Home

Dabka iyo xarbiga waxan la rabey nimanka Daaroode

                                                               Maxamed Aadan Caws (Yawle)                         

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Colaad xun ayaa dhexmartay Habar Jeclo iyo Habar Yoonis, Yawle ayaa haddaba gabaygan tiriyey isagoo markaa dalka dibadiisa ku maqnaa (Cadan) kana xumaa nimankaa Isaaq ee isdilaya.  Wuxuu leeyahay Daarood baa Isaaqow idinku wiirsanaya, aniguna waxaan idinla rabay inaad Daarood iska celisaan, dhexdiinuna aad u heshiisaan siday iyaguba u heshiiyeen.  Wuxuu yidhi:

  • Wax la yidhi dagaalbaa ka dhacay, Duudo iyo Hawde
  • Isku duufe reerii hadday, kala dednaayeen
  • Allay lehe waxay kala dexeen, doorka maanta ahe
  •  
  • Doonbiraley lama aan jeclayn, dirirta shaaleeye
  • Dagaalkay dhigeen geeljiruhu, dawba ma ahayne
  • Nimanbaa ku diirsaday warkay, dumarku geeyeene
  •  
  • Anigana dubkiibay kurbaday, diifna waw halise
  • Kuwii danabeennii hayaa, daaha soo galaye??
  • Docda Kiishashlaa shalay la furay, degeladoodiiye
  •  
  • Haddaan daafad loo waayin iyo, danane maadhiina
  • Dabka iyo xarbiga waxan la rabey, nimanka Daaroode
  • Iminkay danuukhyeynayaan, farax daraaddiiye
  •  
  • Digashada iyo heesuhuna waa, duudda igu dhawe'e
  • Ku diirsade warkii Reer Isaaq, ama dilkiisiiye
  • Ogaadeenka Doolliyo runduda, Xabashi dawgeeda
  •  
  • Docmo iyo Majeerteenka yaal, duudda Madax-Gaallo
  • Maxamuud Garaadkaa Darmaley, deleb ku maalaaya
  • Warsangeliga dabadiisu taal, Soolal dacalkooda
  •  
  • Docdii aad u eegtaba Hartigu, dooray nabadiiye
  • Waxa daawadii laysla helay, Reer Isaaq dila e
  • Duunyana waxay kala dhaaceen, laysu wada duubye
  •  
  • Marse haddii dagaalkii kordhoo, dunida maansheeyey
  • Haddii daahirkii Habar Jeclo, caydh la dulugleeyey
  • Degmada Reer Xirsi Cismaan haday, qaylo dirir doontay
  •  
  • Dunji Habar Xabuusheed dhamaan, deris waxay hayso
  • Dusha Habar Magaadluu ka mari, daacad Eebahaye
  • Damman maayo oo waan ogahay, dayrtan maanta ahe
  • Nin walboow u durug reer tolkaa, danina yeelkeede
  • Dabadeed hormada ay helaan, ha u durduureene

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.