Home 

Sayid Maxamed vs. Cali-Dhuux

 
 
 
 

Cali-Dhuux Aadan Goroyo wuxuu ahaa gabayaa laf-dhuun-gashay ku noqday jihaadkii iyo halgankii gobonimodoonka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan kaga soo horjeeday Ingiriiska, Amxaarada, iyo Talyaaniga.  Wuxuu Cali-Dhuux caadaystay inuu diradireeyo collaadna ka dhex abauuro Soomaalidii Sayidka gacansaarka la lahayd ama kuwii Daraawiista taageri jiray iyo qabaa’iladdii kale ee Soomaliyeed.  Wuxuu mar walba isku dayi jiray inuu tolkii, Dhulbahante, ka hor keeno Sayidka.  Laakiin sida Soomaalidu ka war qabto, Sayidku wuxuu ahaa nin raganimada meel cidla ah u taagan oo aan geesinimo, garasho, gabay, cilmiga diiniga ah, deeqsinimo, iyo aftahanimo cidna ku haysan, Cali-Dhuux iyo kuwa Ingiriiska dabadhilifka u ahna meel iska mariyey.  Sidaa oo kale Sayidku wuxuu ahaa hogaamiye gacan adag oo qofkii cadowga usoo raaca abaalkii ka waraabiya markii uu u gacan galo.

Sidaa awgeed waxaa la sheegay in Cali-Dhuux aad uga baqi jiray Sayidka dakanada uu ka qabo Daraawiista iyo halgankaba darteed.  Waxaa la wariyey in Cali maalin maalmaha ka mid ah aflagaadeeyay Sayidka iyo ciidmadiisaba, dabadeed Sayidka qadafkii Cali la gaadhsiiyey.  Sayidka ayaa dabadeed Cali u faray fariin kooban oo aan hadda ka hayno:

Rabboo ku caynshiyo annoo, ku cafa mooyaane
Wallee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle

Oo caadhkii weynaa hablihii, ku catirayn maysid

Waxaa la xaqiijiyey in Cali markii fariintaa la gaadhsiiyey uu u qaxay Burco oo markaa gacanta gumaysigii Ingiriiska ku jirtay oo uu ka xamaan uruursaday Buuhoodle, Ingiriisna miciin biday.  Ilmo adeero waa intii is taqaana ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa,  Cali aad ayuu Sayidka u laab ogaa wuxuuna hubay in Daraawiishi qisaasi doonto haddii ay Buuhoodle kusoo gaadhaan.  Meelo badan ayey Sayidka iyo Cali gabay isku weerareen laakiin Cali wuxuu mar walba ku dadaali jiray in Sayidka iyo aagii lagu sheegaba uu ka warwareego oo aanay fool ka fool isaga hor imanin.

Hoos waxaan kusoo qaadanaynaa laba gabay oo ay Sayid Maxamed iyo Cali-Dhuux is dhaafsadeen.  Cali ayaa ku horeeyey oo isaga oo Sayidka qadfaya, Dhulbahantena doonaya inuu Daraawiish ku diro wuxuu yidhi: 

 

...

Abtiyaalladaa iyo ku nece, ururtii Reer Khayre
Arboow Jaamac iyo Aadaniyo, Oogle kaa tage e
Waxaan uubateeyaba tolkey, oodda soo jebiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka ma ahayne
Waa uur gaslow Aadan-dhagax, odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa, eyda Reer Xamare
Arxan nimaan u gelihaynin, oo ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa'ilaye

Sayid Maxamed Cabdille Xasan wuxuu ahaa maanso ruug aan hadalka loo qarin karin aadna u il dheer oo mid walba oo maanso is bida tub cidla ah qaadsiiya.  Wuxuu Sayidku ku jawaabay:

Aw Yuusufow eray yar baan, ku erginaayaaye
Hadduu Eebbaheey kuu idmood, ururta weyn gaadho
Ikhwaanow adkee xaajadaan, kugu ammaaneystey

Ku ansixi halkii aan ku idhi, aadna ugu fiirso
Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iidoora
Ogaadeen haddaan ahay dad, wow amar sareeyaaye

Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashimiye
Abtirsiimadey waxay gashaa, odayo waaweyne
Halkaan ugu arooraana waa, odayga Daaroode

Rasuulkii udgoonaana waa, ina-adeerkay e (csws)
Sayidkii Axmed ahaana, way awow runna ahee
Ibraahiin Rashiid aabbahay, odaygii weeyaane

Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanaayaye
Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta
Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaayaaye

Adiguna Abbaanow midgaan, uraya sow ma ihid?
War sow kii Illaahay nacee, eyga qalay ma ihid?

Allaahu akbar eedaanku waa kaa af iyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa ehelu naarkiiye
Ubbo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede
Asaxaabihii olol ku dhace wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro werdigu kaama orodneene

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.