Home

Ciilow ba'eey talo xumaan

                                                                                       Qamaan Bulxan                                         

 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Qamaan Bulxan wuxuu ku dhaqnaa dhulka Ciid loo yaqaano.  Ciid haddii ay colaad la' dahay waa dhul dalsan ah oo aan barwaaqadu ka idlaanin, xoolahana gaar ahaan geela u roon.  Laakiin xilliggii Qamaan colaad nooc walba leh ayaa dhulkaa ku badatay.  Mid shisheeye iyo mid sokeeyaha dhexdiis ah ayaa ka dhammaan wayday.  Qamaan oo tusaalaynaya barbaarta aan colaadda iyo dhibkay leedahay aqoon iyo kuwa aan xilkaska ahayn ee goor walba ka shaqeeya eed iyo dhiig daata ayaa gabaygan mariyey.  Waa gabay tusaale waayeel ah oo uu Qamaan dadka ku dareensiinayo wanaaga nabadda iyo barwaaqada uguna digayo aafada ay colaadu leedahay.  Wuxuu yidhi: 

            Codka gabay Colaadow nin, lagu caasiyaan ahaye

            Cirraystayoo ma tirin maansadii, calanku saaraaye

            Cindigayga keen caawaan furfuri, ceesh la ii wadhaye

 

            Cimrigay intaan jiray amaan, cagaha meel saaray

            Een calashay dheeftiyo wixii, calaf la ii mooday

            Caawa iyo maantaa nabsigu, waaba cayn yahaye

 

            Dunida ciirtay qaarbaa ka hada, caawa say tahaye

            Caruur dharagtay caaniyo hadhuudh, laga ciraab roone

            Cammaa doqona caalliyo dhul saw, cunug hallayn maayo

 

            Waa caamo nimankaan ogayn, Ceeg markaan tagaye

            Iyagoo cayilay bay arkeen, Ciidna laasime

            Casar galay cishiyo fiid dagaal, rag isku caatoobay

            Ciriid kulul cagaag iyo rasaas, carar la baynuuno

            Ciwal gibin ah oo loo xishiyo, caafimaad ma lehe

            Cuudkoo yaraadiyo dhulkaa, soo cidhiidhyamiye

            Wax cibaaradaa lagu arkaa, caawa saan nahaye

 

            Cirkoon roob ka wayniyo abaar baa, camiri Faafe

            Cawskiyo biyaha yaa engagi, ceelka doogsamaye

            Intaad caano iyo wiil tahaa, lala cabsoodaaye

            Wax calaacal kuma yaal haddii, caydh lagaa dhigo e’

            Cadaabkii ma iibsado nimaan, Caadilkii badine

            Caku iyo cakuye sow ma nicin, caasi iyo eersi

            Casha noolba saw cadho horliyo, cudurti ii maaha?

 

            Nin bay cududihiisii gacmeed, Caliyow mowdeene

            Allaw yaan cirrooliyo tashiga, culumo dhaafsiinin

            Waa cadow Axmaarkaa galbeed, ka cartamaayaaye

            Gaaladan cawiifta leh kufrigan, caranayee faani

            Waxa badaha ceegaaga waa, ciidan Faransiise

            Ingiriisna Cadan buu ka iman, waana cudud weyne

            Girligaan caliqan sow Talyaan, soo camiri maayo?

 

            Makaahiil cidduu daba socdiyo, culus ma loo diiday

            Niman calan leh boqor caadiliyo, curad ma sii luuday

            Casharkii la maray sow darraad, cadarki been maaha

            Kolba kii carjabay sow kitaab, lama cusboonaynin

 

            Habaryoonis sow Cali Ammaan, ina ciddood maaha

            Sow Jaamac iga caaqibee, laguma ceebaynin

            Geeleer Cawaagtulena sow, caabuq yimid maaha

 

            Casimaadku nimankuu dhacee, caydhu wali hayso

            Caqligiina kama fiirinine ma, cafiyeen aadki

            Sow Ceelis iyo Reer Isaaq, camaladdii maaha?

            Allaw yaan cirrooliyo tashiga, culumo dhaafsiinin

 

            Cabdallana raggaad ka cubtanteen, ciid ma lagu tuuray

            Ciddow dhimo e' sow Ina Xakaar, lama caddayn dayrta

            Cumar-nuurna sow kii horeen, la caddibnayn ma aha?

 

            Carriga Eebbahay nabad kobaan, uga carraabayno

            Oo aan Caruusiyo ahayn, sidatan caadh-gooda

            Car yaa garan cadceed iyo cadceed, kobaan ka cayn-saarro?

 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.