Home

Talo Abwaan

                                                                                  Xaaji Jamaal Baynax Qadiid             

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Gabaygani wuxuu ku saabsan yahay nabadaynta ummadda Soomaaliyeed.  Wuxuu yidhi:

  • Maanasada waxaan ku allifaa, idam Illaahaye

  • Haddii uunan Alluhu ii sahlayn, eray ma sheegeene

  • Inkastoon awow iyo abiyo oday, kasoo gaadhay

  • Mawjad igu agtaallaa jirtiyo, badaan idlaanayne

  • Masooo oodmo anigaaban rabin, hawl abwaanimo e

  •  

  • Ayaamahaan shucuuraysnahaan, gabayga oogaaye

  • Hadbana arimahaan doonayaan, ku anba qaadaaye  

  • Waxaanan ugu adeegtaa sidii, aalad xoog badane

  •  

  • Albaabkaan ku liishaamo yuu, eber ka siiyaaye

  • Inshaa Allaahu goortaan ku daro, eenan ka iloobin

  • Ilaahay waxaan ka baryo, wuu iga ajiibaaye

  • Islaamkana wax uguma dhimiyo, eed nimaan galine

  • Inta badana diintiyo xaqaan, ku ijtihaadaaye

  • Aslaaxu-beyna-naasiyo ducaan, ku Alla tuugaaye

  •  Umaddana wixii horumarlaan, ugu tilmaamaaye

  • Waxba arartu yey ila durkine, waxaan kusoo duubay

  • Ujeeddada murtida aan rabaan, idin ogeysiine

  • Samaawaadka Eebbahay markuu, udub la'aan taagay

  •  

  • Arladana ka dhigay gogosha, aan ku istareexayno

  • Buurahana tiir lagu adkayn, Eebbe uga yeelay

  • Dunidana badaha wada anfacay, Rabbi iraadeeyey

  • Een in laga adeegtiyo sakhiray, doonyo ku ordaaya

  • Ee laga ugaadhsado kalluun, Eebbe barakeeyey

  • Istiraatijina laga dhigay ee, aadmigu u aayo

  •  

  •  Hooyo uur ku qaadiyo isagoon, aabbo laga beerin

  • Nebi aadan Dhoobada markuu, Eebbe ka abuuray

  • Ee Xaawo feedhiisa bidix, laga ahaysiiyey

  • Aqala looga dhigay ee la yidhi, abid ku noolaada

  •  

  • Malaa'igta Illaahay markii, amarka uu siiyey

  • U sujuuda goortuu ku yidhi, ani addoonkayga

  • Ibleyskii kibirku dhumiyeybaa, diiday amarkiiye

  • Intii kalana Eebbaha xaqa ah, yey wada addeeceene

  • Sidaa aawadeed yuu Ibleys, naar u iishadaye

  •  

  • Hooyo uur ku qaadiyo isagoon, aabbo laga beerin

  • Nebi Aadan dhoobada markuu, Eebe ka abuuray

  • Ee Xaawo feedhiisa bidix laga haysiiyey

  • Ee uu jannada uduga badan, ku istareexsiiyey

  • Aqalla looga dhigay ee la yidhi, abid ku noolaada

  •  

  • Malaa'igta Ilaahay markii, amarka uu siiyey

  • U sujuuda goortuu ku yidhi, ani adoonkayga

  • Iblayskii kibirkuu uu dhumiyey baa, diiday amarkiiye

  • Intii kalana Eebaha xaqa ah yey, wada adeeceene

  • Sidaa aawadeed yuu Ibleys, naar u iishadaye

  •  

  • Ibleyskii khasaaray oo colaad, aadmiga u qaaday

  • Arrimihii Ilaah daaya yidhi, ugu ammaan beene

  • Goortuu ibleys dhaar u maray, toos u aamine e

  • Amarkii markaasay jabsheen, Eebbahay faraye

  •  

  • Ilaahay markuu hoobta yidhi ee, arlada keenay

  • Ambadkii la kala dhumiyey yey, ka anfariireene

  • Iyagoo is deydayahayoo, kala ugaadhoobay

  • Kulankoodii Eebbahay haddana, dib u iraadeeye

  • Awlaad mataaniyo intuu, Eebbe taransiiyey

  • Aadmiga batee qaaradaha, iniba meel taalo

  • Afrikaan madow iyo caddaan, midab idaylkiiba

  • Aadan iyo Xaawaa dhaloo, waan ogsoonahaye

  •  

  • Iskhilaaf dhaqana baa jiriyo diin la aaminaye

  • Iyo luuqadaha kala anbaday, lay af garanwaaye

  • Farqiyada irdaha ina dhexdhigay, waa arrimahaase

  • Dawlado il-baxay baa dabeed, qaar addoonsadaye

  •  

  • Aalad lagu hormaray baa jirtiyo, xoog itaal badane

  • Aarmi iyo dhaqaaliyo hubbaa, loo adeegsadaye

  • Iskaadh iyo qunbuladiyo haddaan, kaare lagu aarsan

  • Aasiya, Amerikiyo Yurub Waarso idilkeedba

  • Afrikaanka laga faanayaa, kamay adkaadeene

  •  

  • Shan dawlaa adduunkii xukuma, oo adeegsada e

  • Awood Fiito oo lagu qasbay, ku isticmaalaana

