Home

Xoogsi

                                                                              Ismaaciil Mire

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye
    Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
    Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaas walwaallada e


  • Xiniinyoolihii kula sinnaa, waa ka xoogsadaye
    Xadka qabada niman baa guboo, soo xantoobsadaye
    Niman baa xeryaha deerka dhiga, xanankii toomoode


  • Liiraha rag baa xamar u tegay, oo u xeeb maraye
    Niman baa dayuurado ku xidhan, xiima samadaase
    Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede


  • Niman baa xaraabada galoo, xoolo saanyada e
    Hablaha xuurul caynta rag baa, xeel ku guursada e
    Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qoda e


  • Soddon gu' baan ku xasaamiyeyiyo, weliba xaalxaale
    Haddaan xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxiyohow toose
    Xaawaley kolay tahay dad waa, xagafsanaayaaye
    Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.