Home

Cudurti:  Qamaan Bulxan

                                                             

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waxaa layidhi abwaankii weynaa ee Qamaan Bulxan ayaa haweenay u dhaxday labaatan qori iyo xoolo badana uu ka bixiyey, aadna uu u jeclaa, ayaa reerahoodii aaday dhibaadna u doonatay. Haddii aysan wax badan maqnayn ayaa Qamaan loo soo sheegay in haweenaydiisii la fasaqay oo axkaamta iyo culumada fiqiga oo uu ku badbaado mooyee cayma kale uusan lahayn.  

Wuxuu yidhi dabadeed:

  • Naagtaan culuuf iyo calaaf, culus ka dhiibaayey

  • Cishriinka naagtaan ka dhigay, caammonimadayda

  • Naagtaan Cadwaan iyo tol iyo, xidid u caydheeyey
  • Naagtaan cillaankiyo lahaa, cadarka naa iibso
  • Naagtaan cabaadhyaha tinkiyo, cududuhii buuxshey
  • Naagtay ciddida hoose iyo, gacantu ciiraysay
  • Naagtaan jidhkeedii camiray, cagaha mooyaane
  • Naagtaan cadceediyo lahaa, ciriiddu yey taaban
  • Caku kolay ku tahay naagtaan lahaa, hayga caasiyina
  • Codkii Maxamed naagtuu lahaa, care ha ii keenin
  • Naagtaan cadaabkii la gee, uga cabsoonaayey
  • Naagtaan cashadii lays hardiyey, calaacashaa dhiibay
  • Naagtaan cibaarada lahaa, cuduri yay sheegan
  • Hadday haatan caadadi haween, iga canjeelayso
  • Nin adduun camirayow maxaa, cudurti kuu laaban
  • Adoo caawa jiifsaday maxay, kugu caddaan xaajo
  • Calafse waa kobtiise bal aan, culumadii dhawrro
  • Haddiise Caasha iyo wiilal iyo, caano la i siiyo
  • Oo ani aroos caraf lehoo, caarran la’i geeyo
  • Wallee cududda iga naafataan, ii cayilin waanna!

Isha gabayga:  Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980.

Waxaan nasoo gaadhsiiyey  Xadiis Axmed Caabi.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.