Home

Calaacal iyo way

                                                                                     Seyid Maxamed

 

 

 

Siddaan meelo kale oo badan ku sheegnay, Seyidka iyo Cali Dhuux waligood qardoofaha iyo hadalka oo ay isku yuubaan ayaa caado u ahaan jirtay.  Seyidku gabay uu Cali u tiriyey ayaan waxaan ka haynaa halalkan hoose oo kaliya:

Wuxuu yidhi Seyid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee:

1. Caliyow calaacal iyo way ciil ma bi'iyaane
2. Weligaa catow baad taqaan sida carruureede
3. Waad uun cabaaddaa siddii caamadoo kale e

4. Caqli haddii aad leedahay wax baa la citibaarshaaye
5. Cindigaa wax laga fiiriyaa caynka ay noqone
6. Cudhka laguma soo dhego waxaan kuu cuntamihayne

7. Kaarshaa ciriddii ku lumay caasiga ahaaye
8. Isaguba cagtii hore ma qabin col iyo laayaane

9. …………………………………………………..

 

Soo dhamaystir, kheyr baad helaysaaye.

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.