7. Ama aad maqaarreyda geel, xero u meegaarto

8. Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne

 

9.    Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay

10.  Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane

11.  Waa niman madaal inay baxshaan, loogu muhanayne

 

12.  Waa niman haddaad gabadh markab ah, maqaasiinka u geyso

13.  Wuxuu fiidka horre mayracoo, marakabeeyaaba

14.  Waa niman masaladood jabtoo, hooyadood mira e

 

15.  Waa niman misciliisha ugu jira, sina u meerkeede

16.  waa niman candhada laga maraa, milil ka dhiiqaaye

17.  Waa niman maruubada la’oo, minidu dhaaftaaye

 

18.  Waa niman siddiii mowle bahal, laga mareertaaye

19.  Waa niman mareeg lagu dabraa, sida maliid awre

20.  Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane

 

21.  Waa niman margigu siiban yahay, iyo mataanuhuye

22.  Waa niman macaankii jannada, meel aan ku lahayne

23.  Waa niman futadu maastahoo, duud maloogna ahe

 

24.  Waa niman miskaha lagala dhacay, qaare madax weyne

25.  Waa niman minjuhu ay yihiin, miiqan taag darane

26.  Gabaygaa ha laguu maadsadee, mariya oo geeya

27.  Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha

28.  Nimankii makhaayadaha fadhiyey, naga mihiibsiiya

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.