Home

Maslaxad Qaran

                                                                                  Xaaji Jamaal Baynax Qadiid             

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Abwaanku wuxuu gabaygan tiriyey sanadkii 2000 wuxuuna kaga hadlayey maslaxad raadinta ummadda Soomaaliyeed.  Wuxuu ku bilaabay:

  • Allayahoow macbuud baa tahiyo, maaligii jiraye

  • Waxaad maagto adigaan Rabbiyow, ciddi majiirayne

  • Dhulkoo magad ah oon daaq lahayn, meel wax laga goosto

  • Markuu mayeygu dhawr jeer helee, daadku mulacyeeyo

  • Adaa doog madow iyo caleen, maalmo soo bixine

  • Cagaar mulaya dhikil maqasha qarin, maanyo hamashowday

  • Midho curdana ubax kala midaba, muunad lala yaabo

  • Millicsiga il-doogsiga arlada, oo laga maqsuudaayo

  • Muska caano lagu daadiyiyo, maalka oo dararsan

  • Malyuumaad nimco ah oo aan ciddi, tiro ku meegaarin

  • Martabiyo aqoon iyo derajo, maamulkii dunida

  • Ku manaysay Aadmiga Rabbow, waana mahaddaaye

  • Allahayoow Macbuud tahay iyo, Maaligii jiraye

  • Waxaad maagto adigaan Rabbow, ciddi majiirayne

  • Muraadkaygu waa nabad codsigaan, maansada u tirine

  • Soomaalidii mulkiday dawladii, magaca weyn gaadhay

  • Qaran mida markay wada dhisteen, oo meel u wada jeeda

  • Kacaankiina uu midho dhalay oo, waayo lays mahadshay

  • Mashaariicda iyo horumarkii, maal waxay tabacday

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Muraad-seegga hadafkoodii lumay, murugo weyn keenye

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Soomaalida Allayahow midee, ooy isu macaanaato

  • Bulshada oo midoon qeybsanayn, meella wada taala

  • Oon maanka lagu hayn colaad, madaxa lays gooyo

  • Khilaaf madax dhexmaray kici shacbiga, laysna maan-dhaafye

  • Masiibadii dheacdiyo weerarkii reerba, reer madhiyey

  • Isma mahadin Soomaalidii, maanka fududeyde

  • Mariid bay la kala kulantay iyo, mur iyo waabeye

  • Meydkoodii haaddaa nacdoo, mirey dugaagiiye

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye

  • Midabkiisa calankii samada, lagu mataalaayey

  • Xiddigtii macnaha loogu dhigay ee, meesha kaga tiilley

  • Midowgiyo afgaradkii jiree, lagu mataanoobay

  • Mustaqbalka waxay damacsanayd, dawlad magac weyne

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye

  • Muqshiyo Hargaysiyo Hobyiyo, meeshi Balad Xaawo

  • Mushtarkaa u kala gooshi jiray, meel kastuu rabo e

  • Moodharadu ma kala joogsan jirin, maalin iyo leyle

  • Nabad lagu mushaaxaa jirtay oon, ciddi ku maagayne

  • Malyuumaadyo lacagoo la sido, tuug ma mohanayne

  • Haddana ruuxii mara waxaaba dili, beliyo mooryaane

  • Muslimiintii axad tobon kun sida, meel u kici waaye

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye

  • Ismoodsiiskii hore eey qabeen, malihii beenowye

  • Balaayada mar-furatay een la helin, weli wax maareeya

  • Maati dooxii dhacay tobanka sano, iyo meydka farahiisa

  • Mashaakilka nacaa sii kordhiyo, mahadhadaa ceebta

  • Mashaqada xalkeedii lumee, laysna mari waayey

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Kibirkiina meel uu ka baxay, mooyi laba waaye

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Soomaalida Allahayow midee, ooy isu macaanaato

  • Ha midowdo Maxamed yidhi, waayo lagu moodye

  • Muddo badan mushkiladiyo colaadihii, la moogaaday

  • Qabiil waliba muruq buu is biday, qalabna meeleeye

  • Makalaha markii la is jaray eey, muudsadeen dacarta

  • Reer reer muquunina karaa, meeshii laga waaye

  • Qolo guul mulkiday ma ayna jirin, muruqna beenowye

  • Murugo iyo cadaab waxaan ahayn, lama macaashayne

  • Mid qabiil ku faaniyo midkii, madax ku doonaayey

  • Midna waxay damceen uma hirgalin, oo daaye murankiiye

  • Nabad inay macaan tahay hadday, maanka ku hayaane

  • Maalintay qabiil aamineen mowdku, ka adeegye

  • Soomaalida Allahayoow midee, Maalig baa tahaye

  • Muraad adiga oo u kacay oo ka tagay, madasha reerkaaga

  • Maalin iyo adoon laba habeyn arag, miciin ruuxa ah

  • Harraad kugu marraa'iyo adoo, baahi mucurtaysan

  • Reero aadan macriifaba u qabin, magacna sheegaynin

  • Wan weyn buu ninkaad soo martido maalintaa qaliye

  • Maamuusta dhaqankiyo isagoo, amagaca dhawraaya

  • Maxaad deyi kartaa buu ku odhan, maalin iyo leyle

  • Kaasoo miidhan raggii kala diley, mahayin sow ma aha?

