Home

 

Ba' a ee yow sheega

                                                    Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

 
 

Niman Dhulbahante ah oo Ararsame la isku yidhaahdo ayaa durqun ka dayn waayey Sayidka iyo xaruntiisii.  Af iyo adinba  gardarro joogto ah iyo daandaansi aan dhammaanayn ayey Daraawiishi nimankaa kala kulantay.  Dhawr jeer oo kale duwan ayaa Sayidka looga soo dacwooday daano ay geesteen.  Sayidku isagoo u digaya sheegayana mar haddii uu gacanta u qaado waxa ku dhici doona ayuu gabaygan hoose mariyey.

 

Sidii gabayada Sayid Maxamed ay caanka ku ahaayeen, xikmad dhinac walba oo nolosha insaanka taabanaysa ayuu ku reebay gabaygan, aakhirkiina  digniin kama dambays ah ayuu Ararsame u diray.  Wuxuu yidhi:

 

  • Sange buuran oo badalliyoo, gaadda balaxoobay

  • Oo aan biyiyo raaxo iyo, banaha caws waayin

  • Oo subag baqbeena la siin, bilaha jiilaalka

  • Meeshiyo baraarnimo hadduu, baadka miranaayo

  • Barwaaqadiyo geedaha hadduu, badhi ku laaqaayo

  • Baldhoolaha cagaarka leh hadduu, buro ku daaqaayo

  • Bus-ku-eriga raacdada hadduu, buuris geli waayo

  • Sidii bagagi doora leh hadduu, bigigifle u rooro

  • Inaan bahalka laga soo xidhayn, ba’a ee yow sheega

  • Basar iyo wanaag haybadliyo, booddo iyo fuulmo

  • Beder iyo kabtiyo raaxo iyo, buubsi iyo weerar

  • Inaan baqal faradaha gaadhahayn, ba’a ee yow sheega

  • Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto

  • Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo

  • In billaawe lagu soo xafsiin, ba’a ee yow sheega

  • Lo’da beydideed waa hadday, baraq u joogtaaye

  • Barqimaha gugii baa xumbada, laga budhsiiyaaye

  • Buqbuqoodka iyo ciirtu waa, beri samaagiiye

  • Boggan wuxuu insaarixin intuu, baarta cunayaaye

  • Jiilaal barraahsaday sacii, balafyey weyshiiye

  • Ninkii baqar lahaa waa hungee, ba’a ee yow sheega

  • Dameer laba buqlood lagu raree, lagu baqoolsiiyey

  • Bukuuraha xunbuu moodayaa, buur inuu sido e

  • Inaan bacadle awr lala simayn, ba’a ee yow sheega

  • Bakhaylkaan bidhiidh yaabahayn, waa bakhtoo kale e

  • Marna haddaanu beydkiis nin yimid, badhax u dhiibaynin

  • Buuryaqabka inaan loo tageyn, ba’a ee yow sheega

  • Bahdii nimaan wax siinayn hadday, baahi kula roorto

  • Barakadiyo xoolaha haddii, beri la dhaafsiiyo

  • Inaan badhaxna loo taagihayn, ba’a ee yow sheega

  • Naagtii basariyeen Illaah, barin waxoogaana

  • Inkastoo baftiyo kheyli iyo, boqoro loo iibsho

  • Baalidu sidii habas hadday, boodh ka kici waydo

  • Marna inaanay bilic yeelanayn, ba’a ee yow sheega

  • Culimada sidii baaniyaal, baladka gaal joogta

  • Baabkii Allaa laga akhriyey, inay beloobeene

  • Inay belalka naartii ku dhici, ba’a ee yow sheega

  • Ninkii balada laguu yeeriyee, bayraq lagu duubay

  • Marna haddaanu bara aaminiyo,  baahi geys noqonin

  • Inaan boqorka loo deynahayn, ba’a ee yow sheega

  • Bishimo aamusaa waxay helaan, inay badbaadaane

  • Rag balaayo iyo ceeb ninkii, igula baayooda

  • Inaan baxarka moolkaa ku ridi, ba’a ee yow sheega

  • Baalxaafka waxaa loo sitaa, baylah kaa maqane

  • Ninkii loo bukaan qabay hadduu, beeg u dili waayo

  • Birtiisu ha jabtee inaan la rabin, ba’a ee yow sheega

  • Runba nimaan ku baydhayn ibleys, barale weeyaane

  • Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo

  • Inaan dhegaha loo balalinayn, ba’a ee yow sheega

  • Bogga laga mudyow fuluhu waa, baydada hayaaye

  • Goortuu bidhaan cadow arkuu, balow yidhaahdaaye

  • Inaan malaga laga baajinayn, ba’a ee yow sheega

  • Geesiga bocood lagu dhintaa, bili ka raacdaaye

  • Abidkiisba baashuu ka galo, looga kala baydhye

  • Isaguna buruu leeyahaye, ba’a ee yow sheega

  • Burgahaan wax tarihayn haddii, belelku qiiqaabo

  • Aan baayad-xumo deynahayn, baaqulliyo ceebta

  • Baasaha dagaal inuu ku lumi, ba’a ee yow sheega

  • Raggii baadda loo gurahayee, boqolka loo keenay

  • Beejimada naagaha raggii, beydka loo galiyey

  • Baraarada adduunkaa raggii, baqaska loo dhaanshey

  • Baashiga raggii laga dhigee, bayda taagahayey

  • Big hadday yidhaahdeen kuwii, sedada beegaayey

  • Ballankii Illaah inuu ku dhici, ba’a ee yow sheega

  • Ararsame bullada haygu tumo, baanisaha geede

  • Intuu burunjidaydii la tago, hayska baar lulo e

  • Bululixiska iyo faanku waa, buli ishaalleeye

  • Burjin xabbaga oo geed ku yaal, baacu waw tegiye

  • Biciidkii bulshada ay ka gala, baydaraa heliye

  • Inaan baylah laga waayahayn, ba’a ee yow sheega

  • Haddaysan sidii beelo raran, Xarunta soo buuxin

  • Ama aanay xaqay naga buleen, bixinin oo keenin

  • Ama aanay Bangaal iyo Hindiya, beled kale u dhoofin

  • Baaruud la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo

  • Barakada Illaahay haddaan, badi u noolaado

  • Inaan baarax nabadeed jireyn, ba’a ee yow sheega

 

 

 

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.