Home

Guda Umuurtayda

                                                                                     Qamaan Bulxan                                                          

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygani waa gabaygii ugu horeeyay ee uu Qamaan Bulxan u diro Reer Sheekh Cabdille ka dib markii afadiisii lagu sheegay in nin kale loo dhisay.  Wuxuu gabayga usii dhiibay nin la odhanjiray Aw Cumar oo usii jeeday Hargaysa si uu Qamaan dacwigiisa u gaadhsiiyo reer xididkii.  Wuxuu yidhi:

1. Aw Cumar gaddoontaye haddaad naga guddaan caawa

2. Rabbi ha idin geeyee haddaad gama'mulayn weydo

3. Ood gaanbisaan socoto way galan galcootaaye

4. Guluf iyo lugooyiyo col wayn galalaftii weerar

5. God abeeso Good iyo Mas iyo goosatada hoose

6. Waddada goonyaheeda, jid iyo gawrac iyo jiitin

7. Galow iyo shinbiro gii' leh iyo guul dariyo qoofal

8. Gulaal dhagax iyo geed-nugaal lugtiyo gacandhi sii jeedda

9.  Wiyil gaatin gool iyo libaax gucummo aar yeeshay

10. Gantaaleed good iyo rasaas kugu galeelyeysa

11. Gebgab iyo cabsi iyo wixii gubaya jiidhkaaga

12. Gunti Nabbi Alla ha kaa geshiyo golaha Yaasiine 

 

13. Gaabiyo haddaad nabad tagtaan gorarka Aw Nuuxa

14. Ismaaciilka gaanka ah haddaad war u gamuunyeyso

15. Giddigii Aw Warfaa iyo Bah-Sacad amase Guuleedka

16. Sheekhii Islaamkuba garteen gacanta saaraynay

17. Gaadhsiiya gabaygaan idhi igu gar weeyaane

 

18. Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay

19. Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay

20. Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin

21. Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay

 

22. Nabsi lama gurtee seediyaal guda ummuurtayda

23. Gadaafiyo xaq lama soo duwdee guud-caddaha miidha

24. Bacdigeed halkaad goosataan soo gadaal celiya

25. Rag hadduu gob yahay oos isgayo guurna kala waayo

26. Labaa gacallo raagtiyo lahaan gogol aan laabmaynin

27. Labana waa geshi iyo ceeb waxay kala gasbaysaaye

28. U guddiya oo midkay idinla tahay soo gadaal celiya

29. Anniguna halkii ila gudboon gees aan ula shawro 

 

30. Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay

31. Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay

32. Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin

33. Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay 

 

34. Gaalliyo garuur niman noqdoon haybi kala gaynin

35. Ninbana goosan kii kala kobtuu kaga gol roonaado

36. Ee gobolkii godob fool xun iyo geeri kala dhawran

37. Ee gobolkii gunfiyo Xuseeniyo garab ku taagleeyey

38. Ee gobolkii gaadhkii naftii galiyay reer Naa’ib

39. Ee gobolkii gooshigan Berbera gadaya baystaynka

40. Ee gobolkii gubantaa Isaaq, Gorayo-cawl mooddo

41. Ee gobolkii sidii Geri-goddaxley gaafan yahay suudda

42. Ee gobolkii gi’laynayood Awr gabniyay mooddo

43. Ee gobolkii sidii geenyadiyo gabadha loo jeedli

44. Ee gobolkii sida goonibaadh giirka laga toogan

45. Ee gobolkii guunyada dabtoo guran masaartiisa

46. Ee gobolkii gaws iyo sur iyo gudin ku sooryeysto

47. Ee gobolkii goojada qotee garawga fuudaayo

48. Ee gobolkii gamboolkuu lahaa gaar isaga tuuray

49. Ee gobolkii reer Aadan-Cawl gacanta saaraayo

50. Ee gobolkii dhawr webi gudboo haybti garan waayay

51. Ee gobolkii gooricii Hartiyo Gorrad la beeleeyey

52. Ee gobolkii guddoon iyo lahayn hebel inoo geeya

53. Intaasaa gayiga reer tolkay qaarba gees maraye

54. Rabbi haysu geeyee cidlaan gagafsanaayaaye

55. Guntigaan maroorsaday anoon meel isugu gaynin

56. Oon gu’gakan maantiyo dayrta gacal wallaaleynin

57. Gebi nama sugtaan dayrna waa geeddi reer Khalafe

58. Nina godobtii kama baaqatee haw gammaanaato

59. Haw gadhoodho way wada jirtaa goonyahoo idile 

Isha gabayga:  Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980.

Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan oo nala soo socodsii.  Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey  Xadiis Axmed Caabi.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.