Home

Cayni-Qabad

                                         Maxamud Maxamed Fidhin                

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabay gabayada dib-u-heshiinta ee abwaanka ka mid ah oo uu Soomaalida ugu sheegayo in ay Rabbi u noqdaan si ay uga baxaan collaada ku habsatay.  Wuxuu yidhi:

  • Dul caagag leh ciid iyo bannaan, ciiri iyo buuro
  • Cal guduudan suubaan cantara, amase doox caws leh
  • Cinjir dibir leh coolida madow,webi callaalkiisa
  • Horweyn cimidha adigoo watoon, ciidan badan haysan
  • Cooflaha libaaxiyo adigoo, col uga yaabaaya
  • Cawo-daran hadduu kaa lumiyo, goor casar ah geelu
  • Carro-edeg cadceedsiga haddaad, meel cabbiri weydo
  • Carsaanyada sideedii haddaad, gees kasta u cararto
  •  
  • Adigoo curaancura jaboo, caga gubyoonaaya
  • Hadba waxaad cal fuushaba markaad, socod ku caatooto
  • Haddad weydo meel uu cag dhigay, ama cid uu raacay
  • Arbacuunka ceesaan cadbaa, loo cammayn jiraye
  • Cayni qabadna waa lagu dayaa, caaradkii lumaye
  • Bismillah cir-jiidh iyo mariikh, way cartamayaane
  • Collooboo siyaariintii way, kala carraabeene
  • Geedkii ciddida kaaga jira, waad ka cabataaye
  • Caawoo dhan waa kuu cabaad, waana cudur weyne
  • Haddii aadan cid soo bixisa helin, caafimaad ma lehe
  •  
  • Caynkaa waxa ka dhigan hadalka, yaan laysku caardumine
  • Kuwaan caano wada nuugnay iyo, waa ciddaan nahaye
  • Kala carartay Soomaalidii, calanku saaraaye
  • Hadal caraf leh sheekada markii, lagu ogaa caawa
  • Cishadii dambiyo yoomka xiga, caasiyaa galo e
  •  
  • Hadba ciriq qarsoonaan jiraa, soo carcooriya e'
  • Waxay ceelka kala soo baxaan, waa car iyo biire
  • Bismilaah cir-jiidh iyo mariiq, way cartamayaane
  • Collooboo siyaariintii way, kala carraabeene
  •  
  • Calool-xumadu goortay gashiyo, ciidhadii badatay
  • Cirku roobkii wuu naga ceshaday, caadiga ahaaye
  • Cayiliyo cadiyo caano ma leh, cuudna waa ebere
  • Cadhadii Illaahiyo intaan, cudur na soogaadhin
  • Cabsi iyo haddaan lala imaan, camal fal iimaan leh
  • Oon la isku soo celin adduun ma calfanaysaane
  • Cayni-qabasho Soomaaliyey, gali calooshaada
  • Is cafiya haddii kale wanaag, waa cirka u tuure
  • Ama cuna carruurtiina iyo, sharafka ciiddiina 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.