Home

Nuur-Jiir Ibraahim

                                      Wallee aniga waa lay tixgelin, tiirinimadeyda

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Tawaawacayey toban jeer miyaan, xalayto soo toosey

  • Tiiraanyo iyo ciil miyaan, tima madoobaadey

  • Sidii adhi tigaad cuney miyaan, taaha ku caweeyey

  •  

  • Ma tunkaa i buuxsamay sidii, toban jir awr-geel ah

  • Ma talaabadaydaan haldhaa, orod wax tuugeynin

  • Laba saanac ii tumay miyaa, tiirsan garabkeyga

  •  

  • Miyey tabaraday laba qabiil, taws dhex dhigi weyday

  • Balayadan i taaba leh miyaan, toosin kari waayey

Halkaa ayuu joojiyey Nuur gabayga.  Markii uu aarsaday ayuu kusoo

noqday oo dhamaystiray tixdii.  Wuxuu yidhi:

  • Ma Cabdaa turaabta isku rogay, waa tabtaan rabaye

  • Markii aan ku taagsaday miyuu, talalay oo reemay

  • Ma tummaatadii baan wadnaha, tahan wax weydaarshay

  • Ma tawaawicii buu i yidhi, taa ha ii celine

  •  

  • Tunka xil iga saarraa miyaan, tuurey galabtiiba

  • Libaaxuba dhurwaa toban-kunuu, tulud ka qaataaye

  • Ma rag baa la tiriyaa hadduu, toban kol weydaarto

  •  

  • Ninkii farayaan lagu tuhmey, talo ka hoostaaye

  • Wallee aniga waa lay tixgelin, tiirinimadeyda

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.