Home

Salaan Carabeey

                                                                                     Waar tolow colka jooja

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

1.      Baashow daliil gabay ma jiro, nin igu doorshaaye

2.   Halka dooyna laga naadiyaan, duunka weriyaaye

3.   Dux markaan ka garan waayey, baan daayey waayahane

4.   Kol baan diririyaa sidi cirkoo, da’ kaliilaaye

5.   Xaluun baan digiriyey sidii, wadaad diin u haajiraye

6.   Dabuubtaan la yeedhana Rabbaa, duusha weligeede

 

7.   Waa daabac aan go’in midkaan, duco bilaabaaye

8.   Daadxoorta iyo mawjaddaan, kala dabbaalaayo

9.   Dacartaan wadnuhu hayn karayn, daari feedhaha e

10. Waa daafi yaridii horee, aan idin deeqsiiyo

11. Dibna waxaan u idhi xaajo, waa dux iyo hawraare

12. Reer Faaraxeer kala durkee, kala duddeynaaya

13. Aan uu Ducaale iyo Seed, ha igu diideene

14. Duugeeda belo wuu helaa, nin u dadaalaaye

15. Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha

 

16. Dunjiga Nuux Ismaaciil tashiga, daaha laga saarye

17. Deegaa Reer Axmedi wiilashii, timirta diiqaayey

18. Xasandabadna reer Jaamicii, kala dabayl raacye

19. Aroos dama damaashaad iyo naas, daawashada geedka

20. Dibna hadal ka yimid baa cag-geel, loogu daw galaye

21. Deelqaaf fagaaraa Iblays, kugu dukhuulaaye

22. Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha

 

23. Dalaalkuu laqwiyey Reer Shirdoon, danafsigii eedye

24. Dalanbaabigii Dhamal wuxuu damac, lahaa leefye

25. Bah-Godabiirsi danab baa ku dhacay, dimishigii goofe

26. Nin darraad lumiyo naagihii, dulube ooyaaye

27. Reer Geeddigii dibada maray, daadi amarkiiye

28. Nimanyhaow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha

 

29. Reer Sugulle dakhar wiil yar baw, sidey dubaaqdiiye

30. Waa taa degmada laysku furey, dabadi looyaane

31. Dulmi hadduu qabsaday Eebaheen, daayinaa jire e

32. Dubaaqii qabriga hawgu turo, dabaqi naareede

33. Dummadii Xirsuu saaran yahay, Dubur raggii yiile

34. Doolaabadii boqor hadduu, damacsanaa weeye

35. Dabar qaaday Reer Diiriyihi, damaca waallaaye

36. Duudsuu ku dhacay ina Ammaan, dib-u-heshiintiiye

37. Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe

 

38. Reer Cali-garaa isugu darraa, dil iyo qoomaale

39. Dekenidii qabaalkii raggii, dumiyey qoomeeye

40. Waa dawri Buuhoodlahey, dir u lahaayeene

41. Waayadanba dabataa fadhiday, daalinoo col ehe

42. Durba waranka waysugu dhaqsaday, dooxanaa madhane

43. Ma degdego nin dirirtii ogaa, dooxadii Garabe

44. Ku dibsade Daboolan iyo Cadey, danabadii yiile

45. Dabkuu Aadan shidey Ina Gallaydh, durugsigii waaye

46. Danbarkeeda dhaxal xaajaduu, doortay Reer Gorode

47. Nin dardaarankii Cumar hayaa, mudanihiis daaye

48. Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe

 

49. Ararsame dulmaa kala qabsaday, dirirti caymeede

50. Daaroodba maqal xaajadii, daahirka ahayde

51. Dubku hadduu ku nixi Reer Wacays, deleb shixii raacye

52. Tuka lagama dadin wiilaashii, wada daboollaaye

53. Ma duugine sidii bay lafuhu, dibad u yaalliine

54. Daris waxaa aqbalay reerihii, dawladda ahaaye

55. Markuu sheekh cilmiga daakiraa, fiqi duceeyaaye

56. Diinta wadaad kama aflaxo, xaqa ka doodaaye

57. Koley deeradiyo cawsha tahay, doqontu waa quuse

58. Iyana waa isdoontaan kolkay, kala dibboodaane

59. Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha e

60. Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe

 

61. Dayax soo iftiimiyo qofkaad, dahabka moodeysay

62. Wax Dallaayad laysugu rogmaday, darabka saarraaye

63. Jeerow dabriyo lays markaday, dooyo iyo weerar

64. Cali diid halkaan maalintaa, dawga ku ahayne

65. Daaqiyada mawdkii dhadhami, wuu duraansadaye

66. Bah Idiris ma dayin Reer Jibriil, digasho loolkiiye

67. Ninna Faarax kama daawo gelin, xaalki loo dilaye

68. Dugaag baa hirqaday feedhihii, darabta weynaaye

69. Col dareeray duukiyo lalabo, dirayo sheydaanku

70. Danabaysiga nimankii badnaa, duraha jiilaalka

71. Dawriyaha Reer Muusihii, dad u itaal sheegtay

72. Daleelii wareeg baa la dhigay, duco qabeenkiiye

73. Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, duinda jeedaasha

 

74. La dalleensay Nuux Maxamedkii, idinku deyrraaye

75. Daaraha la ridey sura madow, dumarka ooyaayey

76. Dugayeyda naagaha hablaha, dibadda meeraaya

77. Haddaan dayey dayaca Reer Barrow, daran ammuurtaase

78. Warsow kama diqootaan ilmada, dibiqle guudkooda

79. Dalki waxa xukuma Reer Warsame, dixida weynaaye

80. Imankay degmada soo fureen, daranti tiigeete

81. Duddo reerka loo dhigay haddii, Dagel la waaheelo

82. Duleedkaa mus laga joojiyaa, dibadda dhowree e

83. Ragna mudanihiisa saw dugsiya, dah iyo gaashaane

84. Meeshii dalleenaa libaax, degi ka eegtaaye

85. Magacna waa diboo dhalashadii, loo demeli waaye

86. Ayaan idin diqdiqin waano, aan durina aafeyne

87. Danba kama leh Reer Faaraxaan, docoginnaayaaye

88. Wax balaayo lagu diimiyaa, duul ku waajibay

89. Colkan Habar-Jeclada loo dudi, daw kalow furane

90. Allow yaa caruurahan durdurin, kala dillaameeye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  

 

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.