Home 

Cali-geri Aboodiga ku lalay

                                                                             Sayid Maxamed Cabdille Xasan

 
 

Colaadi markii ay dhaco ee ay waliba dabadheeraato waxay saamayn weyn ku yeelataa  degaanka oo dhan.  Dadka, duunyada iyo duurjoogtaba colaadaasi way saamaysaa.    Xoolaha ayaa halkii daaqa san lahayd lagala baqaa.  Ceelashii ay ka waraabi jireen ayaa cabsi daraadeed laga warwareegaa.  Iyadoon abaariba jirin ayey dadku waxay halis u yihiin inay caydh fara-madow isugu baxaan.  Duurjoogta ayaa fiigta oo ka dheeraata kaymihii qarsoonaa ee ay ku xafidnaayeen qaarkoodna ka ugaadhsan jiray. 

Sayidku isagoo ka calool xun sida colaadu u gashay geyiga Soomaaliyeed gaar ahaan degaankii Ciid, Hawd iyo Nugaalba ayuu gabaygan tiriyey.  Wuxuu yidhi:

  • Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda

  • Illiilaha banaan iyo intii, edegga Ciideeda

  • Axad kagama sii hadhin wixii, uduba oo yiile

  • Caligeri aboodiga ku lalay, abax ka sooryooye

  • Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde

  • Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, adhaxya weyntiiye

  • Ifku kama belbelo tuurihii, oolinka ahaaye

  • Meeshuu abuurnimo fadhiyey, laga alaab qaadye

  • Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane

  • Uma oohogeeyaan markii, aarankii lumo e

  • Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayaane

  • Eegida korjooguhu cishaha, sooma oriyaane

  • Xerya gaallo laysaga ag dhigay, uma adkeeyaane

  • Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane

  • Ibdarka iyo dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane

  • Ardaayada golaha kala rogrogan,uma asteeyaane

  • Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane

  • Aar saydha oonyaha gudgude, ubac dugaag jeexa

  • Ilkaha horor abeesada qallici, halaq uraa leeb ah

  • Ulbistuug anaaniga dayaca, alabas jeeraanta

  • Eynaafka baadida tagtow, adadac buubaalka

  • Abid maqan intaha raadiskey, axal ka duugowday

  • Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta

  • Ambaqaadka taa uma ekayn, aniga hay saarin

  • Sumad awdka sowraca ankira, eedda iyo dhaarta

  • Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta

  • Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga

  • Inqiis naas ah iin cararjidow, dhicis amuurrayska

  • Ubad jala abaah baaqatiyo,dhicis amuurrayska

  • Amaankow gondood eel ragaad, arami naafowga

  • Amaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga

  • Uhda dhugato roor ababa'leyn or iyo geergaarka

  • Allaqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga

  • Aafaa samaawiga allow, naga ammaneynso

  • Aamiin ma buuraan intay, duco alliifaane

  • Kuma adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye

  • Shinbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane

  • Abeerrada tifrimay goojadii lama amaaraane

  • Qorraxdoo abbaar le'eg markii oodda laga jiido

  • Kolkii kuraygu eyrada hayeey, kala aqoolmeyso

  • Ulaha uma boobaan intay, tira abyoodaane

  • Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, alaladii fooca

  • Arbaxaale goortey tagtoo aayaddeed dheregto

  • Amminkii la baraq-maali jirey, ma arrumayaane

  • Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane

  • Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane

  • Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye

  • Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane

  • Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye

  • Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn,kama umbulleyaane

  • Waxay abaxa goysaba markey, ohin carraabeyso

  • Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane

  • Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane

  • Jilaal aleel ka cad hadday, acabtin dooneyso

  • Markey uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa

  • Iyadoo idiin ka cas markey, oo la soo degato

  • Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane

  • Awaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede

  • Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane

  • Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane

  • Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode

  • Niman baa uquun kagala tegey, ilindidoodiiye

  • Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraaye

  • Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilaahaye

  • Wax arsaa'iilkood galay markay, Ferenji aadaane

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.