Home

Samatar Baxnaan

                                    Maatada xaggee Reer Cismaan, madaxa loo saari

 

 

 
The largest online collection of Somali poetry

 

Wuxuu gabaygan dhaadashada ah abwaanku u diray Yawle oo uu ku gilgilayey waranka kuna lahaa Habar-Jeclo haddii aad afka ugu soo hiilisay bal waxaad tarto aanu dhawro. Wuxuu yidhi:

Mooradu ma fiicniyo nin maal, lagu majeertaaye
Anse macallin diin laan ahoo, dhigaya mawliide
Sida sheekh mufti ahoo cilmiga, madal ka sheegaaya
Bal aan mariyo maaweeladaan, maahirkeed ahaye

Nin hadduu malluugada yaqaan, mooradiyo faalka
Isagiyo Fircoon baysku mida, maalin aakhiro e
Adow maraga oo shaacir waa, inuu mushteegaaye
Inuu gabaygu kaa yare mergedo, laguma moodayne

Marka hore hadday laba qabiil, kala maqnaan weydo
Miyir lagu walaaliyo hadday, maarsi kala weydo
Mindiyo laysku dooxiyo hadday, maradu dhiigoodo
Mirta iyo dharaartuba dagaal, kama maqnaadaane
Mutux waxaa ka xoog badan sirtii, laysku mowtiye e

Waxba Habar-Jeclada aan makalay, haw makaabirine
Shan qolaa mataanaha ka jaban, Maxamedkiinniiye
Madmadoobayaal oo dhan baan, loo muraad qumine
Waa muusanoow iyo baroor, maansadaad tidhiye
Maadhiinka nimankaan la dhacay, miida Habaryonis
Magta geed-quwaax lagu xukumay, waa rag kaa maqane
Ma mardaadi baa kaaga jira, muuqan mahayaane
Mise waa kuwii lagu mudmuday, maqasha daaqeeda

Afrataa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe
Madhoodhooyin iiguma baxdee, marin ma qaadsiiye
Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay

Adoo macawis iyo shaal sitoo, muunadii boqor leh
Maajeenta ceelkii lahaa, amase maygaagle
Muusiyo Quddayr iyo jafkaad, nala mushaaxaysay
Aduun bays maqiiqaye dhulkaad, magan ku daaqaysay
Maantaad cabbaysay biyuhu, magac lahaayeene
Imminkay mariid kula noqdeen, mur iyo deebaaqe
Muslim meel xun laga qaatay waa, inuu mastuuraaye
Madfac iyo rasaas bay noqdeen, mahadnaqaagiiye
Ma munaafaq baad tahay abaal, waa ku moog yahaye?

Afartaa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe
Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye
Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay

Makhribkii hadaan duulay, waa mid an ku dheerahaye
Muunida aroortiyo hadhkii, kuma macaashtaane
Waa taan makaartii Goleed, kaa mullaaxsadaye
Maydkii Isaaq lagala hadhay, moodharaa guraye
Waa kii waraabuhu ku mamay, maaxdii Reer Sahale

Haddii deyrtu waa mudan Hartiye, nala mihiibsiiyo
Meeshaad taqaanneen haddii, mayeyga loo diido
Meermeerka Gubaddood haddii, lagu maqnaan waayo
Sida maylka geeddigu hadduu, mudh isa soo siiyo
Manqax iyo haddii xididtinnimo, la isku muuneeyo
Hadday Muusayaal nala dersaan, nagama maarmaane
Dad ninkii manaabo la' haddii, midigta loo dhiibo
Magligaad afaysaa ku goyn, muruqa Yowloowe
Maatada xaggee Reer Cismaan, madaxa loo saari?
Mas baa kaga tufaye laaska yaa, mar uga soo dhaamin?

 

 

 

 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.