Home

Hami:  Raage Ugaas

                                                 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Gabaygan Hami la yidhaahdo, wuxuu abwaanku ku fasilayaa riyo uu habeen ku riyooday waa 
sida gabaygu u dhacayee.  Haddii aad hayso qisadan oo dhan noo soo gudbi fadlan. 
 
1.      Xalay Isniintii waxaa i helay toban umuuroode
2.      Asal gama'na ways idhi hurdana uurka kama seexan 
3.      Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday
 
4.      Afka kama dhawaaaqayn hadana, aamus ma aan yeelan 
5.      Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday muuqday
6.      Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay
 
7.      Albaabada dibada baan ka iil, aqalna waan jiifay
8.      Istanbuuli cadar layma marin, udugana waydaaray 
9.      Oon baa idilay oo biyaan ku agwareegaayay
 
10.  Onkod iyo hilaac roobna waa, nagu itaaleeyay
11.  ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayay
12.  Awaartii manabin oo hadana, wuu anfacay kaynta
 
13.  Anfariir xaluunbaan hurdada oog la sookacaye 
14.  Ilinkaan talaabada ku waday, kol aabaarahaaye
15.  Meeshaan abaarada kutago, aakhir bal aan eego
 
Waxaa noo soo gudbiyey gabaygan Cabdi Xiis.  Mahadsanid saaxiib. 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.