Home

Weerar iyo Saahid

                                                             (Magacyada ma ka heshay?)

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Raggii hore waxay ahaayeen kuwa aad u fahmo badan oo sarbeeb iyo hadal huwan oon is xagxagasho lahayn danahooda ku gaadha.  Waxaa la wariyey in Weerar Bulxan maalin maalmaha ka mid ah hadhsaday aqal ay lee yihiin qolyo ay ilma-adeer ahaayeen.  Maalin kale oon saa middaa hore uga fogayna aqal kale oo isla reerkii ah ayuu milicdii kululayd ee Ciid kaga yara gabaday.  Maalintaa dambe ayuu aqalkii wuxuu kasoo aaday geed niman odayaal ahi fadhiyeen.  Geedkii markii uu yimid ayuu wuxuu xusuustay in Bir-Xijaab uu qabay uu kusoo iloobay gurigii uu hadda kasoo kacay.   Wiil yar oo markaa ka ag dhawaa ayuu ku yidhi adeer orodoo gurigaa waxaad iiga soo qaaddaa Bir-Xijaabta aan kusoo hilmaamay.  Wiilkii aya balow yidhi oo isagoo Bir-Xijaabtii la ruclaynaya keenay.

 

Saahid Qamaan oo ka mid ahaa odayaashii geedka fadhiyey il-qoodhkana kala socday wiilka yar ee la diray ee birtii keenay, maalintii hore ee Weerar guriga kale hadhsadayna ka war qabay ayaa arintu si gooni ah u damaqday.  Saahid rag badan oo uu ku dhaadan jiray ayaa goor aan sidaa u fogayn xarbo iyo dagaal ku lee'day.  Dumarka iyo qoyska oo dhanna dushaa ayuu ka il-xoolaadinayey oo uu uga odayeynayey.   

 

Saahid ayaa haddaba Weerar ku yidhi "Weerarow shax inoo jeex?"  Weerar wuxuu ugu jawaabay kula shixi maayo?  Saahid baa ku xila-furay Weerar inuu la shixi doono.  Bal waayahaye inoo jeex ayuu Weerar haddaba yidhi.  Shaxdii ayaa la jeexday oo la bilaabay in saddex-iyo-tobanka iyo irmaantaba la is qaado.  Saahid haddaba ujeedadiisu ma ahayn shax oo kaliya ee waxay ahayd sidaan horre u sheegnay inuu Weerar dareensiiyo inuusan raali ka ahayn in lagu ag arko dumarka uu dushaa sare ka ilaashanayo.  Wuxuu haddaba yidhi:

 

·         Weerarow ninkii kula jidh ah, baa lala jadheeyaa

·         Ninkii jaahu kuu qabanayo, yaa lala jalbeebtaaye

·         Jidba ma aha xoolaha inaad, wada jeclaataaye

·         Jisha iyo aan Raabkaba la baxo, waa jaguugnimo

·         Hasha jillica ah iyo qaalmahaad, wada jelleecayso

·         War mid ku joogso layskuma darsado, laba jidhaamoode

 

Tanaan dagay..............................

 

Weerar makiiba wuxuu gartay in Saahid ka xun yahay Bir-Xijaabtii laga soo qaaday guriga iyo gurigii hore ees hadhsaday una qaatay in meesha wax tolnimo ka badani ku jirto, deedna wuxuu ku jawaabay tix ay kamid ahayd: 

 

·       Waxaan dhinaca kuu saaray, waa Dhuubadii hore e

·       Dhididkii aan qardhaasaha baxshay, baad wada dhukaanteene

·       War haddaba dhabbaha qaadayee, dhirifka qaar daaya

 

Tanaan degay.........................

 

Soo dhamaystir ileen adigaa hayn jirayee.

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.