Home

Koortii Yucub:  Raage Ugaas

                                                                              

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Gabayada Raage Ugaas Warfaa  ee wada cajaa'ib ah waxaa ka mid ah gabaygan tixdan hoose aan ka hayno.  Wuxuu Raage gabaygan ka tiriyey geeridii xaaskiisii uu aadka u jeclaa, Xaddiyo Nuur Yey oo libaax qaaday iyadoo habayn madow soo dheelmad ah.  Wuxuu yidhi:  

  • Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
  • Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
  • Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
  • Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
  • Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
  • Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
  • Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
  • Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
  • Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
  • Wixii laygu kuunyeeyay miyaa, igu karaamoobay?
  • Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
  • Maantana kataantii miyaa, layga kala qaaday?
  • Kob abaar ah oo dhexe miyaa, koore ila meeray?
  • Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
  • ...

Soo dhamaystir. 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.