  • Soomaali waa qoys is mudan, kalana maarmayne

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Soomaalida Allahayow midee, ooy isu macaanaato

  • Waa dad diin mid ah leh iyo af qudha, oo mataano ahe

  • Midab iyo degaaniyo dhaqanba, waysku meel wudha e

  • Haddana waa qaraabo isku maran, jiidh midaa dhalaye

  • Soomaalidu waxay kala mudnayd, laga madoobeeye

  • Majaraha Ibleys baw hayee, la isma maageene

  • Maskaxdoodi maandooriyaa helay, mindhaaleeye

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Soomaalida Allahayow midee, Maalig baa tahaye

  • Abaar magad ah adigoo ka tagay, oo meel kale u doolay

  • Soomaali madal ay degtood, maalmo ku nagaato

  • Adoo maalku kaa ooman yahay, oon yeel markaa wadanin

  • Oo aadan macruufiyo aqoon, magac qof sheegaynin

  • Ceel ma'wiya markii aad timaad, reer kastood mudato

  • Barbaar muruqyo weyn bay ku siin, oo maalka kuu shubiye

  • Macaa yeel inay kuu huraan, oo midig lagaa saaro

  • Maalkoodii oo oomanbay kaaga, miga siine

  • Gobonimo macaan weeye oo, laysku maamulo e

  • Soomaali waa qoys ismudan, kalana maarmayne

  • Maalintay qabiil aamineen, mowdku ka adeegye

  • Inay nabad macaan tahay hadday, maanka galiyeene

  • Soomaalida Allahayow midee, ooy isu macaanaato

  • Ma macaashin nimankii, colaadii maqooradaye

  • Mana helin muraadkii, waxay muhindisaayeene

  • Masiibaday dhigeen iyagoo dhiig, kuwada maydhay

  • Muraad seegga waxa ooga daran, meesha ay tagiye

  • Danbigoodii midhuhuu dhalay, malabsan doonaane

  • Midkii dhintay mutaysigii cadaab, muudsaduu galiye

  • Midka noolna murugo iyo cabsibuu, maanka ku hayaaye

  • Maalintuu dhintana Jahanabaa, moolka loo galine

  • Macbuudkoon adoomaha dulmayn, ayaa marin abaalkiiye

  • Macaankaa nabadda ruuxii nacaba, marin-habow qaadye

  • Meel-kadhaca gafkii ay faleen ayaa, madal usii yaalle

  • Mashaakilkay abuureen dhibkiyo, mahadhaduu reebay

  • Anoon tiro ku meegari karin aan, midhadh ka faalleeyo

  • Malyuumaad la diley oon lahayn, magiyo dhiig toona

  • Malyuumaad hantidii laga dhacoo, fara madoobaaday

  • Malyuumaad laxaad beelayoon, ciddi masruufaynin

  • Malyuumaad qaxooti u mudh baxay, oo dunida meeraysa

  • Malyuumaad mushaar qaadan jiray, oo wada miskiinoobay

  • Malyuumaad agoon iyo rajo ahoo, waalidkood dubitay Mooryaantu

  • Iyo qaar ku muluqsiibtay doon, oo mawjad ay sababtay

  • Oo hirar ku maanshoobay oon, mid laga haynin

  • Iyo qaar mucsira oo ahaa, madax la qiimeeyo

  • Iyo wixii marwiyo gabadh kufsiga, lagu madiixaayey

  • Intaa nimankii maamulay iyo badh aan, meesha laga sheegin

  • Eebaha macbuudkaa yaqaan, meesha uu marine

  • Masiibooyinkaa soo dhacay eey, mudatay Soomaali

  • Macnaha iyo ujeedadaan ka rabo, yaan m eesha ka cadayne

  • Waa inaan maslaxad ku dhaqano oon, xumaha maarayno

  • Waa inaan macaankeeda nabad, ciddina moogaanin

  • Waa inaan ma kala maaranee dhab, u midownaaye

  • Waa in layska soo wada masaxo murankii reer-reere

  • Maatideena waa inaan qabiil, maanka loo galine

  • Waa inhadda mashquulkii jahliga. layska maanaco e

  • Mustaqbalka tacliin waa inay, ubadku maalaane

  • Maslaxadiyo heshiis baa bulshooy, maanta noo dahane

  • Kuwii hore halkii ay mareen, dib uga maantaaga

  • Muddo badan qabiilkaan wadneen, meel ku tagi waynay

  • Martabo iyo wanaag laguma helin, waad ku madhateene

  • Labada marinba ina seejiyoo, mooyi saa nahaye

  • Meeshii Eydhiskuu galay qabiil, maaro lagu waaye

  • Go'aan mid ah intaad qaadataan, maanta dabar-gooya

  • Magacood jir reer hebel nacoo, wadajir meelaysta

  • Macbuudkeena caabuda xaqaa, noo martaba roone

  • Murtida iyo tusaalaha anoo, meelo badan taabtay

  • Xigmaddan meersan iyo waanadaba, galiya maankiina

  • Midnimiyo walaalnimo runiyo, mawqif wada yeesha

  • Midigtana ku suga nabaddu waa, lagama maarmaane

  • Midigtana ku suga nabaddu waa, shey macaan badane

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.