Home

Hilow

                                                    Xuseen Cabdi Xalane

 

 

 

Gabaygan Hilow la baxay waxaa billowgii 1990kii tiriyey Abwaan Xuseen Cabdi Xalane.  Hillow, daltabyo, boholyow, xaraaro iwm ayaa Yurub ku helay, gaar ahaan wuxuu saluugay noloshii dhibka yarayd ee uu ku haystay Normandy, France.  Wuxuu dib u xusuustay waayihii  iyo degaankii uu kusoo barbaaray.  Wuxuu is yidhi yaa habeyn madow ka dhaqaaqa oo Dul iyo Laalays kasoo jeedsada.  Dani waa seeto e, duruufta ayaa saamixi wayday.  Sidii ‘shucaraa’ul mahjar’ tii Carabta ee qarnigii 19aad horraantiisii iyo kii 20aad billowgiisii ka gabyi jiray noloshii ay ku muteen Latin iyo Waqooyiga Ameerika ayuu afkiisa la baxay oo uu Hillow mariyey.  Mar haddii aanu awoodin inuu noqdo wuxuu is yidhi ka hadal nafta culayska saaran bal inuu inna ka yaraado walbahaarku. 

 

Gabaygu ma dhanna oo intan wuu ka dheeraa, laakiin waxaanu ku qasabnay Xuseen inuu nasoo gaadhsiiyo wixii hadda uu ka xusuusto.  Isaga oo aad garanayso inuu yahay nin “nostalgia” googaysay, ayuu wuxuu yidhi: 

 

            Habeen iyo dharaar waayadeer, jiif ka haajiraye

            Hoteel quruxsan hoy iyo sariir, hadhac la ii waabay

            Kuma soo hoyaadee cidlaan, kali hadaafaaye

            Inkastoo xubnaha daal hayaa, hoyo idhaa fiidkii

            Ma hadee hurdada layl dhexaan, ka hanfiiraaraye

 

            Waxa raarta ii hilan cuntada, haqab la’aanteeda

            Anoo xiiso weyn uma hayee, u hunguryoonayni

            Waa anigaa hilbuhu weyd yihiin, hiifsan tabartiiye

 

            Hablo quruxsan haasaawihiyo, dumarka hawshiisa

            Kaba hadhay hawiyo naago aan, u hanqaltaagaaye

            Hilow iyo daltabo waanigaa, heedadawga ahe

 

            Hammo been ah yaa qurbaha, hura waxaa yaalla

            Allow yaa intuu Harar ka dega, horey u sii dhaaafa

            Hadaafaha intuu Nogob hardiyo, maayadiyo hawdka

            Hilkii webigiyo yaa Godey, ugu hoydaa reero

 

            Isagoo horweynoo dullaha, dhaaxo ku harraaday

            Isagooy habeedii sibraha, haarufta u yeeshay

            Afyaxaasle yaa geel hora, hollaca jiilaalka

 

            Iyadoo hareeraha tolkaa, sheemadu is hayso

            Oo aan hujuum laga baqiyo, had iyo khoof joogin

            Hadh qabow intuu jiifsadoo, geed Higlo ah xaadho

        Hal jaraalihiyo yaa shaxdii, boodhka ka higaadsha

       

        Kaftan aan hinaasiyo lahayn, hadal la miihaaho

        Isagoon hareeraha dayayn, hoosna dhuganaynin

            Nimay hilib wadaagaan mar yaa, dhab ula haasaawa

 

 

            Hal la qoodhiyiyo reer tolkey, geela ku habsaanye

        Hormuudkiyo abeeraha hugmiyo, aaranka horbooda

        Habaqlihiyo waa caadadii, horinba meel daaqe

            Isagoo intuu qadaw habcaday, doogga ka  han beelay

        Oo hiira weynow ritigu doobta, ka hiinraagshay

        Waa hibashadeedii waxaan, maanka ku hayaaye

            Hulluuqiyo dullihii yaa mar kale, Daallan ugu heesa

 

            Hoorkiyo sidkaha heetiyee, haarta kori waayey

            Iyagoo gollaha hoose iyo, hudaha loo daayey

            Halab caanaheediyo xunbada, waan u heellahaye

            Geel haleel ah oo dhalay mar yaa, bidix ka haaneeda

 

            Gu’ga hoorey hoodiyo raxmada, Eebbe hanadsiiye

        Himmadiyo faraxda beeshoo, himilo qooqaysa

            Heelliyo hublaha boodayiyo, heesiyihiyo jiibta

            Isagoo hiddihii raacayoo, huganka reemaaya

            Hablo dhoor leh iyo yaa mar kale, horin u dhaanteeya

 

Xuseen Cabdi Xalane gabayadiisa kale halkan ka akhri.

 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.