Home

Hagar Adaan iyo Khaalidkaan Hawd u gali waayay

                                                                  Maxamed Aadan Caws (Yawle)                         

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Daraawiish iyo waxaa goob ku dagaalamay niman Reer Hagar, Dhulbahante, ah.  Daraawiishtii ayaa caalsaaraha goobtaa lagaga qaatay.  Cali Dhuux Aadan oo col la ahaa Daraawiishta ayaa ka gabyey dhacdadaa.  Gabaygaas waxaa ka mid ahaa:  

 

  • Sharkuba idin muu taabteen hadaad, shalay na dhaaftaane

  • Cayuun shacab leh oo kii lahaa, shaaha karinaayo
  • Daraan idin shiddeenyeenba waa, naga shisheeyeene

Cali wuxuu ahaa nin gabayga iyo godadkiisa aad ugu xeel dheer.  In kasta oo uu gabaygan Daraawiish ku digashadeed u bilaabay, haddan wuxuu sii mariyey Isaaq oo uu leeyahay iyagaan waxba idin yeeleen ood sidaad doontaan ka yeeli karteene maxaad Daraawiishay iyaga u weerari weydeen intaad anaga nagu soo lug go’deen.  Si gaar ah wuxuu Cali u tilmaamayaa Habar Jeclo iyo Habar Yoonis. 

Muddo ka dib ayaa ciidan Majeerteen ah, gaar ahaan Reer Biciid Yahan ah, weerareen Buuhoodle iyo aageeda, geelal badan oo Dhulbahante lee yahay kaxaysteen cidina aysan ka dhicin ama raacdo ka daba dirin.  Halkaa ayaa waxaa gabay uga soo baxay nimankii Isaaq ee Cali hadalka hadda ka hor ku qaloociyey.  Waxaa gabaygan hoose tiriyey Yawle oo daba socda gabaygii Cali Dhuux.  Yawle wuxuu si gooni ah farta ugu fiiqayaa lana amakaagsan yahay sida ciidankii xoogganaa ee isaga Hawd uga dhaartay (Hagar Adaan iyo Khaalidkaan, Hawd u gali waayay ) loo jabiyey geeloodiina aayar loo mersaday.  Wuxuu kaloo lee yahay isku jaba Daroodow, isagoo gabayga marinaya Dhulbahante, Ogaadeen, iyo Majeerteenba.  Wuxuu yidhi:   

  • Warka xalay habeenkoo badh tagay, hugufku ii keenay
  • Heeryada madheedhka leh halkaa iyo, hogobka Buhoodle
  • Ayadoo hagoogane fardaha, hadhaca loo waabay
  •  
  • Horweynkii miyaa lagala tagay, hiririfkii dayrta
  • Hayaay iyo hayaay qayladii, haan kastaba gaadhay
  • Heeryada iyo miyaa Awryadii, haanta lagu boobay
  •  
  • Habeeda iyo saalada waxay, haarta jebiyaanba
  • Iyagoo habeen sii dhaxshay oo, sii hintiqinaaya
  • Hadhka galay miyaa raacdadii, hir iska soo moostay
  •  
  • Ma hollinnaa ma noqonaa miyaa, laysku haaraamay
  • Halkii lagama raacinee dib bay, uga hulleeleene
  • Iidoorku hoobaan dhiraha, kama huluusheene
  •  
  • Alay lehe waxaan lagu hafteen, halawga maadhiinka
  • Huwana waydinkaa dilay siday, hibo u saarnayde
  • Hagar Adaan iyo Khaalidkaan, Hawd u gali waayay
  •  
  • Haawey Majeerteen ka baqe, inay humaajaane
  • Sengayaasha heensaha dunta ah, la handaraafaaya
  • Ee hilawga dooggiyo Galgala, hawdka lagu foofshey
  •  
  • Habaaska iyo raacdada hadaan, lagu halaagaynin
  • Ma hilbay ka qalan wayla yaab, waxay u haystaane
  • Maxayse horaro laayeen ku fail, hawsha iyo guulka
  •  
  • Afartaa hilaac iyo sidii heego, maw curiyay
  • Cali Garigii noogu hengellaa, hiilki Bah Xawaadle
  • Humbanida dhexeeto iyo intaa, halaqa Daaroodka
  •  
  • Markii hilib baruurliyo la cuno, halab karuurkeeda
  • Nimankaad hargoolaha Berbera, hadalka moodaysay
  • Ma hollin ee Majeerteen ka baqe, inay humaajaane

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.