Home

Shakuul Gaaxnuug

                                                  WWII

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Jiilaal durraaqsaday wuxuu, nagu dangiigaaba

  • Dabeyluhu waxay nala dhacaan, daafad iyo qiiqba

  • Kol uun baa darxumadii la qabay, layska damiyaaye

  • Shinbirkaa durduursiya markuu, doogsi naawaliye

  • Cir diraaci soo daaran tahay, waa dugsiin jiraye

 

  • Dayaxiyo shamsada oo kulmoo, daaqad wada jooga

  • Deegaantu labadaa markay, diilimada saarto

  • Ebidkeed diraacduu hongaa, daafku dhiigluhuye

  • Durgufkiyo caddaadkii miyaa, nagu dul heehaabtay

  • Diridhabatay maantana, waxay di’ise mooyeene

 

  • Soo durugtay maandeeq, sidii deeqdi karameede

  • Iyadoo sumado deel ah iyo, diintii Nabigii leh

  • Duleedkay ka reentaa hashii, loo duceyn jirey

  • Rabbi waxaan durraansaday, inaan laban ka duugnaaye

  • Naga dabacsan lawyada wixii, naga duubnaaye

  • Dahaadhkii indhaha noogu jirey, nalaga sii daaye

  • Dib Allow ha noo celin adaan, kugu dacwoonaaye

 

  • Dal nimaan lahayniba, wuxuu dageye xaaraane

  • Doolqaad ilbaxay jeer danbuu, kugu dul maydhaaye

  • Daakhliga waa laga shaqayn, deyrtan maanta ahe

  • Ha lays wada` dugsado waa intaan, daamurka u qoyne

 

  • Dabku ku dacalle doodnaar cayilay, dabata qawlaysan

  • Dul abaarre deyntiyio ku nool, duudsigiyo ceebta

  • Duqduu dhalyey way nagu jirtaa, duud abeesluhuye

  • Idinkaa da’baas yahay kufriga, iiga sii daran

 

  • Hadba nimaanu daaraan nahaye, ima daqiiqene

  • Cadaawaha na darandooriyaad, daawo dhigateene

  • Allahaydin doorshee sharcigaad, meyl ka durugteene

  • Dawan baa iblays uga tumaa, meel dushoode ahe

  • Dalka hooyo waydan lahayn, dibaad u joogtaane

 

  • Dangayahaw haddaydaan ahayn, dir isla ceeboobey

  • Daa’imanba gaalada maxaa, idin dul gawriirshay

  • Digaday Sagaaradu dhigtay, dad istiraahdaaye

  • Darkaan xidhaba waa maalintay, dooxi jireyeene

  • Halkay doqontu awrka u wadaan, doo’da ka hayaaye

  • Nin xabaalo duugaan ahiyo, duulal baa bayey

  • Isku dagannay Soomaaliyey, daawashada guude

  • Hadba kii dajida soo cabbaa, haygu doob-dhabo e

 

  • Duufaanka soo kacay haddaan, laga digtoonaanin

  • Daafucul balaayaha haddii, loo degdegi waayo

  • Dal kaloo la aadaba haddaan, keena laga doolin

  • Danbaa tidhi haddaan looga tagin, daaqatiyo faafan

  • Meejiyo Denaakilo haddaan, caydh la dalandoolin

  • Hadday daasaskaa wada camir, duni ka laadlaado

  • Dergad haawan mooyeen haddaan, daaqad laga waayin

  • Haddii anu waraabuhu dibbirin, dubur ku gaajoodey

  • Dadkan diika-diikoon haddayn, dooxatadu leefin

  • Dab nin haysta mooyee hadday, dacawo noolaato

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.