Home 

May nala garaacaan kufriga

                                                                             Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 

Gabayada Sayid Maxamed kuwa aan ugu jeclahay waxaa ka mid ah gabaygan hoose oo aan in yar uun ka helay.  Wuxuu kula hadlayaa Soomaali, wuxuuna dareensiinayaa inay lama huraan tahay inay gumaysiga iska kiciyaan. 

Sidii isagoo gaadh ah inuu hurdo ladi waayey oo kolkii uu indhaha isa saaraba uu gabay lasoo booday, in dhulkii Soomaaliyeed gumaysi qaybsaday iskuna balaadhiyey, in gumaysiga dalkoodii hantiyey yahay mid xun oo aan gudnayn, bakhtiga hiiga, khamradana ka laaca ayuu Soomaali dareensiiyey. 

Gumaysiga noocaa ah ee abaalkiisu yahay xarbo iyo dagaal sideebaad guno uga qaadataan oo aad garab u siisaan ayuu ku dhaliilay tolalkii iyo shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee cawaamka u ahaa Ingiriis. 

Haddii ay guul doonayaan, maal iyo haddii ay hanti adduun doonayaan iyo haddii ay janno doonayaan intaba inay tahay inay xarunta Daraawiishta tagaan jahaadkana galaan ayuu ku caraabiyey.  Allow janatul-fardowsa ku gee.  Wuxuu yidhi Sayidku:

  • Xalay gelin dhexaadkii  miyaan, gudub usoo booday
  • Sida nimanka gaadhka ah miyaan, gabay ku soojeeday
  • Garaad laawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay

 

  • Goonyaha miyaan dayey kufriga, ina gabraaraaya

  • Gaalkaan gudnayn ee cirradu, guudka ka caddaaday
  • Asaad gudaha geedaha ka baxay, guri cidla’a moodo

 

  • Oo uu gasiinkiisu yahay neef, aan biri gaadhin

  • Oo guuldarraystow khamriga, gacan togleynaaya
  • Gini-gini haddaad qaadataan, naari garab taalo

 

  • Guushiyo hadday doonayaan, geelal iyo xoolo

  • Garaadkood ba’yow may tagaan, goonyihii Xarunta
  • May nala garaacaan kufriga, gocorka laalaadshay
  • May goobtan joogaan jannaa, loo gembiyayaaye

Soo dhammaystir gabayga haddii aad heli karto inta maqan.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.