  • Dawladdaan ka amar qaadan way, ula-qalweeyaane

  • Sidii ubad la dhalay yey dabeed, edeb u siiyaane

  •  

  • Arrimahaa wixii sababay yaan , idin ogeysiine

  • Nagama aabo fiicnee raggaa, amar-ku-taagleeyey

  • Awoowyadoodii dhalay bawga tagay, xeer asaasiya e

  • Aano iyo qabiil bay naceen, ina-adeer sheege

  • Iskhilaaf bulshada qeybiyay hog, ku abaaseene

  • Iskaashiyo midnimo horumarley, ku intifaaceene

  • Ilo-dhaqaale xoog lagu tabcay, u ololeeyeene

  • Ujeeddaday rabeen yey markaa, ku istareexeene

  • Sidaas aawadeed yey heleen, guul itaal badane

  • Inaguna wxaaan eednay baan, daba ordaynaaye

  • Arrimihii dib-dhaca keenay baan, weli unkaynaaye

  • Inta aan anaa reer hebel ah, isagu faanayno

  • Ololaha qabiilkana shacbiga, loo abaabulayo

  • Ha eegina inaan horumarroo, guul la aawilo e

  •  

  • Qabyaalada uf buu yidhi Rasuulkii, la aaminaye

  • Umaad qeybsan howsheeda yaan, abid hagaagayne

  • In qabiilku uu Aydhis yahay, cudur wax aafeeya

  • Soomaalida ifsaadkii dhexmaray, saynu soo aragnay

  • Inan iyo abtigii baa is dilay oo, aaminkii dhimaye

  •  

  • Tan ebyaye mid kale oon rabaan, idin ogeysiine

  • Ugaasyiyo suldaaniyo wax-garad, odayadeenoo dhan

  • Ururkii haweenkiyo bulshada, idil ahaanteedba

  • Ummadii ma jiro reer ka maqan, saydun aragtaane

  •  

  • Arrin lagu midoobaan rabnaa, oon ergo u nahaye

  • Islaamkuna ismaqal iyo taluu, ku intifaacaaye

  • ISkhilaafna waa waxa nabaday, aaya xumadaase

  • Waalidna duulka amardiiday waa, laga irdhoobaaye

  • Ummaddeeni oo idil haddii, Eebbahay ururshay

  • Afkaar inaan wadaagnaa inagay, na anfacaysaaye

  •  

  • Maantay israaciyo midnimo, noo ekoontahaye

  • Aqbal keen noqdoo wixii figrad ah, bixiya aaraa'da

  • Nabaddana ayida taladan waad, ku aflaxaysaane

  •  

  • Tan ebyaye mid kale oon rabaan, idin ogeysiine

  • Arartiyo tusaalaha murtida waxaan, usoo oogay

  • Indheer-garadka Soomaalidiyo wixii, abwaan sheegta

  • Xigmadduu Ilaahay na baray, iyo afwaahdeenne

  • Ummaddeena waa inaan maslaxo, ugu adeegnaaye

  • Oon wacyi-galin ayaan iyo habee, ku ijtihaadnaaye

  •  

  • Abshir guulla nabad taamahoo, udubka loo taaggo

  • Ubaadkiyo shacbigu waa inay, ku istareexaane

  • Aayatiinka nolo fiican waa inaan, abuuraaye

  • Arligeena waa inaan dhisniyo, eeriyada guude

  •  

  • Ilduufkii dorraad nagu dhacay ee eelka nagu reebay

  • Urugada qabiilkii na baday ee, iradhada keenay

  • Inshaa Allaahu waa inaan haddeer, dhab u ilownaaye

  • Axdi iyo kitaab koloo laysmarsado, aamin lagu gaadho

  • Ummadyahay midnimo ku arrinsada, eedde baladiiye

  •  

  • Soomaalidu ideylkeedba waa, ul iyo diirkeede

  • Arqabiyo xigaal weeye iyo, oday caruurtiiye

  • Waa isu abtiyo seeddi iyo, reer awow dhalaye

  • Anaa reer amiir iyo qabiil, aynu wada aasno

  • Asluubtiyo dhaqankaan lahayn, aynu wada eegno

  • Eray godob leh yaan laysku odhan, eedna  la xambaarsan

  • Aflagaado yaan qolana qolo, laysku iimaynin

  • Isku dhaca qabiilkana maslaxad, waano ku adkeeya

  • Ibleyska uga diga iyo colaad, urugo weyn keenta

  •  

  • Eebaha awooda leh intaan raacno, amarkiisa

  • Axadkii wax dila toogta waa, aayad diiniya'he

  • Uur fayoobi beeluhu markaa, yey is aaminiye

  • Mooryaanta iimaanka la'a iyo, deydeyga ordaaya

  • Danbigeena oo ururay yey, ka dhex abuurmeene

  • Jeeroo Allaha laga cabsado oo, diinta la adkeeyo

  • Udgoonoow rasuulkana sunaha, raacno amarkiisa

  • Dulli ina asiibiyo dhibkani, abado weeyaane

  •  

  • Idaylkeen intaan toobadkeen, eebbahay barino

  • Aayadaha qur'aankiyo sunahaan, ku aflaxaynaaye

  • Xaqoo lagu adkaadiyo nabadna, galiya uurkiina

  • Oo yaan israac iyo midnimo, abid la moogaanin

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.