Home

Meeris

                                                 Qamaan Bulxan

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qamaan ayaa in muddo ah aamusay oo hadal laga waayey isagoo ka xun haweenaydiisii oo isaga oo aan dhiman furina lagu sheegay inay reerkoodii i nin kale ku dareen.  Haweeneydaa waxaa la odhan jiray Barni.  Waxay marka nimankii ilma adeeradii ahaa weydiiyeen Qamaanoow maxaad u aamustay?  Wuxuu ku jawaabay tixdan oo ka mid ah gabayadii uu u tiriyey Barni. 

  • Lix hal maansadaan tirin lahaa, yaan isaga meershay

  • Mufti culimo sheekh lagu mintido, oo xaq kala miira

  • Oo jeer dhawayd magac lahaa, amase maamuus

  • Masala gaabka maagan ee qarsoon, yaan isaga meershay

  • Anoon mariintideedii dacniyin, meel fogna aan joogin

  • Naag meher qabtaa waa mubaax, macallinkii keenay

  • Dadka maatidaa u kala jirtay oon, muran ka oognayne

  • Haddiise haatan lays kaga maljaday, murug adduunkiiye

  • Muslinoow bal arag xaajadaa, laysku malaq siiyey

  •  

  • Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso

  • Haddaan midhaha Reer Magan Warfaa, magacu duugoobin

  • Rabbi boow markhaati ah inay, miir la dhici doone

Fadlan nala soo socodsii haddii aad og tahay meel laga heli karo gabaygan oo dhan.   

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.