Home

Sarsar igu bannaanaa

                                                  Raage Ugaas                             

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan waxaan kasoo uruuriyey ilo ay ka mid yihiin cajalad uu duubay Yuusuf Colaad, Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) iyo kuow kale. 

Anigoo qayb gabayga ka mid ah mar hore ka qoray cajalad uu duubay Yuusuf Colaad, ayaan waxaan billowgii 2005tii socdaal ku tagay magaalada Minneapolis, Maraykanka.  Bacadle Soomaalidu dukaamo badan ku leedahay ayaan aniga iyo nin saaxiibkay ahi gaadhnay.   Dhawr dukaan kolkii aan dhaafnay ayaan waxaan ku leexanay  makhaayad shaaha laga cabo.  Waxaanu makhaayadaa kula kulanay Maxamuud-singub oo shax miis dushii ku ciyaaraya.  Cabbaar markaanu ag fadhinay, aadna uu nooga qosliyey ayaa wsaxaanu weydiinay "abwaan bal wax noo sheeg?"  

oo uu Raage Ugaas tiriyey

Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey geeridii walaalkii Ugaas Xuseen.  Isaga oo Qoraxeey jooga oo reer uu gabadh ka qabay ina la yaal u ah, ayuu cuntadii diiday oo uu mar qudheeta goosan kari waayey.  Gabadhii uu qabay oo Xaddiyo Nuur Yey la odhan jiray ayaa  aabaheed u tagtay oo ku tidhi ninkii waxna iima sheegayo dheeftiina diid.  Dadkii horre wax garasho iyo fahmo badan ayey ahaayeene, odaygii gabadha dhalay ayaa gartay in meesha wax ku jiraan oo uu Raage wax tabanayo.  Gabadhii buu dabadeed wuxuu ku yidhi, haddaynine, kolba toosiyoo, isagaa hadli doonee wuxuu ku hadlo iisoo sheeg.  Gabadhii baa aqalkedii kusoo noqotay oo taladii abaheed yeeshay.  Markii u dambaysay ayuu fadhiistay oo uu yidhi:

  • Saldhadaan fadhiyey Faaraxow, la iga soo saarye
  • Salka inuusan dhigin baa, adduun laga sugaayaaye
  • Sidii surayo neef qali ayaan, suuqa taagnahaye
  • Haddaan geed siyaab looga dhigin, saar ma joogsado e
  • Suhra ma arko labadii indhood, nimay saruurmeene
  • Shir sasabane guul saadambe ah, amase saakuuna
  • Suxulkaa ka soo leef markuu, badowgu sooyaamo
  • Raggii kala sabaalayn jiriyo, sayncaddaa madhaye
  • Salaad loo danleeyahay ma ogi, si aan idhaahdaaye
  • Anba saatan inay duniyi noqon, saabka kuma hayne
  • Gablan samo adduun waa waxaan, kor u siyaadayne
  • Sidka geelu waa labiyo toban, seben dhammaantiise
  • Sacna caanihii waa intuu, sabadku buuxaaye
  • Adhina waa sadqee lagama helo, seedda joomaha'e
  • Sanduuqaan miftaaxii lahayn, waa surduban jaane
  • Birta haddii uu soofuhu ka lumo, saawir bay noqone
  • Gobannimo raggii sare ka tegey, waa siraad dameye
  • Sooraale aar baa dhufsaday, sararihii Nuure

  • Saratoosiyaa Aadan cunay, siqigii dheeraaye

  • Soonkii kal horre Yuusuf baan, siigadii dhigaye

  • San yaraan hagoogtiisa siday, laba sabaanoode

  • Sahal bay ahaayeen raggaan, saa u leeyahaye

  • Maantaa salaankii u jabay, Samatar Fooljeexe

  • Sarsar igu bannaanaa mus iyo, sud igu deyrrayde

  • Nin sirsiraad ka damay wuxuu shitaa, sooma xaabadiye

  • Soo jeedahaan ku hurdi jiray, sulubkii geeryooye

  • Wax badan baa siddii siiqa webi, saa naloo wadaye

  • Boqorkaan saf iyo fara lahayn, waa sakaar adhiye

  • Dhaaxaan salaamiyo ahayn, saafi nabadeede
  • Gablan samo adduun waa waxaan, kor u siyaadayne
  • Sabca saynabkii Adariyo, timirtii reer Saaxil
  • Burka iyo sareenkaad ku dubi, saanta dabadeeda
  • Sudna igama gelin dhuunigaad, soo dey leedahaye
  • Sengihii xiniiyaha la jaray, yaan sidii ahaye
  • Sikac oo igala baydh, soo noqnoqodkaaga
  • Iga seexo surin layhayo, yaan seedi kaa gu'ine

  • Ha i siinin soortii shiflaa, lagu sadaadaaye

  • Ama saadanimadii haween, saacadba i toosi 

Gabadhii baa gabaygii xafidday oo abaheed siddii uu Raage u yidhi ugu marisay.  Odaygii ayaa markiiba fahmay dhiilada so korodhay oo yidhi Ugaas Xuseen baa geeriyoodayee sahay, sibraar caano ah, sibraar biyo ah, iyo farasba ha loo diyaariyo Raage.  Siddii baa la yeelay oo Raage ugu amba baxay tacsidii ugaaska.

Tacsidii ayuu kuu daahay Raage markaasuu is yidhi amay qoladii aad xididka ahaydeen ku tiigsadaan amaba u maleeyaan inaad isaga tashatay oodanba soo socon.  Gabaygan kale ayuu haddaba goobtii uu joogay kasoo diray

Wuxuu yidhi:

  • Muli kuyan lawaashida cad iyo, laashinka adduunka

  • Lama ooyin laanqeyr sideed, laysku wada laabay

  • Anoon kuna ladayn kuna lulmoon, laab siraad ololka

  • Sheekhyadu lamaadiye sidaan, leyl u yuururaye

  • Raggii lumay libaaxdii go'diyo, nimankii leexeeyey

  • Lurkay iga hayeen baa i galay, sida dab laydheede

  • Umad baan lalabaheed ku jiray, tabar lihiinkeye

  • Wuu kugu laclaafuu is odhan, laqankii  Ciideede

  • Lugta iyo haddii aanan ka jabin, lowga iyo dhaadka

  • Marna inaan kaa laabaneyn, igaga laab riixo

  Soo raadi gabayadan iyo kuwa kale ee Raage

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.